“SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa tallaabooyinka isa soo taraya ee ay Xukuumadda Somaliland ku cabbudhinayso Madax-bannaanida Saxaafadda iyo Xorriyatul-qalka”

xuutoHargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa walaac xooggan ka muujiyey Cabbdudhinta iyo Cadaadiska xad-beelay ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Saxaafadda iyo Suxufiyiinta madaxa-bannaan iyo weliba Xorriyadda Hadalka Muwaaddiniinta Somaliland Dastuurku u dammaanad-qaaday.

SOLJA waxa uu sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Ururka ee magaalada Hargeysa oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxa uu Qoraalkiisu u dhignaa sidan:-  “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa tallaabooyinka isa soo taraya ee ay Xukuumadda Somaliland ku cabbudhinayso Madax-bannaanida Saxaafadda iyo Xorriyatul-qalka, iyadoo falalka ka dhanka ah muwaadiniinta ee xabsiyada loo dhigay iyo kuwa Dacwaduhu ku socdaanba tahay kuwo dhaawac ku keeni kara Dastuurka Somaliland qodd: 32 aad iyo Xeerka Saxaafadda 27/2004.

Ururka SOLJA isagoo ka duulaya masuuliyadda saaran sida ku cad Xeerka Saxaafadda iyo Dastuurka Ururkaba waxa uu u arkaa dhalinyarada u xidhan xorriyatul-qalka isla markaana lagu haysto gudbinta fikirkooda ku aadan Heshiiska Dekedda Berbera inay tahay cabudhin.

Sidoo kale, Ururka wuxuu canbaaraynayaa culayskii ciidamadda Booliisku ku hayeen madashii ay dhalinyaradaasi ku hadlaysay, oo ay wariyayaashii wax ka duubayey cabsi darteed kaga fakadeen ciidamadda iyagoo ka daatay Dayrka danbe ee Hudheelkii ay xafladdu ka socotay, kuwaas oo ay u suurtogashay inay sii daayaan fikradaha ay dhalinyaradaasi u xidhan yihiin.

Dhinaca kale, Ururka SOLJA waxa uu u arkaa wariyayaashii Berbera loogu xidhay baahinta fikirkii xubin ka tirsan xildhibaanka golaha deegaanka Berbera inay sii socoto isla markaana ay marayso in Wargeyska Foore iyo wargeysyada kale ee Dacwaduhu uga socdaan Maxkamadaha ay tahay fal ka hor imanaya damaanadda uu Dastuurka Somaliland siiyey Saxaafadda iyo Muwaadiniinta kala duwan.

Ururka SOLJA waxa uu ku dhaliilayaa xukuumadda Somaliland inay gabi ahaanba hor istaagtay Ilo wareedyadii ay warbaahintu  Xogta ka heli lahayd sida ku cad Heshiisyada ay la soo galayaan shirkaddaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah-ba ama uu Maareeyaha Dekedda Berbera Warbaahinta u sheegay markii ay weftigoodu ka soo noqdeen Imaaraadka Carabta.

SOLJA waxay u aragtaa in dhalinyar Fikirooda ku cabiray warbaahin ay muddo dheer xabsiga ugu jiraan, iyadoo ay Wasiiradda ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo ka tirsan Xukuumaddu warbaahinta u marinayaan Eedo aan jirin, halka aan illaa hada wax Eed ah la hor-gayn Garsoorka.

Ururka SOLJA waxa uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay Xorriyadooda usoo celiso dhalinayaradaasi xidhan, isla markaana ay joojiso wax kasta o oak dhan ah Xorriyatul-qawlka iyo madax banaanida Saxaafadda.”