“SNM anigoo Sarkaal Ciidankii Xoogga Soomaaliyeed ahbaa la dagaalamay, annagaana la shaqaynayna” Xildhibaan Saleebaan Cali Koore

kkoreHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay gobolka Sool, ayaa taageero u buuxda u muujiyey murashaxnimada madaxweyne ee Muuse Biixi uga dhex-tartamayo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye gudihiisa.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo maanta ka hadlayey munaasibad Xubnaha Beesha Arab ugu jira Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo madax-dhaqameed beeshaas ahi ku taageereen murashaxnimada Guddoomiye Muuse Biixi, waxa uu halkaas ka shaaciyey inuu ka tirsan yahay kuna biiray xisbiga Kulmiye isaga iyo Xubno kale oo ka tirsanaan jiray urur-siyaasadeedkii XAQSOOR ee ku hadhay doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee daba-yaqaadii sannadkii 2012-kii ka qabsoomay dalka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN