Silsilada SHIINLEY

Hargeysa(SLpost) Silsiladan SHIINLEYDA- oo todobaadkan gudihiisa ka bilaabantay Barta Facebook ayaa ka dhalatay meerisyo kooban uu abwaan Sidiiq Burmad kaga hadlayay shirarka jaraaid ee sida bilaa ujeedada ah maalin walba loo qabto. Waxayse taxane maansooyin silsilad ah isku badashay markii abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax uu kaga jawaabay maansada ugu horaysa maansooyinka halkan aanu kusoo uruurinay. Maansada laabsaalax waxay abuurtay in abwaano badan iyo dhalinyaro jecel in ay wax abuuraanba kasoo jawaabaan. Waxaanay silsilad maanseedkani  u muuqataa mid ka ka turjumaysa dareenka  bulshada inktastoo aanay jirin ilaa hada aragtiyo aad loogu kala duwanyahay oo abwaanada ay iskaga soo hor-jeedaan hadana waxa muuqata in ay noqon karto silsilad si wayn loogu kala qaybsamo

Abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo ku soo hal qabsaday abwaan Sidiiq maxamed burmad ayaa yidhi sida tan:

 

Shaxda Garo Sadiiqoow

Ina ganay Shilkii Dhacay

Ma ogayn Shalaytee

Batuun iyo la shawr guray

Fartaag hoos u Wada shira

Xaaji shabaga Soo gali

Shanqadhaha badh baa jira

Laga qariyay Shicibkee

Shiishka Saar Wacyiga jira

Garashada bal Shaandhee

Xogta Shaadhka Loo Tolay

Inaad Sheegto Waa Gare

Dareenada Shakiga Dhalay

Yaa Keenay Shaarica

GoorMuu Sharcigu Yidhi

Danbi Sheekha kama dhaco?

Doonidii Shiraacnayd

Shixnadeeda Yaa dhacay?

Goormaa Shuruud Li,i

Sharka Khayrka loo Rogay?

Damiirkii Shakaalnaa

Hadmuu shilinku maamulay?

Sheekada Intaad Daday

Ha Sharaxo Wax garadkuye

Maalintii Shilkaha Culus

Laysku Shiishay Baaruud

Ninka Dhiig u soo shubay

Ee Shahiid Ku Talo Galay

Markuu Saaka Shaacee

Qiiq Shareeran Daawaday

Shalay Dhaantay buu yidhi!!!

 

 

Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad

 

laabsaalaxow shiiq

ninkastoo shax dhigi jiray

mas-dilkaa ka shicib badan

jiiraanka soo shiri

wax u sheeg haweenkii

ubadkiina kaga shubay

laabsaalaxow shiiq

ninkastoo shax dhigi jiray

masdilkaa ka shicib badan

jiiraanka soo shiri

wax u sheeg haweenkii

ubadkiina kaga shubay

shookaanta kuu qabay

shib dhe kii la odhan jiray

shicib waa” indheergarad

 

markii shaalka loo sudhay

iyagoo wan shilis qalay

waa kuwaa shariiryaha

cunayee ka sheekee

 

iyagoo intii shalay

aan shilin cid uga tagin

waa kuwaa shandado kale

rartayee ka sheekee

 

cirkanoon raxmaad shubin

shansannoo abaaro ah

bal kuwaa shaqaystee

shilinkii yimaadaba

shuuqsaday ka sheekee

 

sida shaagga loo rogo

shishe iyo dib loo wado

waa kuwaa shuruucdii

shabagii ugaadhsiga

ka dhigee ka sheekee

 

shaqaaqooyin faafiyo

xaalado shacbiga dhiba

guddi shaaci mooyee

awoodaha dabkoo shidan

shuuriya ka sheekee

 

shaqsibaa la doortee

shaadh bira rag loo tolay

iyo dhowr shalmado xidhan

shidhku deeqi maayee

shil intaanu wali galin

wadayaal ka sheekee

 

waa amar shirkadahoow

u shaqeeya caynkaa

shilinkaa la kabayaa

bal inay shantarad tahay

shalay uun go’aankii

dhacay uun ka sheekee

 

baryahaaba shalowyay

qodayeen shisheeyuhu

shaqadooda yaa yidhi

shidaal baadhis weeyaan

sahan aan xog sheegayn

bal aduu ka sheekee

Dhamaadka wada sheekaysiga

 

Abwaan AXMED CISMAAN BATUUN

 

