Somaliland: Baadhitaanno laga bilaabay Afar hay’adood oo Dowladda ka tirsan

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka Musuq-maasuqa Somaliland, ayaa baadhitaanno ka bilowday Afar ka mid ah hay’adda Dowladda, kuwaas oo ka jiraan tuhunno la xidhiidha god-dalooloyin ka jira dhinaca Maamulka maaliyadda.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka Musuq-maasuqa Liibaan Ismaaciil, ayaa sharraxaad ka bixiyey ujeeddada baadhitaannada ay ka bilaabeen hay’adahan, waxaanu is-barbardhigay farqiga u dhexeeya baadhitaano kale oo Xafiiska hanti-dhowrka Guud ee Qaranku ku sameeyey xafiisyo ka tirsan hay’adaha dowladda.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA WARKAN