Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Dhashay Muddo Kordhinta

?

Hargeysa, (SLpost)- Siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay muddo kordhintii ay dhawaan golaha guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo wakiillada.

?
?

Siyaasiyiintan madasha oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa talo ahaan kusoo jeediyay in wada-tashi qaran laga yeesho arrinta muranka dhalisay ee kordhinta guurtida. “Sidaanu labada xisbi isku ogayn may ahayn in doorasho oo keli ah laga wada-hadlo, waxa ku jiray in mashaakilka kale ee dalka yaalla laga wada-hadlo sidii la iskaga iman lahaa, maanta shuruucda inoo yaalla haddii ay doorasho ku timaado, su’aasha koowaad waxay tahay ma ku kala nabadgelanaynaa, isma lihi waynu ku kala nabadgelaynaa.” Ayuu yidhi guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Xasan Guure.

Sidoo kale waxa shirkaa jaraa’id ka hadlay Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhegaweyne) waxaanu yidhi. “Horta yaynu u kordhinaynaa? Cidda aynu u kordhinaynaa intay ummadda isa soo hortaagto ha tidhaahdo ii kordhiya oo sababtaa iigu kordhiya, cid wax inaga doonaysaba anigu garan maayo iyo cid aynu wax u kordhino.”

Somalilandpsot.net