Siyaasiyiinta Somaliland ee Muqdisho u Shaqo Tagay oo Shirkii Muqdisho Lagu Cabudhiyey

 

Hargeisa(SLpost)-Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee xilalka u doontay dawlada Somaliya ayaa ka hadlay cabasho iyo cabudhin ka muujiyay shirka ka socda magaalada Muqdisho ee lagaga arinsanayo sidii loo qaban lahaa doorasho sannadka 2016-ka.

Siyaasiyiintan ka soo jeeda deegaannada Somaliland ayaa sheegay in la duudsiyay xaqooda isla markaana goobta aanu ka socon shir loo dhan yahay.