Somaliland: Dadka Qaba Xannuunka Covid-19 oo Sii Korodhaya iyo Macluumaad Muujinaya in Cudurku ku faafay dalka

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay tirada Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid-19 oo isugu jira muwaadiniin iyo dad Ajaanib ah oo dalka ka xoogsada.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo warbixinta maalinlaha ah ee xaaladda xannuunka la wadaagtay warbaahinta, waxa ay sheegtay in baadhitaanno 24 Saac ee u dambeeyey loo sameeyay 80 Qof, xannuunka laga helay 26 ka mid ah, taas oo tirada Guud ee Dadka laga helay Xanuunka ee Somaliland ka dhigaysa 358 Qof.

Waxa ay wasaaraddu warbixinta ku xustay in 22 ka mid ah dadkani yihiin muwaadiniin u dhashay Somaliland halka Afarta kale dhalasho ahaan ka soo jeedaan dalka Hindiya.

Sida warbixinta wasaaradda lagu sheegay, 19 ka mid ah dadka xannuunka laga helay waa Rag, Toddoba ka mid ahina waa Dumar, kuwaas oo 13 ka mid ahi deggan yihiin magaalada Hargeysa, Toddoba Qof magaalada Boorama halka 6-da kale ku nool yihiin magaalada Berbera.

Tirada Dadka cusub ee xannuunka ka bogsaday, ayaa ah 5 Qof, taas oo Tirada guud ee Dadka Xanuunka ka bogsaday ka dhigaysaa 48 Qof.

Ma jirto Cid Xannuunka u dhimatay oo warbixinta maalinlaha ah lagu xaqiijiyey, balse tirada guud ee dadka xannuunka u geeriyooday ayaa maraysa 22 qof.

Dhica kale, marka la is-barbar dhigo tirada Dadka baadhitaanka loo sameeyey (80) iyo tirada dadka laga helay xannuunka (26) 24-saac ee u dambeeyey, ayaa oo cel-celis ahaan noqonaysa in boqolkiiba 32.5% laga helay cudurka, taas oo muujinaysa in xannuunku si xawli ah ugu fiday dalka.

Tirada Guud ee dadka xannuunka laga baadhay ayaa ah 1401 Qof, kuwaas oo 358 Qof oo ka mid ah laga helay xannuunka, taas oo cel-celis ahaan ka dhigan in guud ahaan dadka laga baadhay boqolkiiba 25.6% laga helay Cudurka Covid-19.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net