Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo Sharci-darro ku tilmaamay Muddo-kordhinta Golaha Wakiillada loo sameeyey

 

Hargeysa (SLpost)- Siyaasiyiinta ku midoobay Madasha Wada-tashiga ee Somaliland, ayaa ka soo horjeedsaday muddo kordhin Golaha Guurtidu markii Lixaad uu muddo laba sanno ugu daray Golaha Wakiilada oo muddo-xileedkoodu dhammaaday.

Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu waxa ay sharci-darro xaaladda siyaasadeed ee dalka sii xumayn karta ku tilmaameen tallaabada Golaha Guurtida maadaama xilligan uu jiro khilaaf iyo tabashooyin Axsaabta Mucaaradku ka tirsanayaan xukuumadda.

Siyaasiyiinta Madasha Wadatashigu waxa kale oo ay ka hadleen dhex-dhexaadin ay qayb ka yihiin oo ay ka dhex-wadeen Xukuumadda iyo mucaaradka, iyagoo sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu aqbali waayey ergo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhexwadeen xisbiyada mucaaridka oo iyagu ku kala aragti duwanaa xubno loo soo xulay komishanka doorashooyinka Somaliland.

Warkan oo dhammeystiran ka daawo Muuqaaalka Hoose

https://www.youtube.com/watch?v=8bQYTLpYQOg