Shirka maansayahankee

Xasan shaaciyoow bado

Ha is dhaafo shoocaac

darandoorriyoo shuba

Shida oo ha oogsado

Ha shaqeeyo golihii

Shiishka saari jiray meel

Ee shicibku tabayeen

Hala gubo shayaadiin

Ku shaqaysta dhawr magac

Qudhayduna shilays iyo

Murti sheegan maayoo

Shaaggaan u rogayaa

Shookaanna ma lehee

Ragii shiili jirayee

Sida shaanbaddoo kale

Shadka saari jiraybaan

Xalay sheedda ka arkoo

Isla shawrisbaa tidhi

La shaqee abwaanada

Kala shubay warkiinii

Shaandheeyay weedhaha

Runtu waa shahiidnimo

Dadna shaahid weeyaan

Gefka sheelan lagu yuus

Hal abuurka shicibkuna

U bayaami shuqulada

Shakaal goo dulqaadkii

Shar ka wayn siyaasiga

Iyo sheeko daahnayd

Hal abuurku isu sheeg

Sharafyahaw maryaha tolo

Adna sheekh haldeeqoow

Qabo shamaca nuurka leh

Ha shallaado maansadu…..

Abwaan Axmed Fartaag

Sheekha lacagta qaatee

Shib ka yidhi xaqiiyee

Shilmaad ku doorsaday

Inuu diinta sheeguu

Shakaal dawlad lagu xidho

Shacabkana wanaag faro

Sharka iyo dhibaatada

Dadka shoolad uga digo

Xasanow. Ku shubashadu

Sharaftii Abwaanada

Qaar bay shalaadkii

Kaba shuuri tidhi-yoo

Runta uga shakaalmee

Saw siyaasi sheekada

Shaxda ruuxa lagu dago

Kubad shabaqa muu dhigin

Waxa shiinka keenaa

Bal in loo sharaxo iyo

Dadku shaafi sugayee

Shaqalkiyo u jeedada

Shibanaha bal noo sheeg

 

Abwaan Cabdi Wali Saxardiid

 

Shar la aan mid nabadiyo

Dalka weli shil kama dhicin

Shifo caafimaad iyo

Shukri mahad ah weeyaan

Shicirka iyo maansada

Ragga shaqalka erayada

Shibanaha ka yeedhshow

Shadka alifka diidiyo

Waxa keenay shaashada

Shicibkaa horseed ka ah

Shilalkay is geeyeen

Ayaa lagu shukulayaa

Iyagaa shalaaftiyo

Isu gooya shirixyada

Iyagaa shirqoolkiyo

Isku xidhaya shookiga

Shar la aan mid nabadiyo

Dalka weli shil kama dhicin

Shifo caafimaad iyo

Shukri mahad ah weeyaan

Shicirka iyo maansada

Ragga shaqalka erayada

Shibanaha ka yeedhshow

Shadka alifka diidiyo

Waxa keenay shaashada

Shicibkaa horseed ka ah

Shilalkay is geeyeen

Ayaa lagu shukulayaa

Iyagaa shalaaftiyo

Isu gooya shirixyada

Iyagaa shirqoolkiyo

Isku xidhaya shookiga

Iyagaa shacaabkiyo

Iska tuura shalawyda

Iyagaa shilka dhaca

Isku aadsha shiishkoo

Nacab sheela duxa wadan

Dhiigood u shubayoo

Iyagaa shax guurkiyo

Isu keena sharaf dhaca

Shuushkiyo warwerkiyo

Shaabuuga lala dhacay

Dib inay u shawraan

Ugu sheega gabayada

Iyagaa shacaabkiyo

Iska tuura shalawyda

Iyagaa shilka dhaca

Isku aadsha shiishkoo

Nacab sheela duxa wadan

Dhiigood u shubayoo

Iyagaa shax guurkiyo

Isu keena sharaf dhaca

Shuushkiyo warwerkiyo

Shaabuuga lala dhacay

Dib inay u shawraan

Ugu sheega gabayada

 

Abwaanad Layla Sagal Cali

 

Niman kiinan showree

Sheekaysanaayoow

Duni shaama reertaad

Shawakhaad la joogtaan

Shax nimaan aqoon oon

Kala shubin aduunkoon

Shacabkana jihaynayn

Miyuu shaahba helayaa

Waxa loo shushubayaa

Lagu kala shaqaystaa

Shuqul gaara weeyoo

Inbaa sheer wadaagtoo

Dabka shidi taqaanoo

Dalka shoolad baa taal

Lagu shiilo maatida

Hilbohooda shuukhana

Shilimaad la dhaafsado

Hal-abuur shantiiniyo

Shankalaa fayow oon

Wali shuuxu gaadhine

Taxliil sida sharaabkii

Intaan lagugu soo shubin

Shaashadaha istaagoo

Shiishkiina meel dheer

Ku shakaala weedhoo

Hiilka shacabka soo gala

Baaqaa shirwaynee

Laabsaalax sheegee

Batuun shaacinaayee

Burmad shamac u daaruu

Shocaacii ka qaadiyo

Curinteda shiin-lay

Yaan la iska sheeline

Cida shaadh cadaanniyo

Huwan sharaf dadkiisiyo

Shaadh madoow kuwii xidhan

Haka eegin sheedoo

Runta shaal ha saarine

Golayaal ka sheegoo

Shaaracyada balsoo tuba

Shaandho aan u qaadnoo

Ha wareego shuushkuye

 

