Siyaasiga Hawl-gabay Maxaa La Gudboon?

Si su’aashaas aan jawaab ugu helo, aan isku dayo in aan tusaale u soo qaato saddex siyaasi oo reer galbeed ah iyo waxa ay ku foofeen kadib markii ay xilalka dalalkooda ka degeen. Waxa aan uga dan leeyay oo aan rabaa in aan barbar dhigo siyaasiyeenta jagooyinka sarsare ee dalka bannneeyay iyo waxa ay ku hawlan yihiin.

  1. Tooni Baleer (Tony Blair)

Tony Blair

Markii uu ka degay xilka ra’iisal waraaranimo ee boqortooyada Ingiriiska 2007-dii, waxa uu awooddiisa isugu geeyay sidii uu dhisi lahaa Imbaraadooriyad siyaasadeed iyo ganacsi oo ka hawlgasha daafaha dunida oo dhan.

Waxa uu hawsha ka bilaabay shirkado uu isagu lahaa, kuwo qaraabadiisu lahayd iyo shirkado kale oo uu hore u la soo shaqeeyay. Tooni, waxa uu hawl-galiyay waayo-aragnimadii iyo xidhiidhadii uu la lahaa qamaamuurta siyaasadda iyo kuwa dhaqaalaha ee uu bartay ama la soo shaqeeyay muddadii uu ra’iisal wasaaraha ahaa, isaga oo xaqiijinaya maslaxadihiisa dhaqaale ee gaarka ah. Isaga oo la-taliye dhanka dhaqaalaha ahwaxa uu u shaqo tegay dalalka Fiidnaam, Beeruu, Kolombiya, Baraasiil, Barma, Koonfurta Soodaan, Mangooliya, Siiralyoon, Ruwaanda, Laybeeriya iyo Gini. Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay dalal carbeed oo ay kamid yihiin: Masar, Imaaraadka, Kuwayd iyo Sucuudiga. Dhammaan dalalkaas waxa uu tegay dano dhaqaale oo gaar ah iyo dillaalnimo siyaasadeed.

Hawsha ugu culus ee uu imika hayo, waxa lagu sheegay, in uu dillaal siyaasadeed iyo ganacsi oo bariga dhexe ah ugu shaqeeyo Imaaraadka Carabta. Wargeyska “Finencial Times” ayaa dhowaan soo saaray warbixin arrintan ku saabsan, tidhina: “Tooni Baleer, waxa uu noqday wasaado ama dillaal siyaasadeed iyo ganacsi oo si gabbasho ah uga dhex shaqeeya xukuumadda Imaaraadka iyo dawladaha dunida. Waxa ay aad isugu dhow yihiin dhaxal-sugeha Imaaraadka Sheekh Maxamed Binu Saayid, kaas oo aad loogu bartay ka-soo-horjeedka jamaacaadka Islaamiga ah”. Ilo-wareedyo kale ayaa sheegaya in xukuumadda Imaaraadku ay Tooni Baleer ku lacag-siisay in uu soo xusho khubaro waaweyn si ay warbixinno uga soo saaraan ururka “Ikhwaanul Muslimiin”, kadib markii dawladda Ingiriisku ka dhego-adaygtay xayiridda Ikhwaanka oo uu Siisi u soo jeediyay. Wargeysku isaga oo weli warbixintiisa sii wata waxa uu qoray “Baleer, waxa uu la taliye ka yahay barnaamij ay Imaaraadka, Kuwayd iyo Sucuudiga ku hawllan yihiin oo ah taageeridda inqilaabkii Masar iyo xayiridda Ikhwaanul Muslimiinka”.

Wargeyska kale ee “Sunday Telegraph” ayaa isaguna xusay in Tooni Baleer uu ganacsigiisa ku ballaadhiyay Afrika, gaar ahaan waddamada shidaalka leh sida, Koonfurta Soodaan. Waxa kale oo uu wargeyskani warbixinta ku daray, in uu Tooni xafiisyo badan ka furtay dalalka ay kamidka yihiin Siiralyoon, Ruwaanda, Laybeeriya, Gini iyo kuwo kale isaga oo ku metelaya la-taliye, bal se wata dano dhaqaale oo gaar ah iyo dillalnimo siyaasadeed.

Isku soo wada duub oo Tooni Baleer wuu xammaalsi tegay. In uu shaqeystaa ceebaal ma leh, waxa se ay dhibtu ka taagan tahay in uu ku hawlan yahay shaqo kale oo ah dillaalnimada siyaasadeed, taas oo uu ku raad-gurayo fufka iyo firfircoonaanta dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah. Galangalkiisa dhaqaale ayuu uga faa’idaystay shaqadiisan kale. Waxa kale oo masiibada waxaas oo dhan ka weyni tahay, in uu yahay dhagax la soo tuuray oo weliba xigaal soo muguujiyay, waa Imaaraadka’e, taas oo dhinac kale faa’iido uga ah dalkiisii. Gudinyahay ima aad goyseene, badhkay baa kugu jira !

