Somalia: Seddax qof oo harraad ugu geeriyootay Galgaduud

Galgaduud (SLPOSTL)Meelo ka mid ah goboladda dhexe ee Somalia gaar ahaa Maamulka gobolka Galgaduud ayaa sheegay in seddex qof ay harraad ugu geeriyoodeen deegaanno ka tirsan gobolka.

images (2)

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamarreeb ayaa sheegay in seddexda qof ay ku dhinteen deegaanno u dhaxeeya gobollada Galgaduud iyo Hiiraan.

Guddoomiyaha wuxuu intaas ku daray in biyo la’aanta ay ka jirto deegaannada hoos tagga Geel-jir, Degmada Balanbal iyo deegaanka Guriceel.

Cirfo wuxuu sheegay in Ceelashii biyaha ee ku yaalay deegaanno ka tirsan gobolka ay qaarkood cilladoobeen, halka qaar kale matoorradii ceelasha ay qaateen maleeshiyada al-Shabaab.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamka inay gurmad deg-deg ah la gaaraan dadka harraadka ugu gobolka.