Somaliland: Dadka Gaagaaban Oo Markii Ugu Horeysay Urur Samaystay

gaagaabHargeysa, (SLpost)- Dadka gaagaaban ee ku nool Somaliland ayaa samaystay urur ay ku midaysan yihiin kaas oo u dooda doona xuquuqdooda.

Shucayb Xasan Ducaale oo ka mid ah dadka caanka ah ee gaagaaban kuna nool magaalada Hargaysa ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhamaystireen shuruucdii iyo qaab dhismeedkii Ururka dhawaana ay ku dhawaaqi doonaan.

Nimco oo iyana ka mid ah hablaha gaagaaban ee ku nool Somaliland kana mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee ururkan ayaa sheegtay in ururkani ka difaaci doono dhibaatada ay kala kulmaan bulshada qaarkood kuwaas oo aflagaado kula kaca marka ay marayaan dariiqyada.

waa markii ugu horeysay ee dadka gaagaaban ee ku noolSomaliland ay samaystaan urur mideeya.