SIR CULUS: Sarkaal Sucuudi ah oo Fashiliyey Waddamo Carbeed oo ka Dambeeyey Burburka Midhihii Ka Dhashay Kacdoonkii Shacbiga Masar ku Beddeleen Xukuumaddii Xusni Mubarak

Hargeysa (SLpost)- Sarkaal ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sucuudiga, ayaa Fashiliyey qorshe waddamo ka tirsan Khaliijka Carabtu ku go’aansadeen inay ka hortagaan Kacdoonnadii Shacbi ee ka curtay dalalka Carabta, iyaga oo ka cabsi qabay in doorashooyinka ka dhasha natiijada kacdoonnadaasi soo shaac-saaraan axsaabta Islaamiga.

Sarkaalkan oo aan wakhtigan ka tirsanayn Wasaaradda Khaarajiga ah Sucuudiga, isla markaana magaciisa loo qariyey, ayaa qoraal ku soo bandhigay ujeeddada dalalkaasi ka lahaayeen qorshahaasi ahaa si aanay u baraarugin Axsaabta Islaamiga ah ee dalalkooda ka jira, dhowr jeerna ay isku dayeen inay fashiliyaan Kacdoonnadii Shacabka ee loogu magac-daray GU’GA CARABTA.

Waddamada qorshahan watay oo garab-sanayey dalal Reer Galbeed ahaan gaar ahaan Maraykanka, ayuu sarkaalkani ku yeeshay inay ahaayeen Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo ka cabsi qabay in talada dalalkoodu ka baxdo faraha Qoysaska Iska dhaxla Boqortooyada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo sida uu sarkaalku sheegay wakhtiganna kaalin weyn ka qaatay fashilinta Dawladda Ikhwaanul-muslimiinta Masar oo si lama filaan ah ugu guulaysatay talada, halka ay labadan dal markii hore ka taageerayeen murashaxiin kale, iyaga oo ka cabsi qabay in Xukuumadda Ikhwaanul-Muslimiintu ku kiciso Shacabka.

Sarkaalkani waxa uu iftiimiyey Siro aanay bulshada inteeda badan ka war-haynin, kuwaas oo ay qorsheeyeen waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka oo ka xumaaday in Dabayshii Kacdoonidii Carabta ay ka dhashaan dhaq-dhaqaaqyo Islaami ah, waxaanay labada dal oo taageero reer Galbeed adeegsanayaa ku kaceen tallaabo kasta oo kaga hortagaan inaanay hirgelin Dhaq-dhaqaaqyadaasi.

Waraaqda uu qoray Sarkaalka hore uga tirsanaa Wasaaradda Daakhiliga Sucuudiga oo warbaahinta waddamada Carabtu lagu faafiyey isla markaana uu Tarjumaad Af-Soomaali ah ku sameeyey Cabdicasiis Cawil Adar oo ah Qoraal iyo suxufi Madax bannaan oo Hargeysa ku nool, ayaa lagu xusay doorka ay saxaafadda Carabtu ka qaadatay fashilinta Xukuumaddii Madaxweyne Mursi halka sidoo kale lagu xusay waddamo Carab ah oo si qunyar-socodnimo ah uga qayb-qaatay fashilaadda ku timi Midhihii ka dashayKacdoonkii Shacbi ee waddanka Masar.

Waraaqdan uu Sarkaalkani ku shaaciyey siraha ku duugan dagaalka dalalka Carabtu ku qaadeen Masar, ayaa iyada oo qodobaysan Qorneyd sidan:

1.  Waxaa guulaystay shaxdii Sucuudiga iyo Imaaraadka ee ahayd inay u dhameeyaan waxaa lagu tilmaamay GU’GA CARBEED taas oo ahayd inay ka dhigaan waddanka Masar waddan fashilmay uu kana dhacoo dagaal sokeeye.