  1. Jiimi Kaartar (Jimmy Carter)

Jimmy Carter

Jiimi Kaartar, waa madaxweynihii 39aad ee waddanka Mareekanka. Xisbiga Dimuqraadiga ayuu ka tirsanaa, xilkana waxa uu ka tegay 1981-kii. Jiimi, sannadkii uu jagada banneeyay, sannadkii ku xigayba, waxa uu yaqleelay urur aan xukuumi ahayn (NGO) lana yidhaahdo Xarunta Dhexe ee Kaartar. Ururkani waxa uu yool ka dhigtay “Gargaarka bani’aadannimo si loo wanaajiyo nolosha dadka ku dhaqan in ka badan 70 dawladood”. Waxa kale oo ururkani xoogga saaraa xuquuqda Insaanka iyo dhexdhexaadinta siyaasadeed. Waxa Jiimi la aasaasay islaantiisa, ganacsato iyo siyaasiyiin kale. judhiiba waxa aad hiigsiga ururkiisa ka dhadhansanaysaa galangal hor leh iyo halabsi dhaqaale, sababta oo ah shabaagta lagaga kalluumaysto dunida saddexaad waxa kamid ah xuquuqul insaanka iyo dhexdhexaadinta khilaafyada siyaasadeed.

Waxa uu madax u noqday wadahadalladii hubka Nukliyeerka lagaga baabi’inayay dalka Kuuriyada Waqooyi 1994-kii. 2002-dii ayuu ku guulaystay abaal-marinta sare ee nabadda (Noble Peace Price) kadib markii uu natiijooyin fiican ka keenay xallinta khilaafyo dhowr ah iyo u doodidda xuquuqda insaanka. Waxa se su’aal ah: haddii uu sinnaanshaha xuquuqda insaanka u doodi jiray, maxaa keenay in uu rumeysnaado in dalalka qaarna xaq u yeeshaan hubka Nucliyeerka, qaarkoodna laga mamnuuco? Haddii ay jawaabtu noqon lahayd, waxa laga hor tegayaa in hubkaasi galo faraha dawlad qalqaalli ah oo aan masuuliyaddeedu adkayn, cidda dunida ugu qalqaallisan ama ugu masuuliyadda darani ma noqon kartaa Mareekanka, maadaama oo uu yahay dawladda kali ah ee adeegsatay, shacab bandanna ku xasuuqday?!

In badan waxa uu ka shaqeeyay dhulka Falastiin. 2006-dii waxa uu Muraaqib ka ahaa doorashooyinkii dalkaas ka dhacay. Welina wax guul ah kama uu keenin soo-celinta xuquuqda falastiiniyiinta iyo ka-hortagga xadgudubyada halkaas ka dhaca.

Imika waxa uu doorkiisa ka ciyaaraa goobta muranka ugu weyn ee dunidu ka taagan yahay, dalka Suuriya. Waxa uu Ruushka siiyay maam iyo khariidado muujinaya goobaha ururka “Daacish” oo NGO-giisu sameeyay, si garaacidda Ruushku u noqoto mid 100% lagu guuleystay. Isaga oo qudhiisu arrintaa ka warramaya waxa uu yidhi: “Warqad baan u qoray Buutin aan ku weydiinayo in uu u baahan yahay khariidadaheenna si duqeynta Ruushku aanay surmo-seegto u yeelanin, markiiba safaaradda Ruushka ee Mareykanka ayaa ii soo jawaabtay, waanan siiyay”.

Ilaa imika sidaas buu u shaqeeyaa oo ugu lug leeyahay siyaasadda dunida, gaar ahaan u adeegidda siyaasadaha galbeedka. Odaygu hadda 90 gu’ ayuu baarka ka gooyay. Maalin dhaweyd buu qirtay in uu kansar xumi ku dhacay, si xunna uu ugu fidayo.

  1. Niikalos Saarkoosi (Nicolas zarkozy)
France's President Sarkozy delivers a speech at a reception for families and family associations in Paris...France's President Nicolas Sarkozy delivers a speech at a reception for families and family associations at the Elysee Palace in Paris February 13. 2009.    REUTERS/Benoit Tessier    (FRANCE)
France’s President Sarkozy delivers a speech at a reception for families and family associations in Paris…France’s President Nicolas Sarkozy delivers a speech at a reception for families and family associations at the Elysee Palace in Paris February 13. 2009. REUTERS/Benoit Tessier (FRANCE)

In kasta oo uu dhammaday xilkii madaxnimo ee dalkiisa uuu u hayay, haddana weli waxa uu saamayn muuqata ku leeyahay siyaasadda waddankiisa iyo siyaasadaha dunida labadaba, sidoo kale waxa uu si gaar ah faraha ugu la jiraa siyaasadaha waddamadii uu Faransiisku gumeystay.

