Somaliland: Darbi-Jiif Xukun Lagu Riday Oo Maxkamadda Rafcaanku Sii Daysay

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Rafcaanka ee Magaaladda Hargaysa ayaa Saaka Xoriyadoodii U Soo Calisay Labaatan Dhalinyaro Darbi Jiif ah oo hore maxkamadda gobolka hargaysi ugu riday xukun dhan lix bilood oo dhaqan calin ah.

 

Xisbiga Waddani ayaa Dhalinyaradani Bishii hore u qaaday Rafcaan waxaana saaka qareenadii u doodayay ku guulaysteen in ay Xoriyadooda u soo celiyaan labaatanka dhalinyaradda ah oo hore wasaaradda shaqo galinta cabasho ay ula tageen ku mutaystay xabsi dhan lix bilood.

darbi-jiif

Garyaqaan mubaarig oo ka mid ahaa Qareenadda u doodayay ayaa  xaqiijiyay in dhamaan ooda laga qaaday saakana ay maxkamadda rafcaanku ku dhawaaqday inaanay wax dambi ah layahn dhalinyaradaasi cabashadda ay la hortageen wasaaradda xabsiga loogu badalay.