Siyaasi Hanjaba Qarankani Wuu Ka Soo Gudbay ! Doorashaduna Waxay ku Dhacaysaa Nabadgelyo iyo Cadaalad

Kaysar Cabdilaahi

Asalaamu Calaykum

Mudawaadiniinta Qaaliga Ahow

Kaysar Cabdilaahi

Iga hantiya salaanta Islaamka ah ee kor ku xusan, salaantaas ka dib iyada oo ay  gabo-gabo ay ku dhawdahay Ololihii Doorshooyinka Dawladaha Hoose ayaa waxaa marba marka ka danbeeya soo baxayay Siyaasiyiin faro ku tiris ah oo ka leexday dhaqankii iyo milgihii ummada reer  Somaliland ay kusoo caano maashay, kuwaas oo habeen iyo maalinba adeegsada erayo dhiif leh oo niyad jab ku abuuraya dadweynaha reer Somaliland, sumcad xumana ku ah Qarankan Somaliland oo ku caan baxay Nabadgelyo, Maamul Wanaag iyo Dimuqraadiyad aan ka jirin wadamo badan oo dunida ah, hadaba maanta waxaan jeclaystay inaan wax yar ka tilmaamo arrimaha imika taagan qaar ka mid ah:

 

Tartanta Doorshooyinka Dawladaha Hoose

Ma aha markii ugu horreysay ee Qarankeena laga qabto doorashooyinka Dawladaha hoose, mana noqon doonto markii u danbaysay ee doorasho ay dalkeena ka dhacdo, waxaa hubaal ah in dadweynaha reer Somaliland ay yihiin dad waayo arag ah oo fahamsan nidaamka dimuqraadiga ah ee dalkeena ka hirgalay iyo sida muwaadin kastaa uu xaq ugu leeyahay inuu codkiisa siiyo qofka ama Ururka uu u arko inuu qarankiisa horumar gaadhsiin karo, waxa kale oo dadweynaha reer Somaliland ay ogsoon yihiin, waayo aragna ay u yihiin dariiqii dheeraa ee dhibta lahaa ee ay usoo mareen Nabadgelyada iyo Horumarka ay ku naalloonayaan maanta, iyaga oo aan cidnaba ka yeelli doonin inay dhibaato u geysto Qarankooda, waxaana la gudboon in muwaadin kastaa uu codkiisa u dhiibto si xor ah oo xalaal ah, kana fogaado wax kasta oo dhib ku keeni kara amaanka dalkeena hooyo.

 

Siyaasiyiinta Doobyaya ee Durba Is Dhiibay!

Waxaa wax laga xumaado ah in xubno siyaasyiin sheeganaya oo xataa qaarkood ay horboodayaal ka yihiin Ururrada tartamaya in  ay ololahoodii u rogeen Tola’ayeey, Waa nala Boobayaayeey! Belaayaa Dhiciyeey! Yaab iyo amakaag ayay ku noqotay dadweynaha reer Somaliland markii ay warbaahinta ka arkeen hadalada dhiifta leh ee ka soo burqanaya siyaasiyiin loo han weynaa. Ma loo fasarin karaa in arrintani ay tahay kalsooni darro ay ka qabaan inay kusoo baxaan doorashada? Jawaabta waxaynu heli doonaa dhamaadka bisha Insha Allah, hase yeeshee waxaa la gudboon inay siyaasiyiintaasi ka gudbaan kicinta iyo hadalada xanafta leh ee ay tashuushka ku abuuryaan.

 

Dalkeenu Waa Dimuqraadi laakiin Khadka Casi waa lagama Gudbaan!

Siyaasiyiinta loolamaya inay hadlaan oo ay dawlada wax ka sheegaan waa mid ay xaq u leeyihiin taas oo Dastuurka dalkeenu uu u fasaxay, hase yeeshee waxaa jira Khad Cas oo aan cidnaba loo ogollayn inay ka gudbto, ama ay soo dhaafto diillinta cas, khadkaas casi waa inaan qofna, kooxna, ururna, xisbina, iyo qabiil midna aan  laga ogolaan doonin inay ku kacaan wax kasta oo wax u dhimaya Nabadgelyada, Wadajirka, Dawladnimada iyo Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland, taasina waxaa u xil saaran Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo waajibkeeda koowaad yahay Ilaalinta Amaanka Dalka iyo ka hortaga  cid kasta oo fidno ku abuuri karta wadajirka iyo wada noolaanshaha Bulshada. Xukuumada Somaliland cidnaba uga haybadaysan mayso gudashada waajibkeeda iyo ilaalinta qawaaniinta u yaalla dalka, waxaa codaynta iska leh dadweynaha reer Somaliland, waxaana Xisbiyo Qaran Noqon doona saddexda urur ee hela codka ugu badan ee ay ku dhawaaqaan Gudiga Doorashooyinka Qaranku, ururrada hadhana waxaa u banaan inay ku biiraan Saddexda xisbi Qaran ee soo baxa kolba kii ay daneeyaan, waxaa kale oo u furan inay siyaasada ka baxaan. Waxaa kale oo xusuusin mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku qancay 80 cod oo lagaga helay Doorashadii Madaxtooyada, taasoo ah Sunne taariikhi ah oo Madaxweyne Siilaanyo seeska u dhigay oo qasab kaga dhigaysa   inuu raaco qof kasta oo doorasho laga helaa.