2. Maraykanku wuxuu u xaqiijiyey wadamada Khaliijka kadib dhicitaankii SAYNI CAABIDIN (madaxweynihii la riday ee Tunisia) in doorkoodii soo galay ayna waajib ku tay inay fashiliyaan kacdoonka sababtoo ah haddii uu kacdoonku guulaysto waxay ka dhigantay xukunkoodii oo dhamaaday.

3. Kadib dhicitaankii XUSNI MUBAARK, waxaa bilaabmay inay khatartii ku soo dhawaatay Khaliijka waxayna guda galeen waddamadii Khaliijku inay fashiliyaan Kacdonka Carbeed.

4. Waxay isku afgarteen inay Masar ka bilaabaan shaxdooda waayo waddanka Masar waa wadan Milatari ahaan awood badan waxayna awood u leedahay bay yidhaaheen inay fashiliso kacdoonka si cibra-qaadasho ugu noqoto halkaana ay ku soo gabagaboobo Kacdonku [xiligani waa intaanu Mubarak dhicin]

5. Maraykankuna wuxuu bilaabay inuu si qarsoon  100,000 (boqol kun) oo askari u soo diro saldhigyadiisa Khaliijka si ay u xoojiyaan ilaalada goobaha shidaalka iyo inay noqdaan keyd u diyaar ah wixii soo kordha.

6. Waxay iska dhaadhiciyeen waddamada Sucuudiga iyo Imaraadku in doorashooyinka uu ku guulaysan doono ninkii ay wateen ee SHAFIIQ laakiin may dhicin.

7. Waxaa halkaa ku fashilantay shaxdii Sucuudiga iyo Imaaraadka waxaana ku guulaystay kursigii islaamiyiintii.

8. Waxay u ballanqaadeen Sucuudiga iyo Imaaraadku inay siin doonaan wadanka Masar lacag ka badan 50 billion oo Dolar, hadii ay waafaqaan siyaasadda Maraykan lakiin way diideen.

9. Intaa ka dib waxay istuseen wadamada Sucuudiga iyo Imaaraadku in xukun Masar ee ay islaamiyiintu gacantu ku dhigiin ay u tahay xukunkoodii oo dhamaanaya gaar ahaan manhajka IKHWAANKA ee addoomaysiga diida.

10. Waxay isugu geeyeen dhamaan waxay awoodaan hadday tahay Saxaafad jariirado qoraalo iyo siyaasiyiin ba sidii ay xukunka uga tuuri lahaayeen dawladda islaamka ah ee Masar sidaad aragtaan.

11. Iran waxay siisay islaamiyinta masar 23 billion oo Dolar si ay warshado ugu sameeyaan dhaqaalaana ugu kobciyaan, Iiraan-na inay masaajiddo Shiico ah ka dhisto waddanka Masar ayna ku fidiso mad-habka Shiiciga laakiin dhamaanba way diideen.

12. Waxay ku soo jeediyeen Waddamadii Sucuudigu dhammaan ilo wareedyadoodii oo dhan sidii ay u ridi lahaayeen maamulkaa Islaamiga ah una fol xumayn lahaayen si ay u aqbalaan siyaasaddooda gacantana ay ugu dhigaan kacdoonka.

13.  Waxaa uu u ballan-qaaday C/LAAHI BIN SAAYID ka imaaraadku Kinaalka wararka ee ALCARABIYA balnaqaad lacageed oo xad dhaafa haddii ay ridaan maamulka Mursi, waxaa sidoo kale lacag dheeraad ah uu u ballan qaaday guddomiyaheeda C/RAXMAAN AL RAASHID lacagtaas oo gaadhaysa 10 million(toban milyan) oo Dirham ka imaaraadaka ah.

14. Waxaa uu kulan kula qaatay  C/LAAHI BIN SAYID magaalada DUBAI ragga ugu caansan warbaahinta iyo qoraayaasha Carbeed, waxaana kulankaa ku wehelinayay DAAXI AL KHALAFAAN oo Imaaraadka looga arko nin lagu kalsoonyahay sababtoo ah wuxuu ku guulaystay Kashifaaddi dilkii MABXUUX.

