Somaliland: Dawladda Waxaa looga baahan yahay cadaalad, mucaaradkana Dulqaad badan – W/Q: Ali Dhinbiil

Ali Abdi Dhimbil

Sideedaba waxaa fiican qofku markuu wax cabirayo amaba uu ka hadalayo arin muhiim ah, in uu la yimaado indho furan iyo daacadnimo.  Hadaba anigoo taa tixgelinaya maxaa ku haboon ama aan u soo jeedin lahaa, xisbiga talada wadanka haya, iyo labada xisbi ee Waddani iyo New Ucid.

Hadaan ku horeeyo  xisbiga  talada haya, runtii waxaad moodaa in horumar xaga dhaqaalaha la sameeyey wakhtigii Kulmiye talada hayey, inkastoo aanu horumarku iyo wax qabadku aanu wadanka wada gaadhin. Hadaba waloow cabashada shaqo la’aanta iyo dhaqaala xumidu aay iskaba jirto, waxaa ka sii daran cadaalad darada dad badani ka cabanayaan wakhtigan xaadirka ah.

Ali Abdi Dhimbil
Ali Abdi Dhimbil

Sideedaba inay dawladu ogtahay mooyee, cadaaladu waa foundationka ummada, markaa hadii iyada la waayo dhaqaale waxba ma taro, waayo sharafta iyo madax banaanida shakhsiga iyo ummada ayaa wax walba kaga muhiimsan qofku inuu dhuuniga wax mariyo.  Bal idinku ka fekera dawladii Siyaad Barre siday inoola dhaqmi jirtey, amaba cadaalad daradii dadka madow ee South Africa lagu hayey mudadadii  badnayd ee aay ka talinayeen taliskii cunsuriyiintu.  Taasoo dhalisay in Nelson Mandela iyo in badan oo halgamayaal ahiba naftoodii u hureen si aay cadaalad ugu helaan dadkooda.  Malaa madaxweynuhu markuu Nelson Mandela tacsida u dirayey, muu xasuusayn in Nelson Mandela uu ka dagaalami jirey cadaalad darada dadkiisa lagu hayey, inkastoo aynaan isla meel dhigayn xaalada Somaliland ee iminka iyo xiligii gumeystuhu ka talinayey South Africa.   Laakiin hadana injustice is injustice whether small or big.

Umada ilaahay waxa kala haga amaba khilaafkooda xaliya waa garsoore cadaalad ah, oo ka madaxbanaan dawlada had iyo jeer xukunka haysa.  Hadaba waxaa la yaab leh wadan isku sheegaya inay yihiin Democratic republic of Somaliland, laakiin wax aan democracy u eekayn lagu maamulayo. The truth of the matter is, you simply can’t have a democracy without justice, because it doesn’t make sense.  Markaa dadka reer Somaliland muxaafad iyo mucaaradba waxay garan la’ayihiin goorma ayaa xisbigan Kulmiye ee talada wadanka hayey in ku dhow afar sano aay garanayaan amaba implementation ku samaynayaan wasaarada cadaalada iyo garsoorka, taasoo noqota mid shicibku ku qancaan, madaama aay noqon karto mid u siman dawlada iyo shicibka aay xukunto.

Anigu skakhsi ahaan uma arko in dawladu aay xilba iska saarayso muhiimada garsoorka cadaaladu u leedahay ummada, laakiin anigu waxaan u soo jeedin lahaa dawlada, ‘’the idea of Economic development without justice, will never work, because justice is part of economic development’’.  Mida kale, hadii marka horeba dadka cadaalada hayaa aay yihiin gacan ka mid ah dawlada, amaba aanay xirfada iyo aqoon cusub u lahayn waxay qabanayaan, amaba aay corrupt yihiin shilimada ku iibiya cadaalada sida iminka dhacda, dee taa waxaaba dhaama cadaaladii geedka lala fadhiisan jirey.  Arintanina waxay markaa keenaysaa inay shicibku sharciga gacantooda amaba maalkooda ku samaystaan amaba ku doontaan.

For instances, maalintii dhoweyd ee New Ucid leader Jamaal Ali Hussein, loo diiday inuu galo Gabiley, halka keliya ee uu justice u doonan lahaa waxay ahayd maxkamada sare, oo markaa wuxuu dacwad ku soo oogi lahaa maamulka Gabiley, markaa hadii garsoor cadaaladeed oo fiican uu wadanku ka jiri lahaa maxkamada ayaa u kala gar naqi lahayd, oo lagu xalin lahaa arintan foosha xun iyo wixii la mid ahba.  Markaa hadii Jamaal uu ku guulaysan lahaa dacwadiisa, faaido badan ayay wadanka u lahaan lahayd, waayo gobol kale iyo cidna sharciga gacantooda kumay samaysteen, wadanka intiisa kalena waay ka taxa diri lahaayeen inay arintan oo kale ku dhacaan.

Waxaan kaloo u soo jeedin lahaa wasiirada iyo madaxda Kulmiye, horta dhamaantiin ma Yes Man baad wada tihiin, miyaydaan talada iyo tashiga wadanka waxba ku lahayn.  Waa inaydun sheegtaan mararka qaarkood how you feel about certain situations which’s vital to national interest without fear of offending your political party or even your president.  Hadaad markaa leedihiin ama aad rumaysatan tihiin inay meeshu tahay one man dictatorship, dee markaa inagu kala yaaciya meesha, ileyn meesha waxba kama soo naaso cadee.

