Somalia :Madaxwaynaha Wadanka Burundi oo Saaka Muqdisho ka Dagay

Muqdisho (SLPOST) Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada Burundi Pierre Nkurunziza ayaa goor dhow abaara 9:50 daqiiqo barqanimo ka  degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magalada Muqdisho.

burundi prs

Wafdigaas ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Somalia.

Labada madaxweyne ayaa waxay salaam sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada xooga dalka, iyagoo ka dib u talaabay qolka marti sharafta, halkaasoo lagu wado iney saxaafada kula hadlaan.

Waa markii ugu horeysay madaxweynaha Burundi uu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, iyadoo dalkaas ay ka joogaan Somalia kumanaan askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

buru br burundi prs

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland