SIYAASADDU WAA BADAHA MADOW IYO BAN CIDLO AH!!!

Akhristaha qiimaha iyo qaayaha badanoow maanta waxaan ku eegayaa muwduucaygga qoraal, Siyaasadda iyo Siyaasigga iyo doorkoodda koboc iyo kufid ee is barar rooraaya. Siyaasaddu waa Bad weyn madow, oo nin weliba tabtii iyo xeeladdii uu ugga bixi lahaa ay tahay mid isagga la gudboon inuu aqoon iyo garasho qofnimo u leeyahay. Tan iyo Xukumaddii Maxamed Siyaad Bare, iyo curshaddii Somaliland ee ku sinayd raggii kala danbeeyey, ee uu ugu mudadda iyo maamulka dheeraa maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal AHUN. Ilaa iyo tan maanta geedigeeddu taaganyahay, ee hormoodka iyo hilin qaadisteedda uu hogaanka hayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaa lagu soo tabcaayey rag lagu soo daraayey Siyaasadda, oo loogga dan lahaa doorkoodda iyo dowlad ka qayb gelintoodda, inay noqdaan aayatiin weyn iyo arday wanaagsan, oo taariikhda raggii abuuray ugu yaraan faataxadda u mara, ama aqoonsan Aabahii Siyaasadda iyo macalinkii geedi socodka Siyaasadoodda iyo raad qaadka hawlaha dowladnimo, ee doorka ay kagga jiraan.

Hadaba, akhristoow Siyaasadda raggii lagu soo daray ayaa u kala baxay rag caqli furan, oo si toosa ula jaanqaaday raggii Siyaasadoodda beeray, isla markaasinna indhaha Macalinkoodda wax ku arka ama dhegaha macalinkoodda wax ku maqla. Siyaasigga marka gacanta la soo qabto, ee meel fiican la keenno, halkaasi hore ugga soco ayaa lagu yiraahdaa, taasi oo keenta in arday aflaxa iyo arday saaqidaba ay raggaa ka soo dhex baxaan. In khaayin iyo daacadba ay noqdaan, inay caasi iyo daacadba noqdaan, taasi oo ummaddu ay ka tahay garsooraha qaadaaya garta iyo heerka xaal yahay.

 

Tusaale kooban oo aynu ku fahmi karo sifahoodda qofno kuwaasi!!!!

Haddii Badda la dhiggo ragaasi ninba muddo ayey naftu kagga baxaysaa, taasi oo ah qaabka ay u diyaarsanyahiin, ama u fahansanyahiin Siyaasadda iyo geeddi socodkeedda iyo xidhiidhka Bulsho oo ah midka ugu mahiimsan. Nin hal minid iyo wax ka yara ayey naftu kagga baxaysaa, Nin toban minid, halka raggu sidda uu isu dhaamo ay ragga qaar sii noolaan karaan saacaddo, maalin iyo wax la jira.

Ninka Siyaasiggii markuu hadlaayo hadalkiisu khayr iyo sharba wuu yeelan karaa, laakiin Siyaasigga saxdii waa ninka hadalkiisa doorta, ee aan ku dhicin xaaladaha xun xun ee dadka didin kara, ama keeni kara kala qaybin iyo lumin kalsoonidda shacabka. Halka nin kale uu ummadda hadal xumaan iyo xajiini ka buuxdo ku hafiyo, isla markaasinna ay abuuranto tuhun, kala qaybsanaan, colaad iyo midnimo xumo weyn, oo lugta ku walaaqdda waxii la ilaalinaayey iyo ummaddii laysku wadey. Ummaddi waxay ummad ku tahay markay is dugsanayso, ee mid qudha tahay, laakiin haddii la kala firdhiyo, waxay noqonaysaa mid aan lahayn tayo fiican iyo taageero mideysan midna. Xukumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ayeynu tusaale kooban ka soo qaadan doonnaa maadaama ay tahay mid ka turjumi karta casharkeenna iyo calaamadaha ay ku raad joogno, ee aan jecelahay in aan wax ka ogaanno.Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxuu abuuray Siyaasiyiin badan, oo aan lahayn taariikh hore oo Siyaasadeed, ama aan ahayn rag intay toban qof soo hor istaageen qaarkood wacyigelin iyo waanno faray weligood.