Qolyaha mucaaradkana waxaan leeyahay qaylo dhaankiinii ayaa ciidii ka batay, inkastoo waxaad ka cabanaysaan aay wax ka jiraan, hadana waxaad dadku u arkaan in aad muran badan tihiin, oo wadadadii loo mari lahaa aydaan raacin.  Aan idiinku bilaabee horta siyaasi iyo siyaasadu waxay tahay ma fahanteen weli.  Siyaasigu waa ninka meel dheer wax ka eega, ee aan isku qoomamayn wuxuu yidhi amaba falay shalay iyo manta.  Siyaasada aad wadaana waa inay noqotaa mid dhex dhexaad ah oo soo jiidata dadka iyo dunida aad la maacaamilayso.  Ogow mucaaradow in shicibku uu yahay your valuable customer, and the government is your superior and competitive partner.

Markaa mucaaradku waxaa muhiima inay dadka oo dhan soo jiitaan, oo markay wax sheegayaan aay hadal xikmadi ku jirto aay isticmaalaan, iskana ilaaliyaan qaylo iyo cabasho aan lib kuu soo hoyneyn.  Weliba hadaad dawlada wax kaga soo horjeedid, dee u gaadhsii si nidaamsan oo aan mushkilad ku jirin.  Waayo dadkan aad doonaysaan inaad soo jiidataan qaar badan baa dowlada taageera, laakiin waxaa laga yaabaa inaad meelo badan iskaga mabda’a tihiin, oo aay markaa sidaa kugu raacaan.  Mida kale dawlada waa loo qiraa markay talaabo fiican ku dhawaaqdo, sidaa daradeed waxaa muhiim ah in xisbiyada mucaaradku aay wixii aay iskaga mid yihiin dawlada aay ku support gareeyaan.

Hadaba xisbiyada mucaaradka waxaa muhiima haday doonayaan inay dawlada pressure saaraan si aay u dhegeysato inay horta kalsoonida shicibka hantadaan.   Waa ta labaade mucaaradku waa in wadamada aid donors ka ah amaba lacagta siiya Somaliland Government aay u mariyaan cabashadooda, si markaa iyana aay ula hortagaan dawlada cabashada shicibka iyo mucaaradkaba,.  Laakiin taa macnaheedu maaha inaad xayirtaan amaba block garaysaan caawimada iyo imageka wanaagsan ee loo hayo wadanka.

The last thing aan kula talin lahaa dawlada iyo mucaaradaka waxa weeye, waar isku dad baynu nahay, oo isku qadiyad baynu nahay ee aynu ku wada dadaalno sidii aynu dadka isugu keeni lahayn, tafaraaruqana isaga ilaalin lahayn.  Labada qolobana hayska ilaaliso dadk  ku hadla magaca dawlada iyo kuwa mucaaradkaba ee aqoonta gaaban amaba hadaladooda aay hoosta kaga jirto nacay iyo xumaanta loo hayo qof, degaan, iyo reerba.  Madaxweynuhu reerkuu doonaba ha noqdee shaqadiisu waa inuu wadanka u shaqeeyo.  Xaqiiqduna waxay tahay reerka kursiga wadanka dibada ka jooga ayaa ugu ayaan badan, dadkuna waa inay ogaadaan in madaxweynuhu wadanka u shaqeeyo, ee aanu reerkooda u shaqayn doonin.  Dadka aqoon gaabka ah ayaa had iyo jeer ku fekera in dawladnimada reerkoodu maruun hantido, laakiin ma oga in xil culus oo aan iyaga waxba u faaideyneyn uu dusha uga saari doono.  Wax ala wax faaido ah oo ku jirta madaxweynaha ayaa qabiilkayaga ah ma jirto runtii, runtiina reerka debada ka jooga kursiga madaxweynaha ayaaba ugu ayaan badan aduunka.

Sideedaba musuq maasuqu weligii ma dhamaanayo, weligiina wuu jirayaa, laakiin madaama aan xaga sare ee dawlada laga maamulin musuq maasuqa, wixii kale ee wasaaradaha iyo shakhsiyaad aay sameeyaan waa laga hortegi karaa, laakiin waa in dawladu xoog saartaa la dagaalanka musuq maasuqa.  Laakiin dhibaatadu waxa weeye aadbay u adag tahay in musuq maasuq lagala dagaalami karo wasaarado amaba dawlada dakhligoodu aanu transparent ahayn.  Bal adba waataase xisaabi wasaarad aan nidaam accountancy iyo information website toona aan lahayn kuu cadaynaya halka dakhligoodu ku baxo.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkayga waar dhamaanteen mucaarad iyo muxaafadba Hal irmaan ayaynu haysanaaye aynu wada ilaashano, oo khaasatan muxaafadku yaanay ku eegin mucaaradka toosinta wadanka iyo wax u sheegida dawlada xukunka haysa.  Waayo hadaay muxaafadku iska aamuso oo aanay dawladooda aay doorteen u sheegin wixii khaladaada amaba toosin u baahan, dee markaa masiibada ka soo baxda halkaa waay ina wada haleelaysaa dhamaanteen.   Shaqada mucaaradka hayaana wax kala maaha ee waa dib u dhiska wadanka iyo jiheynta dimuqraadiyada uu beri wadanku aflaxayo.

Markaa aadbay u muhiim tahay dadka support san dawaladu aay feker cusub la yimaadaan oo kala qayb galaan xisbiyada mucaaradka sidii loo toosin lahaa marba xisbigii talada wadanka haya.  Democracy is an ongoing business, and it always needs perfecting it, so let’s work together as a nation for a better tomorrow.

 

Ali Dhinbiil

Freelance journalist

Ali.dh@hotmail.co.uk