Siyaasi Maxamed Xasan Dirir oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Deegaamo ka tirsan Gobolka Saaxil oo uu Hankiisa u soo bandhigay

“Muddada aan siyaasadda ku soo jiray, waxaan soo dhisay hoggaamiyeyaal iga fadal horeeyey. 2010-kii waxaan soo dhisay Faysal Cali Waraabe, sannaddadii ka dambeeyey oo ilaa 2018-kii ahaydna waxaan soo dhisay Cabdiraxmaan iyo Xisbiga Waddani.”

 

“Hoggaamiyaha umad hor-kacayaa waxa weeyaan qof qalbi xalan oo laab xaadhan oo aanay qalbigiisa ku negaanin dhacdooyinka iyo loolannada siyaasaddu,” Siyaasi Maxamed Xasan Dirir

 

Saaxil (SLpost)- Maxamed Xasan Dirir oo ka mid ah siyaasiyiinta Da’da Yar ee Somaliland, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaamo ka tirsan gobolka Saaxil oo uu booqday, halkaas oo dadweyne tiro badan oo isugu jira Odayaal, wax-garad, Haween iyo Dhalinyaro ku gaashaaman calanka Somaliland iyo Sawirka siyaasiga ku qaabileen.

 

 

Dadweynaha ku dhaqan Deegaanka Xiin-weyne iyo Magaalada Dalow oo ka tirsan gobolka Saaxil, caleemo qoyan ku soo dhaweeyey Siyaasigan Da’da yar, waxaanay halkaas uga ballan-qaadeen inay ku garab-taagan yihiin hankiisa siyaasadeed.

 

Munaasibad loogu qabtay soo-dhaweynta siyaasi Maxamed Xasan, ayaa waxa ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha, madax-dhaqameedka, Dhalinyarada iyo haweenka deegaanka uu booqashada ugu tagay kuwaas oo dhammaantood sheegay inay ku garab-taagan yihiin hankiisa siyaasaeeed iyo himilada uu hiigsanayo.

 

 

“Maxamed Xasan wuxuu doonayaa inuu ka mid noqdo madaxda sare ee dalka iyo inuu u tartamo kursiga ugu sarreeya ee dalka xilligiisa, sidaasi awgeed hankiisa siyaasadeed ee ku wejahan awoodda intaas le’eg, annaguna waanu ku soo dhawaynayaa, cudud iyo maalba waa la garab-taagannahay,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo ka hadlay Munasibadda.

 

‘Odayaasha, Wax-garadka, Haweenka iyo Dhalinyarada ka hadashay madasha soo-dhaweynta loogu sameeyey siyaasi Maxamed Xassan Dirir, ayaa ka sokor inay xooggooda iyo maalkooda ku garab taagan yihiin sidii uu hankiisa siyaasadeed uga midha-dhalin lahaa, waxa kale oo ay Eebbe uga baryeen inuu ku garan-siiyo ugana dhabeeyo damaciisa ka-qayb-galka hoggaaminta mustaqbalka ee dalka.

 

Gebogabadii munaasibadda, siyaasi Maxamed Xasan Dirir ayaa hadal uu ka jeediyey ku sharraxay  xilligii uu ku biiray saaxadda Siyaasadda Dalka, kaalintii uu ka soo qaatay iyo halka uu geeddigiisu ku wejahan yahay, waxaanu halkaas dhankiisa uga mahad-naqay soo-dhaweynta lagu qaabilay, isagoo u ballan-qaaday inuu si daacad ah ugu shaqeyn doono haddii hankiisa siyaasadeed u suurto-galo.

Waxa uu sheegay inuu kaalin muhiima ka soo qaatay guulo siyaasadeed oo ay maanta hadhsanayaan Madaxda xilligan hoggaamisa laba Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani oo labadooda uu la soo shaqeeyey.

 

 

“Dadka gobta ah ee deegaanka Xiin-weyne iyo Magaalada Dalow ee aan maanta halkan ku soo booqday aad baan ugu mahad-naqayaa soo-dhaweynta ballaadhan iyo xamaasadda aad igu qaabisheen. Dadka ku nool deegaankan Gacan-libaax, Go’o, Xiin-weyne, Geed-Galoole iyo dhammaan deegaanka ku teedsani waa dad astaan u ah gobanimada oo lagu tilmaansado Geesinimada,” Sidaas ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Dirir.

 

“Waxaan siyaasadda Somaliland ku biiray 10 sanno ka hor oo si toos ah markii aan jaamacadda ka qalin-jabiyey. Waxaan uga dan lahaa inaan gaadho oo aan xaqiijiyo Himilo aan xambaarsanaa oo ahayd inaan umaddayda u horseedo badhaadhe, qarankaygana hoggaamiyo. Halka Dhalinyaradii dhiggayga ahayd codsiyo shaqo u qoranayeen hay’adaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah.”

 

 

 

“Muddada aan siyaasadda ku soo jiray, waxaan soo dhisay hoggaamiyeyaal iga fadal horeeyey. 2010-kii waxaan soo dhisay Faysal Cali Waraabe, sannaddadii ka dambeeyey oo ilaa 2018-kii ahaydna waxaan soo dhisay Cabdiraxmaan iyo Xisbiga Waddani, Ujeeddada aan sidaas u samaynayeyna waxay ahayd aniguna inaan gaadho himilo iyo han aan xambaarsanaa ilaa yaraantaydii,” Sidaas ayuu yidhi.

 

Isagoo Hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo raaciyey, “Himiladaydu waa inaan noqdo Hoggaamiyo dadkiisa Jecel oo doonaya iyaguna inay is-jeclaadaan oo is-aamin, is-jacayl iyo wada-jir ka dhex-abuuro, wada-jirkoodana gows-dambeedka ku haysta. Hoggaamiyaha umad hor-kacayaa waxa weeyaan qof qalbi xalan oo laab xaadhan oo aanay qalbigiisa ku negaanin dhacdooyinka iyo loolannada siyaasaddu,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Xasan Dirir oo la hadlayey boqolaal dadweyne ah oo si ballaadhan ugu soo dhaweeyey deegaamo ka tirsan gobolka Saaxil.

 

Muuqaalka Hoose ka Daawo

https://www.youtube.com/watch?v=hO9hgBlvY6k