Siyaasi Maxmed Abgaal oo si adag u naqdiyey hoggaaminta siyaasadeed ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland ee xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, ayaa si adag u naqdiyey siyaasadda hoggaamineed ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu si adag uga hadlay doorka xukuumadda ee xakamaynta colaadda beelaha ee ka aloosan degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Siyaasi Maxamed Abgaal oo maanta la hadlay saxaafadda waxa uu sheegay inay xukuumaddu ka gaabisay doorkii ay ku lahayd xakamaynta iyo dhex-dhexaadinta beelaha walaalaha ah ee xurgufta colaadeed ku dhexmartay degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

MUUQAALKA HOOSE KA DAAWO HADALKA SIYAASI ABGAAL

https://www.youtube.com/watch?v=JPufNIt0wM0