“Somaliland Dadkeedaa ka dhigay inay u muuqato Dal nabdoon oo amni ah, dowladdooda kala shaqeeya” – Madaxweynaha Puntland

Boosaaso (SLpost)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdilaahi Deni, ayaa khudbad dhiirri-gelin ah oo uu u jeediyey shacabkiisa tusaale ugu soo qaatay Iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhinaca Amniga iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacabkeeda.

Madaxweyne Siciid Deni oo hadalkaas ka sheegay kulan ballaadhan oo uu magaalada Boosaaso kula qaatay Shacabka ku dhaqan gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Puntland, waxa uu sheegay in Isku-xidhnaanta Shacabka iyo Dowladda Somaliland u sahashay in dalalka la jaarka ahi ku soo dhiirradaan xidhiidh ganacsi oo dhexmara, taasina ay ku suurto-gashay nabadda ka jirta.

“Dowladaha qaarkood dadkoodu waxay na yidhaahdaan, ‘Somaliland waa tegi kartaan laakiin Soomaaliya inteeda kale ma tagi kartaan’. Dadkeedaa ka dhigay inay u muuqato dal nabdoon oo amni ah, dowladdooda kala shaqeeya”, Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxa uu Shacabka maamulkiisa ugu baaqay inay iska kaashadaan ilaalinta nabadgelyada, waxaanu yidhi, “Waxaan u baahannahay dadka reer Puntland inay iska ilaaliyaan Dadka nabadgelyo-darrada wiiqaya oo aanay marti-gelin.”

Madaxweyne Siciid Deni, waxa kale oo uu Shacabkiisa kula hadlay, “Dad badan oo reer Puntland ah markay deegaannada iyo dowladaha kale tagaan, waxa jirta inay sharciga iyo Kala-dambaynta ilaaliyaan, markay dalkooda yimaaddaanna lagu kari waayo sharciga fuiya,” ayuu yidhi Siciid Denay oo weedho dhiirri-gelin iyo canaan isugu jira u jeediyey boqolaal dadweyne ah oo ka qayb-galay kulan habeen hore ku qabsoomay magaalada Boosaaso.

Somalilandpost.net