Qadiyadda dalka Suuriya marka la eego, waxa uu la safan yahay Ruushka oo taageersan dawladda qol-ku-raagga ah ee Bashaar al Asad. Siyaasadda arrimaha debedda ee Faransiisku iyada oo la jirta garabka Mareykanka iyo Mucaaradka xorta ah, ayuu haddana isagu sidaas uga mawqif duwan yahay siyaasadda dalkiisa.

Qadiyadda ugu dareenka badan ee uu aaminsan yahay ayaa ah faqidda dhacdooyinkii hore ee xilligii gumeysiga. Bishii Sibtambar ee aynu soo dhaafnay ayuu ku baaqay in dib loo fiiriyo heshiisyo hore oo Faransiiska iyo Aljeeriya kala saxeexdeen nus qarni ka hor. Dadka siyaasadda lafa-gura ayaa qodobkan iyo kii hore ku macneeyay in uu Saarkoosi u ololaysanayo in uu mar labaad isu soo sharraxo madaxtinimada Faransiiska.

Hoggamiyeyaasha dunida saameyntoodu ku ma ekaato inta ay xilka hayaan oo kaliya, bal se waxa ay bilaabaan dhaqdhaqaaqyo hor leh. Waxa ay ka qayb qaataan dhexdhexaadinta siyaasadeed iyo xallinta khilaafaadka, waxay la taliyaan madaxda dalka, waxa ay wacyi-galin iyo khudbado u jeediyaan dadkooda, waxa ay geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaan sidii ay u hirgalin lahaayeen siyaasadaha waddankooda, gude iyo debed ba. Innaga madaxdeennu marka ay kursiga ka degaan ayay sidii jinac wax qaniinay orod afarta bayni jiho mid uun isu sii daayaan, taasina waxa ay ku tusaysaa in ay dhagaraysan yihiin, ama sidii gafane lax ka go’ay ayay habaaska is goglaan oo is giringiriyaan, tan dambena waxa ay muujinaysaa in ay kursiga dantooda gaar ahaaneed ugu fadhiyeen, markii ay ka dhameysteenna ay sida gafanehaas dibbiray is duuduubaan. Waxa is weydiin leh: Daahir Rayaale Kaahin, saamayn muuqata ma ku leeyahay siyaasadda guud ee dalka? Marna ma isku dayay xallinta khilaafaadka beelaha iyo xisbiyada qaranka? Taariikhda siyaasadeed ee Waddanka wax ma ka qoray, si mustaqbalka loogu dhiso?. Axmed Yuusuf Yaasiin, xog iyo xoolo midna ma ku biiriyaa horumarka dalka iyo la-talinta dadka iyo siyaasiyiinta cusub? Labadooda midna sabibihii UDUB baabi’yay ma gorfeeyeen oo xisbiyada ma uga digeen? Mise danba ka ma leh burburka xisbiyada qaranka? Marka KULMIYE la eego, iyaga ayaa uga xog-ogaalsan arrimaha dibedda’e, ma ka talo-bixiyeen wadahadallada Soomaaliya, door se ma ku yeesheen?. Wasiirradii arrimaha debedda ee hore, talo iyo ictiraaf-raadin midna dalka ma ugu maqan yihiin, mise way xammaalsi tageen uun? Ismaaciil Buubaa, muxuu waddanka ku soo biiriyay? Dhismaha dalka, dhoobaqaadka siyaasadda iyo dhexdhexaadinta khilaafyada wax ma ku taray? Ka-soo-horjeedkii go’aanka shacabka muxuu kaga xaal-mariyay? Ma inta uu soo hawl gabay buu aqalkiisa iska jiifsaday oo baddaa iyo buuqaasba ma hayo? Kuwa imika jooga ee xilka hayaa, waddadaas ma beddeli doonaan oo waxqabadka waddankooda ma sii wadi doonaa? Mise inta ay waxqabadkooda kooban kitaab yar ku qoraan ayay baddaaba ka bixi oo sidii kuwii hore isgiringirin doonaan? Waa su’aalo uu waaqacu ka jawaabi karo, isaga Ayaan u daayay.

W/Q: Aadan Cadde

Ilaha Xigashada:

  1. http://www.sasapost.com/political-leaders/
  2. http://www.alaraby.co.uk
  3. net
  4. rt.com
  5. com
  6. Sunday Telegraph
  7. Financial Times