Siyaasaddu ma Liisankii Beenta iyo Khiyaamadaa?

Xaaladda dalka iyo dadka Somaliland ku sugan yahay maanta waxay ku horkeenaysaa damiir la’aanta siyaasiyiin ku sheegga gadhwadeenka inoo ah ee muddoba ina hortaagnaa.

Waxa inoo cad in siyaasiyiinteennu u yaqaannaan waxa caalamku u yaqaan “SIYAASAD” ama “POLITICS, inay iyagu u fasirteen amaba u yaqaannaan BEENTA iyo khiyaamada ama xalaalaysiga  shacbiga oo been loo sheego kursi sarena lagu hanto ama lagu gaadho. Beentaas oo badi ay ku kellifto hunguri shakhsiya amase koox xulafo ah oo hunguri, boob iyo xoolo urursi heshiis ku noqda, oo markaa dadnimo, dammiir xidha, dareen raxmadeed iyo dabar Islaamnimoba ka dul booda.

Tusaalayaasha si isddaba joogga inoo hor yimid bal u fiirso, sida Baarlamaan sharciyadii uu soo saaray ahaydna waxa ummaddani ku heshiisay oo samaynta iyo ilaalintaba iyaga loo igmaday baa burburintiisa isla iyaguun loo adeegsaday. Meeye sharciyadii aynu ka dhiganay haddii madaxa golaha fulintu (Excecutive) inagu  xumaado,  si fudud ugu beddeli lahayn? Yaase mas’uul ka ahaa fulinta sharcigaa maalinta baahidiisu joogto?

Xisbiyadan aynu kala raacnay ee shakhsiyo waxay sheegayaan badi  isku wada mid tahay ee weliba malaayin lacag ah oo baahi ummadeed dabooli lahayd lagu bixiyay, iyagoo leh anaa cirka soo rinjiyaynaya, shacabkuna weydiin karayn horta sallaankaad ku gaadhaysaan na tusa.

Bal labadan xisbi  ee aynu ku tacabnay kana dhigannay hayado QARAN ee UCID IYO KULMIYE, oo mid waliba sharci loo sameeyay la ina horkeenay, oo haddana raggii abuuray ku tunteen horseedna ka noqonayan bilowgii burburkiisa, waaba sidii uu ku dambeeyay mid tacab la mida ahi inaga galay oo aynu xabaalaha ku darnay – waa UDUBE . Kulmiye shan sannadood baa laynaga dhaadhicinayay Madaxweynahaa maanta jooga  ayaa Musharax u ah doorashada soo socota, markaynu ogaannay inanu musharax ahayn ee la doonay dadka xisbiga ku jiraa inay tartamaan, oo ciddii heshaa la tartanto xisbiyada kale, ayaa isla odaygii yidhi No-hebel baan rabaa isagaana xaq u leh inuu idin xukumo oo weliba maalkii iyo cashuurtiinnii aad igu aamminteen baan ku bixinayaa madaxnimadiisa.YAAB.. oo sharci ku sheeggii qornaa iyo ballan qaadyadii ma sidaasuu ku dambeeyay oo been la xarxariiqay uun bay ahayd?

UCID dhowr sannadood baanu u haysannay  labada Musharrax oo wejiyo cusub ahaa, welibana da’ ahaan iyo cilmi ahaanba u qalma baa beddelaya odaygii laba goor oo horeba guul darraystay, oo nidhi ma laha fashilkii khibrad baa laga faaiiday oo  kuwo caqli siyaasadeed leh, oo  been horena aan  lagu arag baa wixii hore wax ka beddeli doona.

Dhowr sanadood UCID waxay na lahaayeen tartan iyo shirar ay galeen iyo sharciyo u qornaa ayay 2da nine e Musharraxa iyo ku-xigeenkiisu saaxadda ku soo gaadheen.YAAB.. sawkan odaygii  xisbi QARAN oo UCID la yidhaa inoo keenay , oo sharci ayaa meel u yaal lahayn, mar qudha yidhi NO- heedhe anigaa mar saddexaad u taagan musharrax, dhawrkii sannadood ee la soo dhaafayna BEEN baanu idiin sheegaynay,markaa BEENTII iska illooba, tan dambe ayaa run ah, mar haddaan sidan doortayna sharci weeyee taydan dambe, waana sax ah.

