Siyaasadda Somaliland iyo Saadaasha Mustaqbalka Dhow!!

 

Somaliland waxaa si sharci ah uga jira saddex xisbi qaran oo keliya, mana jirto musharixiin si madaxbanaan doorasho u geli kara xisbi la,aan, hadaba dhowaan markii shirweynaha xisbiga kulmiye qabsoomay, garab ka mid ahina saluugay sida hawsha loo maamulay iyo hogaankaba.

Weji cusub oo siyaasadeed ayaa bilaabmay, waxaana arintaas si dhow ula socdey dadka siyaasada daneeya iyo siyaasiyiinta labada xisbi ee kale WADDANI iyo UCID, waxa aad looga dhursugayaa halka ay sal dhigan doonaan garabka isbahaysiga kulmiye, xisbiga ucid oo xantaa hoose ku kala shakiyey waxa markiiba xilkategis qoray musharixii madaxweyne xigeen ee xisbigaas, hadaba iyadoo aan rajo badani ka muuqan in garabkaasi kulmiye ku sii negaan doonaan, waxa la filayaa inay waddani iyo ucid midkood cududooda ku kordhiyaan, waxa isweydiin mudan midkee u haboon inay geediga ku furaan maxayse ku kordhin karaan labadaba, si kooban hadaan aragtidayda uga jawaabo weydiimahan, an ku horeeyo ucid, xisbiga ucid oo had iyo jeer kaalinta saddexaad gala hadii ay isbahaysigu ku biiraan, marka koowaad waxay wiiqayaan taageeradii xisbiga kulmiye,

Waxay sidoo kale wajahayaan dildilaac ay xisbigaa ku kala gurtaan musharaxa iyo gudoomiyaha oo aan haatanba isu laabfurnayn midkooda jagada baneeyaana awoodii xisbiga sii laciifin karo, rajada guul loogu filaa ucidna ma badna maadaama uu xisbiga saddexaad yahay xaga taageerada, hadaba xisbiga waddani oo taageeradiisu lixda gobolba si mug leh uga muuqato, waxay isbahaysiga guul u tahay inay ku biiraan, laba sababoodba waa mida horee waxay la geli karaan heshiis aan madmadow lahayn oo mustaqbalkooda dhow hiil u ah haday taageeradooda ku biiriyaana waa hubaal inay talada waddanka hantiyaan marka la eego taageerada muga leh ee waddani haysto iyo cududa ay iyagu kala soo jabayaan xisbiga kulmiye waa mida labaade waxay ka heli karaan boosas culus iyadoo ay daaqada ka saari karaan rag aan taageero buuran lahayn oo kuraas sare fadhiya sida gudoomiye xigeenka waddani axmed muumin seed iyo xoghayaha guud maxamed cabdilaahi uurcade, waxay sidoo kale ka guulaysan doonaan muuse biixi oo ka dhega adaygay inuu cududaa aqoonsado, hadaba xisbiga waddani waxa u taala siduu ragaa ku soo xero gashan lahaa kuraasta ay calmadaana ugu hagarbixi lahaa, sidoo kale garabka isbahaysiga kulmiyen waxaa u taal siday isu muujin lahaayeen xisbiga waddanina wax ugu darsan lahaayeen dabkii baxaya ayaa dab lagu qabsadaa.

 

Bashiir Cumar Geele (Xiddig)

Hargeisa, Somaliland.

Alahayoow sidii khayr leh