Qofka horta inta asxaabtiisu marka horeba leegtahay ayaa Siyaasadiisa, qofnimadiisa iyo irsiqiisu leegyahay. Nin aan bulshadda si toosa ugu xidhnayn marka horeba, waxaa soo wajahaaya qabyooyin badan, oo ku dhisan dhinaca bulshadda, waayo ma odhan karo hebeloow, taasi waxay keenaysaa inuu qofkaasi si dhibyar ku fashilmo ama caqabaddo badani ka hor yimaadaan, taasi oo aan arkeyney in Xukumadda Axmed Siilaanyo la kulantay. Waayo nin aan la eryin ayuu eryayaa, nin aan loo yeedhinna wuu u yeedhayaa, waxaa dhacaaya dhaqan burbur Siyaasiya, mid bulsho iyo hogaamineed, waxaa jiraaya xagal daac weyn iyo turun-turooyin intoodda leeg, oo keenna in nidaamkii dhaawac weyni ku yimaaddo, ama ummaddu sara-kacdo oo qayladdu isu yeedho.  Waxaaba dhacda inuu qofkaasi inyar ku fashilmo, oo kuwaa halka minid badweynta ku dhintay la itaal yahay, waayo dabaasha ma yaqaanno iyo doorka bulshadda ee kala duwan.

Bulshaddu waa sidda dhirta oo kale, waxay leedahay geed hadh iyo midhaba leh, oo oodis wacan, oo aad u dugsoon, kaasi oo dhankii lagga joogsadabba waxtarkiisu weynyahay. Iyo geed aan intaasi midna lahayn oo qodax iyo jid goyn mooyaane wax kale oo faa,iiddaa lahayn. Haddii sifo khaldan labaddii geed laysuggu khaldo waxaa imanaaya dhibaato weyn iyo in nidaamkii socon waayo, in qayladdu badato, oo xumad iyo xaraaddu cirka gaadho.

Ugu danbayntanna warmo iyo waxyeelo lagu liishaamo nidaamkii iyo ninkii ummaddu ku xidhiidhsanayn ee Jowharadda dowladnimo u sidey. Hadaba, akhristaha mudanoow waad u jeedeen tan iyo maalintii Xukumadda Axmed Siilaanyo la dhisay, raggu Siyaasiyan sidduu u dhimanaayey ee Saxadda Siyaasadda ugga baxaayey. Taasi oo ku dhisan khaladaadka Siyaasiggaa iyo xidhiidhka bulsho oo dadka qaarkiis uu ka aradnaa. Madaxweynaha qaranku Bulshadda waxuu u keenay rag badankoodda aan hebeloow cid odhanayn, taasi oo keentay in nin weliba muddo ku dhinto Siyaasiyan. Oo ay ugu danbeeyeen ragga madaxweynaha maamulkiisii dabadda dhulka ugu dhufta is yidhi, taasi oo ka dhigaysa arday caasiya, oo cuyuunna, isla markaasinna Siyaasadda iska gadoomiyey. Siyaasaddu colaad maha ee waa ciyaar wakhtiyeed iyo mabaaddii kala duwan, ninka colaad geliyaanna weliggii ma gudbo, ee wuu ka gudhnaaddaa Golayaasha Siyaasadda iyo guuritaankeedda hufan.

Gacanta ninkii la soo qabtay ee halkaa hore ugga soco la yidhi, haddii uu raadkiisa dib u raaco, oo ma gudbe noqdo, faa,iiddo uu leeyahay ma jirto ee waa tacab khasaar, ama uu garan waayo inuu yahay xidig lagga xurmeeyey malaayiin kale, oo fursad qaaliya gacanta loo geliyey. Siyaasaddu waa Badaha madow iyo ban cidlaa, oo badowggu ku hafto, waxayna keentaa fashilaad weyn iyo inaad hal daqiiqo dabaalan kari weydo Siyaasiyan, oo nafta kala dhaqaaqdaan.  Ama bulshadda aabad is afgaran weydaan, Siyaasadu waxay u baahanyahay dul, Samir iyo macaan badan, oo aad ku dhisayso had iyo jeer nalka baxaaya ama hogaanka aad al shaqaynayso, ee mudnaanta iyo miyirka weyn ugga baahan dhirtii uu beeray.

Cabdilaahi John

libaaxdabar@hotmail.com