Socdaalkii HANAQAAD ee Madaxweynuhu wuxuu koobay Berri, Bannaan, Bad iyo Buurba!

engSocdaalkii la magac baxay HANAQAAD (10.03.2014 illaa 20.03.2014) ee Madaxweynaha Jam.Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) uu ku soo maray Gobollada Dalka (Galbeed, Xeebaha iyo Bariga), wuxuu ahaa socdaal Magac, Maamuus iyo Milgo Qaranba u soo hooyay Ummadda Jam.Somaliland. Hanaqaad wuxuu ahaa socdaal u baahnaa Karti, Xammilaad, Feejignaan, Adkaysi iyo Hufnaan qof ahaaneed. Socdaalkani wuxuu ahaa mid gebi ahaanba koobayey Berri, Bannaan, Bad iyo Buurba. Wuxuu ahaa socdaal si weyn u soo jiitay guud ahaanba indhaha Saxaafadda Caalamka, Dawladaha Deriska ah iyo Gobolka Geeska Afrikaba. Wuxuu ahaa socdaal ay si dhab ah ugu farxeen quluubta bulshada horumarka, wanaagga iyo samaha jeceli.

Wuxuu ahaa Socdaal si shaki la’aan ah u soo bandhigay awoodda, kartida iyo asluubta ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee Ciidamada Amniga Qaranka. Waxa xusid gaar ah mudan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada (CIM) oo si la yaab iyo geesinimaba leh, hadh iyo habenba u sugayay ammaanka Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey intii ay ku guda jireen safarkii dheeraa. Wuxuu ahaa Socdaal in badan ku suntanaan doona taariikhda Ummadda JSL.

Helitaanka kalsoonida shacbigu waa qiimaha iyo abaal-marinta ugu sarraysa ee ay u tartamayaan Xukuumadda iyo dhinacyada kale ee siyaasadda kula loollamaya. Socdaalka“Hanaqaad”  ee Madaxweynaha Jam.Somaliland iyo wefdigiisu ayaa ahaa Safar curiyey dareen shacab oo farxad leh kaasoo saamayn weyn ku yeeshay kalsoonida iyo aaminka ay shacabku ku qabaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. Hambalyo, Bogaadin iyo Taageero baaxad leh oo aan kala go’ lahayn ayey shacbigu (gudaha iyo dibeddaba) kaga dareen celiyeen Socdaalkii Madaxweynaha Jam.Somaliland ee Gobollada Dalka.

M/weynaha iyo wefdigiisu waxay meelihii (Gobol, Degmo, Tuulo iyo Miyiba) ay booqanayeen kala kulmeen soo dhaweyn aad u ballaadhan iyo shacbi-weyne aad ugu riyaaqsan oo gacmo furan ku qaabilay booqashada uu Madaxweynuhu ugu yimid. Madaxweynuhu wuxuu si kalsooni leh u dhex marayay ummaddiisa, waxana uu u kuur-galayay waxyaabaha ilaa hadda Xukuumaddiisa u qabsoomay, waxa weli dhiman, baahiyaha jira iyo muuqaalka nolosha dhabta ah ee ummaddiisa.

 

HANAQAADKA Wax-qabadka iyo Horumarinta Dalka

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo markii ay talada dalka la wareegtay waxay ummadda Somaliland oo dhan (mid u codeeyey, mid ka codeeyey iyo mid aan codaynba) u ballan-qaadday inay noqon doonto xukuumad ay dadku leeyihiin, xukuumad u adeegta danta guud ee bulshada balse aan iyadu shacbiga ku adeegan. Xukuumadda Kulmiye waxay ummadda Somaliland u ballan-qaadday inay soo celin doonto magacii iyo milgihii dawladnimo ee uu lahaa Qaranka Jam.Somaliland. Xukuumadda Kulmiye waxa kale oo ay ballan-qaadday (intii itaalkeeda iyo awoodeedaba ah) inay hirgelin doonto kana rumayn doonto hanka, himilada iyo hiigsiga ay leeyihiin Shacab weynaha Jam.Somaliland; kaasoo ah inay noqdaan Qaran Xor ah oo Madax-bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka oo ku leh codkiisa, tixgelintiisa iyo ixtiraamkiisaba.

Mudane Madaxweyne, Socdaalkaagii “Hanaqaad” wuxuu ahaa safar muggiisa iyo miisaankiisaba lahaa, kaasoo aad mar kale Shacabkaaga ugu xaqiijisay ballan-qaadyadii ay Xukuumaddaadu la gashay ummadda. Taasoo ahayd in Xukuumaddaadu noqon doonto Xukuumad ay dadku leeyihiin oo u adeegta danta guud ee bulshada. Mudane Madaxweyne, Socdaalkaagii “Hanaqaad”, wuxuu ahaa mid si dhab ah shaaca uga qaaday taageerada baaxadda leh ee ay ummaddaadu kuu hayaan. Mudane Madaxweyne, Socdaalkaagii la magac baxay “Hanaqaad”waxa uu farriin cad iyo digniinba u ahaa kuwa had iyo jeer xumaha iyo wararka been-abuurka ah ka shaqeeya. Waa Safar si weyn ugu quus-gooyey af-miishaarka, si-xun-wax-u-sheega iyo horumar-diidkaba.

 

 

Mudane Madaxweyne, adigaa hore u siday:

 

  • Tooshkii Halgankii dib-u-xoraynta Dalka,
  • Tooshkii Halbeega 3M (3M= Mujaahid, Mucaarid, Madaxweyne),
  • Tooshkii Samirka iyo Dulqaadka (doorashadii 2003),
  • Tooshkii Isbedel ku yimid nidaam Dimuqraadi ah,
  • Tooshkii Waxbarashada Bilaashka ah,
  • Tooshkii Daryeelka Danyarta,
  • Tooshkii kordhinta Mushaharka Shaqaalaha,
  • Tooshkii Furitaanka Axsaabta,
  • Tooshkii Fursadda Dhallinyarada,
  • Tooshkii Darajada iyo Daryeelka Ciidamada,
  • Tooshkii Koboca Dhaqaalaha;
  • Tooshkii Lacag-ka-bedelka Gobollada Bariga,

 

  • Immikana adigaa qaadayTooshkii HANAQAADKA Wax-qabadka iyo Horumarinta Dalka.

 

Mudane Madaxweyne, horumarka iyo wax-qabadka baaxadda leh ee ay Xukuumaddaadu ku tallaabsatay cid waliba kuma farxi doonto, waayo guusha ayaa cadow badan leh oo aan cid waliba ku qanci doonin! Laakiin, Shacbiga Jam.Somaliland ayaa si weyn u Qiray oo kaaga mahad-naqaya waxqabadka iyo horumarka ay Xukuumaddaadu ku tallaabsatay, taasina waa Daliilka Guusha iyo Garowshiiyaha ugu Sarreeya ee aad Madaxweyne ahaan adiga iyo Xukuumaddaaduba ka heli kartaan Ummadda JSL.

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,

 

W/Q:  Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|