Qoraagii  Boobe Miyuu Dhaqaaqay?
18kii Bishii Oktoobar ayaa Xildhibaan Xaaji Cabdi Xuseen oo ku magac dheer Xaaji Cabdi Waraabe oo si dadban ula hadlayay Boobe Yuusuf Ducaale oo dadweynuhu ay aad ula yaabeen qoraaladii bilaa jihada ahaa ee uu meel walba ku saydhinayay ayaa waxa uu Xaajigu yidhi “ Ninka la bedallo hadii  uu is yidhaado   meelbaa lagaaga dhacay inuu hadalo faafiyo oo uu waraaqo qoro maaha, gobonimadiisu waa inuu dulqaataa oo uu Samir ku sugaa, sidaas ayuu meel ku gaadhayaa, hadii uu is yidhaahdo wax iska celi meelbaa lagaaga dhacaye isagaa wax isku dhimaya” Run ahaan Boobe way seegtay inuu qaato taladaas rug cadaagu uu usoo jeediyay.

Isaga oo Mudane Boobe ahaa nin aad loogu hanweynaa, muddo dheerna kasoo qayb qaatay Halgankii SNM, dedaal badna ku bixiyay ururintaa Taariikhdii Dahabiga ahayd ee SNM ayaa waxa si weyn loola yaabay qoraaladiisii  is tabcaynayay ee faanku ka buuxay ee eedaha culusna uu ugu jeediyay Xukuumadii uu hore uga tirsanaa. Run ahaan qaybo badan oo qoraaladiisa ka mid ahaa waxay ahaayeen malo’awaal sheeko xariir u badnaa oo qof kasta oo caqli lihi uu fahmi karyay inuu ahaa qoraal beenaad uu ku cadho-burburayay oo baal marsanaa Anshaxa, Akhlaaqda iyo Dhaqanka suuban ee reer Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo  waa Kuma!

Siyaasiyiinta gadaal soo baxa ah iyo qaar badan oo u adeegi jiray ama hoos joogay Taliskii Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta waxay iska dhigaan oo ay dadweynaha ka dhaadhiciyaan in ay iyagu Somaliland ka jecel yihiin ama uga nasteexo badan yihiin Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay had iyo goor ku doodaan Xamar ayaa la idinku wadaa! Somaliland waa la burburinayaa iyo erayo badan oo yaab leh.

Waxaa is weydiin leh kuwan maanta xagxaganaya Madaxweyne Siilaanyo xaggee ayay shalay Joogee? Halgankii maxay ku darsadeen? Damiirkoodu muxuu u siin waayay inay ka damqadaan ama ka dhiidhiyaan xukunkii Maxamed Siyaad Barre?

Dadweynaha reer Somaliland si fiican ayay u garan karayaan kuwii u hiilayay iyo kuwii ka hiiliyay labadaba, dadweynaha reer Somaliland si fiican ayay u garanayaan halgankii dheeraa ee  Madaxweyne Siilaanyo u soo galay Dalkiisa iyo Dadkiisa, dadweynuhu si fiican ayay u garanayaan Horumarka muuqda ee Madaxweyne Siilaanyo uu gaadhsiiyay dalkiisa mudada kooban ee hayay hogaanka Qaranka, marnaba ma suurtoobayso inay dadweynaha reer Somaliland ee xalaasha ahi ay dhegahooda u raariciyaan Siyaasiyiinta faashilka ah ee doonaya inay kursiga ku gadhaan dariiq kasta xataa hadii ay nabdgelyada Somaliland ku burburayso. Nasiib wanaag Somaliland waxaa ilaashanaya dadweyaha reer Somaliland oo ogsoon dariiqii dheeraa ee ay soo mareen.

Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa dadweynaha reer Somaliland inay codkooda u dhiibtaan si xor ah oo xalaal ah, kana hortagaan wax kasta oo wax u dhimaya Nabadgelyada iyo wada jirka Qarankeena, iyaga oo sidoo kale kalsooni buuxa ku qaba Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo ah gudi madax banaan oo Kitaabka quraanka ah lagu dhaariyay, iyo Xukuumadooda ay doorteen oo heeggan u ah Ilaalinta Amaanka Qaranka iyo ka hor tagga cid kasta oo isku dayda waxyeellada Nabada, Wadajirka iyo Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.

Waad mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi

kaysar@diplomats.com