SOMALIALND: Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Sharci-yaqaan ku Xeel-dheer Heshiisyada Caalamiga ah oo ka hadlay Dekedda Berbera oo lagu samaynayo Maal-gashigii ugu ballaadhnaa ee Dalka laga hirgeliyo

SOMALILAND_Mohamed Bihi Younis_Jason McCue

Hargeysa (SLpost)- Maal-gashigii ugu badnaa ee lagu sameeyo Somaliland muddada 22-ka sanno ah ee ay jiray, ayaa lagu wadaa in lagu dhammaystiro heshiis xukuumadda Somaliland ku horumarinayso Adeegyada Dekedda magaalada Berbera.

Heshiiska lagu maal-ganiyo Dekedda Berbera oo la sheegay inay ku baxayso adduun lacageed oo lagu qiyaasay malaayiin Dollar, ayaa wakhtigan miiska saaran, iyada oo la filayo inay fuliso mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee maal-gashiga ku sameeyo dekedaha caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis ayaa mashruuca lagu maal-galinayo Dekedda Berbera ku sifeeyey mid ay ka faa’idaysan doonaan shucuubta Somaliland iyo waddanka Itoobiya oo badeecada ugu badan ee dibadda uga yimaadda u isticmaala Dekedda magaalada Jabuuti.

Mr. Biixi oo la hadlayey wargeyska The Africa ayaa shaaca ka qaaday qorshaha xukuumadu ku doonayso isku xidhka ganacsiga Itoobiya iyo Somaliland oo u sheegay inuu yahay marinkii nolosha dad badan oo ku nool waddamada Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis waxa uu tafaasiil ka bixiyey qorshe xukuumadu ku doonayso isku xidhka ganacsiga Itoobiya iyo Somaliland oo u sheegay inuu yahay marinkii nolosha.

“Waxaan rejo weyn ka qabnaa Itoobiya inaan u noqono marinkii taageerada shacabkooda saddex-meelood marka loo qaybiyo meel ka mid ah,” ayuu yidhi Mr. Biixi, mar Wargeyska The Africa wax ka weydiiyey heshiiska dekeda Berbera.

Wasiir Biixi waxa kale oo uu sheegay in la gaadhay wakhtigii ay ahayd in Somaliland Aqoonsi ka hesho beesha caalamka, “Wakhti dhow ayaa la gaadhi doonaa,” ayuu sheegay wasiir Biixi, isagoo raaciyey in xukuumada Soomaaliya Aqbashay isfahamkii loo baahnaa iyo inay dantu ku jirto in qolo walba hore-u-socoto.

Dhinaca kale, waxa maal-geshiga dekedda Berbera ka hadlay Jason McCue oo ah Sharci-yaqaan ku xeel-dheer heshiisyada caalamiga ah. “Ka dib wada-xaajood lix bilood socday, waxa wakhtigan miiska heshiis rejo fiican leh oo lala gelayo shirkada ugu wanaagsan adduunka hawlaha dekedaha,” sidaa waxa Wargeyska The African u sheegay sharci-yaqaankan oo wax laga weydiiyey heshiiska lagu ballaadhinayo dekeda Berbera.

In kasta oo gar-yaqaan McCue ka gaabsaday inuu shaaciyo xaddiga rasmiga ah ee lacagta lagu maalgelinayo dekedda Berbera, haddana waxa  uu carrabaabay inay gaadhay Boqolaal Milyan, isla markaana ay noqonayso adduunkii ugu badnaa ee lagu bixiyo  maalgashi dibadeed oo laga hirgeliyo Somaliland muddada 22-ka sannadood ah ee dalku dhismayey.

“Waxaa la gaadhay wakhtigii Somaliland,” ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Dekeda Berbera waxay noqon doontaa mid caalami ah.”

Sida laga soo xigtay sarkaal hawshan ku jira, qorshaha dekeda Berbera ayaa noqon doona mid marin u noqda isku-xidhka ganacsiga Qaaradda Afrika iyo waddamada Carabaha, taasoo dhinaca kalena albaab ganacsi u noqon doonta waddanka Itoobiya ee go’doonka ah oo lagu qiyaasay ganacsigooda sannadkii 1.4 Bilyan, sida jariidada The Economic qortay.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net