Somaliland: Badhasaab muddo Bil ku dhow fekad kaga Maqan Gobolkii uu maamulayey

Boorama (SLpost)- Badhasaabka gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa muddo bil ku siman fakad ku jooga magaalada Hargeysa, isagoo ka soo cararay gobalka Awdal ee uu guddoomiyaha ka ahaa. Sidaas waxa sheegay xildhibaan Cabdi Cismaan Dhegaweyne oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Borama.

 

Xildhibaan Dhegaweyne oo shalay hadal ka jeediyay soo dhawayn loo sameeyay dhallinyaradii magaalada Borama kaga jirtay barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay duleedka magaalada Borama, ayaa sheegay in badhasaabku gobalka Awdal  uu deegaanka uu odayga ka ahaa uga cararay kiiskii dilka ahaa ee 29 April lagu dilay Alle haw naxariiste labadii sarkaal ee ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobalka Awdal.  Guddoomiyaha gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa waxay isku deegaan ka soo jeedaan budhcadii dishay labadaas sarkaal.

 

Xildhibaan Dhegaweyne, wuxuu sheegay inuu magaalada Hargeysa ugu yimid guddoomiyaha gobalka si uu ugu qanciyo inuu dib ugu laabto magaalada Borama iyo gobalkii uu guddoomiyaha ka ahaa, laakiin aanay suurtogelin inuu ku qanciyo inuu dib ugu noqdo shaqadiisa, “Badhasaabkii gobalku wuu ka baxsaday waanu ka maqanyahay ilaa hadda, cidna ma eryin, cid gobalka uu maamulka ka yahay u sheegatay ma jirto.” Ayuu yidhi xildhibaanku, isagoo intaas raaciyay “Saraakiisha la laayay anigaa u xigay, waan u yeedhay intaan Hargeysa ugu tagay, inaan gobalka ku soo celiyo hase ahaatee wuu ka baxsaday.”

 

Xildhibaanku wuxuu sheegay inaanu badhasaabku dib ugu soo noqon doonin gobalka Awdal, “Kuna soo noqon maayo, hortiina ayaan ka sheegayaa, walaahi inaanan la gabanayn ku soo noqon maayo gobalka.” Ayuu yidhi xildhibaan Dhegaweyne.

 

Wargeyska Geeska Afrika ayaa xalay isku dayay inuu badhasaabka gobalka Awdal weydiiyo sababta uu uga maqanyahay gobalka, laakiin way noo suurtogeli wayday. Sidoo kale wakhti sii horeeyay oo uu Wargeysku su’aashan Telefoon ku weydiyay badhasaabka, ayaa wuxuu ku gaabsadya inuu shir ku jiro.

 

@Geeska