15.  Waxay dusha u riteen waddamada imaaraadka iyo Sucuudigu inay la xidhiidhaan ragga ugu waaweyn warbaahinta Masar sida CAMAR ADIIB, KHAYRI RAMADAAN iyo XAMDI QANDIIL.

16. Waxay taageereen murashixiinta sida BARAADICI, CAMAR MUSA, XAMDIN SABAXI iyo AXMED SHAFIIQ sababtoo ah ayana waxay rabeen inay Mursi ridaan wayna isu dheeli tiraayeen.

17.  Halkaa markay marayso waxay yidhaahdeen waxaa inoo hadhay uun ciidanka, waa in aynu iibsanaa gacantana ku dhignaa, waxayna la heshiiyeen MAXAMED XUSEEN DANDAAWI laakin Mursi ayaa casilay, mar labaadna waxaa fashilantay shaxdoodii.

18. Laakiin waxay soo noqotay shaxdii mar saddexaad markii Mursi khaldamay ee uu C/FATAX AL SIISI uu magacaabay waxayna ku guulaysteen waddamadii shaxda waday inay iibsadaan AL SIISI iyo saraakiisha ugu sarsareeya ciidanka loona ballanqaado lacago qayral xad ah.

19. Waxay ku guulaystay  warbaahintu inay fashiliso islaamiyiinta waxayna taageereen  Sucuudiga iyo Imaaraadku dhamaan kacdoonadii ka dhanka ahaa Mursi sida dhaq dhaqaaqa  TAMARUD la magac baxay.

20. Maalin ka hor 30 kii June waxaa uu Mursi go’aansaday inuu casilo AL-SIISI laakiin goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayay ahayd, waxaa uu kula kulmay madaxtoodayada waxaanu fahmay in la iibsaday.

21. Waxaa uu u sheegay AL-SIISI madaxweynaha inuu mucaaradka taageersanyay sidaa awgeed Mursi wuu xanaaqay waxaanu si degdeg ah ula hadlay dadka reer Masar iyo taageerayaashiisa.

22.   Way guulaysteen labadii dawladood waxay ku xidheen madaxweynihii isla markiiba qasriga madaxtooyada.”

Sida laga warqabo, daqiiqado ka dib Af-gembigii Milatarigu ku sameeyeen Madaxweyne Mursi, waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadku waxa ay Milatariga Dalkaas ugu hambalyeeyeen tallaabada ay xilka kaga tuureen Mursi iyo Xukuumaddiisa.

Sannadkii 2011 ka bilaabmay wadanka TUNISIA kacdoonno shacbi oo aad u xoog badan taas oo ka dhalatay sannado badan oo dadka ku nool waddamada Carbeed ay tirsanayeen Cabudhin iyo Kali-talisnimo ay ku hayeen hoggaamiya-yaashoodu taas oo keentay in si lama filaan ah markaliya uu u dilaaco kacdoon la maarayn kariwaayey oo ay u taagwaayeen dawladihii uu ka bilaabmay, waxaanay kacdoonnadaasi markii dambe ku fideen wadamadii Carbeed sida MASAR, LIIBIYA, YEMEN iyo wakhtigan oo uu ka socdo SUURIYA.

Waddanka Masar waxaa uu ka mid ahaa wadamadii uu ka bilaabmay  wixii loogu magac daray GU’GA CARBEED, waxaana isbeddelkii ka dhashay uu aad uga yaabiyey bulshada caalamka marka loo eego sida ay shacabkiisu ugu kala duwanaayeen dhinacyada Diinta iyo Fekerka, taas oo markii hore loo malaynayey inay fashilin doonto Kacdoonkooda, haseyeeshee isku-duubnaantaas Shacabka Masar may sii waarin, waxaana laba sanno ka dib ay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku ku guulaysteen inuu u hirgalo qorshe ay la damacsanaayeen Xukuumadda Madaxweyne Mursi, waxaana mar kale dunida Carbeed ka bilaabay Kacdoonno Hal-ku-dheg looga dhigay XAGAAGA CARABTA.