Waa hagaag, Ma Golihii Sharci dejintaa hunguri ku kala irdhoobay , ma Golihii Fulintaa Sharciyadii wada jebiyay, ma golihii guurtidaa noqday mid aan maalin lagu rayn, oo ka hor imaad golayaal daayoo, beenta iyo burburkaba sii fududeeya, oo xaalkoodu marayaa indhaha iyo dhegahaba furaysta intaa rogmanaysaan, Ma golayashii degaankaa boob iyo lacag urursi shaqadoodu isugu soo ururtay. Ma maamulkii wasaaradaha iyo xafiisyadii ayaa dafiraad iyo been qaawan oo ay hor boodayaan rag iyo dumar badidoodu xirfad ay dhasheen iyo mid ay barteen toona lahayni dhex fadhiyaan, oo boob, dhac, cagajuglayn iyo is-ammaan ku heshiiyeen, Ma xisbayadii dhismahooda hiil iyo hooba loo huray baa mid mid horteenna ugu burburaya? Ma madax dhaqameedkii noo fayoobaa baa loo gacan haadinayaa oo qaar leeyihiin ha la igu daba faylo dawladdaba anaa shaqadeeda qabanayee, Ma rajadii in waddan ummadaha caalamka ka mid ah la noqdo, ayaa ku soo gebogebowday Xamar oo cod sare ku leh Dastuurka ajaanibku noo soo qoray baanu Somaliland ku xukumaynaa 2016ka mar haddii qaarkood na dhex fadhiyaan. Ma dhiiggii iyo dhimashadii dadkeenna si ay nabad iyo caddaalad ugu wada noolaadaan ayaa god madow ku sii laallaadda oo nin siyaasadda BEEN iyo KHIYAAMO u haystaa sababay.

Bal haddaba bulshooy in heerkaa la ina gaadhsiiyo miyaynaan haddaynu shicib nahay door weyn ku lahayn? Jawaabtu dabcan waa haa.. Runtii iyo Beentii baynu kala garan weyney. Waxaynu dastuur ka dhigannay siyaasaddu kollayba waa BEENE, ee beenta ku xigta u gargaar mar walba, Boobka ummadeed ee ninka reerkiinu geystaa waa sad reerka u soo kordhay oo reerku ku horumari doono, waa xarfad iyo “HANN” wiilasha wax boobi kari waayay siyaasigani dheer yahay oo kaga sarreeyo, waana in reerku taageero iyo difaac joogta ah la garab taagnaadaa. Ninba ninkuu ka BEEN iyo mardaddabo badan yahay ka siyaasisan, markaa waa in reerku qanciyaa reero kale oo gaashaan-buura, kuwaasoo boobka la wadaagi doona, waa in la helo wax la maamulo oo ummaddu wada leeyahay oo gacanta loo geliyo siyaasiga dabadeed gaashaan-buurta loogu adeego.

Waxa sheeko lagu sheegay, islaan magaceeda Xaadsan la yidhaa oo ardaaga aqal somaligeedii miyiga jiifta, aadna u gama’san baa saqdii dhexe libaax qaatay, isagoo sii sita ayay indhaha kala qaaday waxay tidhi “ALLAH ILAAHOOW RIYO IIGA DHIG”. Somaliland maanta af libaax bay ku jirtaa shacabkiina Ilaahow riyo iiga dhig buu taagan yahay.

Sheeko kale oo iyadu run ah baa waxay odhanaysaa laba  nin oo siyaasyiin reer Somaliland ah (Midkood Allaa Yarraxmo), kana socday laba xisbi oo doorasho doon ah, sannadihii 1960kii, ayaa isku maalin soo gaadhay magaalada Gebiley oo labada nin midkood u dhashay. Siyasigii reer Gebiley oo hadalka ku horreeyay ummaddiina wada hortaagan tahay baa yidhi…

“REER GEBILEYOOW, SIYAASADDU WAA BEEN, EE MAR HADDII BEEN IIBSANAYSAAN, BEENTAYDA AYAA IDIN XIGTAE ANIGA  I DOORTA”.Dad badan baa warkaa u guuxay. Siyaasigii kalaa istaagay oo isna yidhi “REER GEBILIYOOW, DAD ISLAAM AH BAAD TIHIIN, REER SOMALILAND NA WAAD TIHIINE RUN IYO BEEN IYAMAA JECESHIHIIN? Waxay qaylo dheer ku yidhaadeen RUN baanu jecellahay. Hadalkii buu sii watay oo yidhi “HADDUU WIILKIINU HORTIINNA KA QIRTAY INUU BEEN IDIIN SIDO, ANIGU RUN BAAN IDIIN SIDAA EE RUN IYO BEEN KALA DOORTA”. Qayladii iyo sacab baa lala wada kacay oo runtii lagu doortay, siyaasigii reer Gebileyna guul darro kala tegey reerkoodii iyo magaaladii uu u dhashay, wuxsuse aad ugu qanacsanaa hadalka meelmarka ahaa ee dadku fahmeen, isla markaana qabyaaladda kaga tagaeen.

Gunta iyo gebagabadu waxay tahay, ma wax aynu barannay ama kala naqaannay 60 sannadood ka hor, oo ah RUN IYO BEEN baynu maanta kala garan weyney, oo hiil, qabyaalad iyo nin jeclaysi baa xorriyaddeennii iyo gobonimadeennii ceel dheer ku sii wada, wax kasta oo tacab aan qiyaas lahayni innaga galayna – quus baynu ka taagan nahay.

ALLOOW SAHAL

 

  Rasheed A Meigag Samater

Hoggaamiyaha Jaaliyadda Somaliyeed EE N.London

               Ahaana

(Hoggaamiyaha Ururkii Xaqsoor ee U.K)