Sisi oo xilka iska casilay isuna sharaxay Madaxweynaha Masar

Masar(SLPOST)Wasiirkii Difaaca ahna hogaamiyaha militariga Masar, Cabdifatax Al Sisi ayaa iska casilay xilkii uu hayey isagoo si rasmi ah u shaaciyey inuu isu soo taagayo doorashada Madaxweynaha Masar.

sisimurashax

Sisi ayaa go’aankiisa ka shaaciyey telefishinka dowlada Masar, isagoo sheegay in wakhtigan loo baahan yahay sidii loo soo celin lahaa midnimadii iyo kalsoonidii shacabka Masar.

Waa inaan ka hortagno Argagaxisada waana inaan dib u dhisno dalkeena Masar, soona celino sumcadii dalkan lahaa, ayuu yiri Cabdifatax Al Sisi.

Qaar kamid ah taageerayaasha Sisi ayaa isu soo baxyo taageero ku qabtay qeybo kamid ah magaalada Qaahira, halka taageerayaasha Ikhwaanu muslimiinka ay iyaguna banaanbaxyo rabshado wata ka dhigeen magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Masar.

Cabdifatax Al Sisi oo hogaaminayey afgembigii militari ee xilka looga tuuray dowladii shacabka doorteen ee Maxamed Morsi, ayaa in muddo ah la filayey inuu isu sharixi doono Madaxweynaha doorashada soo socota oo aan weli wakhtigeeda la cayimin.

Sisi ayaa loo heystaa xasuuqii loo geystay shacabka taageerayey ikhwaanka bartamihii sanadkii lasoo dhaafay kadib markii in ka badan 1000 qof ay ciidamada amaanka ku dileen banaanbaxyadii looga soo horjeeda afgembiga militariga ee ka dhacay magaalada Qaahira.

 

Somalilandpost.net

Somaliland/Hargeysa