Siyaasi Cumar Dubbe oo Baaq Culus u Jeediyey Madaxweyneyaasha Somaliland, Somalia & Suldaan Siciid

 

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Cumar Dubbe Cali-yare, ayaa Baaq muhiim ah u jeediyey Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, waxaanu Farmaajo u soo jeediyey inuu aqoonsado Somaliland haddii uu doonayo inuu Taariikhda magac fiican ku yeesho.

Siyaasi Cumar Dubbe oo Salaasada 26-ka May 2020 Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ugu baaqay inuu dowladda si dhaqso ah ugu soo wareejiyo Nin dil ka geystay degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo ka soo jeeda Bulshada uu Suldaanka u yahay, isla markaana uu ku soo laabto Miiska nabadda, isfahamka iyo isu-soo dhawaynta Dadka deegaanka uu Suldaanka u yahay.

Sidoo kale, Cumar Dubbe waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu dib ugu celiyo Huteelka Hargeysa Clup oo uu maalgeliyey Suldaan Siciid, hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland dhawaan sheegtay inay dib ula wareegtay, si loo soo afjaro khilaaf tallaabadaa Xukuumadda ka dhashay.