Somaliland: 29 Qof oo laga helay Covid-19 iyo Laba Qof oo xannuunka u geeriyooday

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay 29 qof oo laga helay Xannuunka Covid-19 iyo 2 Qof oo xannuunka u geeriyooday baadhitaan caafimaad oo la sameeyey labadii maalmood ee u dambeeyey.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo saxaafadda la wadaagay warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka Covid-19 guud ahaan dalka, waxa uu sheegay inay xannuunka helay 29 qof oo cusub, taas oo tirada guud ee dadka xannuunka laga helay gudaha Somaliland ka dhigaysa 413 Qof.

Sidoo kale, Agaasimuhu waxa uu xusay inay xannuunka u geeriyoodeen 2 Qof, waxaanay tirada guud ee dadka xannuunka u geeriyooday yihiin 24 Qof. Waxa kale oo agaasimuhu sheegay inay xannuunka ka bogasadeen 5 qof, taas oo tirada guud ee dadka xannuunka ka soo kabtay kadhigaysa 62 Qof.

Tirada Guud ee dadka baadhitaanka lagu sameeyey ayaa gaadhay 1671 Qof oo iskood u tagay xarunta Sheybaadhka kaddib markii ay isku arkeen astaamaha xannuunka ama ay isaga shakiyeen. 413 oo tiradaas ka mid ah ayaa laga helay xannuunka, taas oo cel-celis ahaan noqonaysa in boqolkiiba 24.7% xannuunka laga helay guud ahaan dadkii isbaadhay.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net