Somaliland Concern Group Waxay Ugu Baaqaysaa Qurba Jooga Somaliland In Ay Kaalin Weyn Ka Qaataan Danta Guud Iyagoo Ku Bixiya In Yar Oo Xoolahooda Oo Wax Weyn Uu Noqon Karta Qaranka

Somaliland Concern Group waxay ku bogaadinaysaa qurba jooga somaliland sida ay dalkooda ugu heelan yihiin had iyo jeer ee ay dhisitaanka dalka uga qayb qaataan. waxayna qurba joogu dalka somaliland bil walba u diraan lacag faro badan oo dad badan oo reer somaliland ku nool u ah nolol, dhaqaalaha dalkana wax weyn ka tarta, lacagaha adag ee ay diraan waxaa si weyn faaiido ugu qaba iyana kooxaha baayac mushtarka oo ka helo lacago adag oo ay dalka dibadiisa ugu safraaan, kuna soo iibsadaan alaabaha ay dalka keenaan. qurba jooga faaiidooyinka ay ugu maqan yihiin iyo wax qabadka ay dalka jamhuuriyada somaliland u hayaan maha mid la soo koobi karo, waan mid ay ku amaanan yihin mar walba.

Qofkasta oo qurba jooga waa in uu is waydiiiyaa markasta oo dalkiisii hooyo tagayaa maxaan dalkii hooyo danta guud ka qaban karaa? maxaan awoodi karaaa? maanta kaalintee baa iga haboon in aan dalkayga dhismihiisa ka qayb qaato? waxaa ugu mudan ee aan tari karaa maxay tahay? baahiyaha dalka ka jiraa way badan yihine maxaan samayn karaaa?.

Qurba joog kasta oo Somaliland waxaa uu ka qayb qaadan karaa dhismaha danta guud iyo dalka guud ahaantiiba isagoon wax weyn ku bixin.

1.Hadii aad dalka tagayso waxaad sii iibisaa kubado aad hadhow u qaybiiso schoolada meesha aad ku socoto
2.Hadii aad waxbaratay intaad joogta in aad school wacyi galin ka samayn karto
3.Book baad gayn kartaaa daka hooyo
4.Dharka ay ka baxaan caruurtaadu ayaad agoonta u gayn kartaa
5.Maalmaha aad joogta ayaad soo booqan kartaa xarumaha agoomaha, waalida
6.Geed baad beeri kartaa inta aad joogto dalka
7.Dhiig baad u shubi kartaa qof
8.Library baad u dhisi kartaa school
9.Trafikada ayaad kodhadh u gayn kartaa
10..Calamahada baabuurta ayaad dhisi kartaa
11.Taalo ayaad u dhisi kartaa geesiyaashi qarankan
12. Wadada Hargeisa Iyo Berbera ma dhisnaa, 10 dollar bishii ma ururinaa, kolba in yar ma dhisnaa, wado laba dariiq ah oo is dhinac yaala, mid berbera tagta Iyo mid hargeysa timaada

somalilandconcerngroup1@gmail.com

Sent from my iPhone