Abdilahi Hasan Ganey

 

Wax la sheeli karayoo

La shareero Dhuxuloow (Duhul)

Shilku waa ka waynyee

Hal abuurkan shirayaa

Wax ma shaafin karayaan?

 

Halabuurkan shirayaa

Shicibkooda quustee

Laga shubay kalsoonida

Laga shiilay dhaqankii

Shilinkoodi laga cunay

ee sharafta laga dilay

Wax maw sheegi karayaan???

 

Gudcur bahal shanqadhayaa

Shaki galiyey beeshee

Halabuurkan shirayaa

Shamasadoo aroortiii

Nuurkeedu shaaciyo

Sida shamac ma nuuraan???

 

Abwaan Sulub Sh Maxmuud •

 

Xasanow shuruudiyo

Kala sheegan hadalkuye

Shaan dhee ujeedada

Adigoon wax sheelayn

 

shuqulkiyo shabaag taba

Haday shicibku moogyiin

Shaki kama aloosmeen

Sheekooyin kii dhacay

Shirabkiyo waxqabadkuna

shaan shaan intuu yahay

waasheed ka,daalaco

Hadalada shalaal ka ah

Shax shax iyo shirbuuq buuq

Waxma shaafiyaayee

Shaaracu ha,muuqdee

Shilisaa warkeenani

Tiifiigu wariyaa

 

Damiirkii shirqool baa

Shafka loogu xidhayoo

Ma,sharaysto shicibkii

Haduu shilinku maamulay

Shaxaad kaaba looshiray

Garashaduna waasheed

 

An shirabo ujeedada

Shiishkaygu daarane

Xasanow shaxdaa gabay

Adaa sooshirabayoo

shaaraca dhex keenaye

Ma,shaan dheeyay aniguna

Garashadii shiraaqnayd

 

 

Sakariye jaamac muuse

 

Hadalkiinu yuu shiikhin

Yaan shaadhka laga saarin

Yaaan shiishka laga weecin

Sheekadu halkay joogto

Shaxda yaan la wada fiirsan

Dadku yaanay wada shuuqsan

Cidkastaaba shaashaynin

Shinbiruu ka qayb qaadan

Marka aad shir doonayso

Kaligaa in aad shawrto

Shacabkoo dhan ha u sheegin

Shamac yaaan la wada daaran

Ha shukulin galay shiidan

Adoon shaandhadii haysan

Shiraaq laguma kala haadsho

Shaadh looma dhigo heeda

Shiidku yaanu kaaa gaaban

Shiishku yaanu kaa weecan

Adoo rabay shariim hoose

Dadka inad u wada sheegto

Sharka haysku soo leexin

Shubka sare ha soo duminin

Shini haysku kaa kicinin

Shalay malabki laga qaatay

Si laguula kala Shiilo

Abwaanadu u shaandhayso

Shiinku waa halkeer dhawe

Erayada shishaaa fiican

Dadka inaad wax ugu sheegto

Adigoo shar diidaaya

Adoo tuugo sheegaaya

Shilimaadki guranayaa

Sheekh ilaahay adigoo ah

Shacabkana u doodaaya

Hadaad shiishka garan waydo

Sharaxaadu kaa baydho

Adigaa shil gali doona

Shalaw buur ka odhan doona

Dadeed shib odhan doona

Shaxdu si ay u waynaato

Shaqalkuna u fiicnaado

Waar shiinkan naga daaya

Oo sheeko kale keena

 

 

Mustafe Xasan Cabdillahi

 

Dab lashiday kulay keen

Shax ladegay irmaandhal

Dayaxuna shinkiisii

Isagoon shucaac qabin

Shamsa noqoy nurkiisii

Shimbirkiyo ugaadhii

Shanqadh daaye waayadan

Shabagii sakaarada

Dalaq yidhi shabeelkii

Sharaf dhimatay waayeel

Shilin noqoy hankiisii

Shacabkuna damiirkii

Sharci noqoy wixii uu

Ka diddaayey shalayto

Aniguna shilkaa dhcay

Anfariir shantaa dhaban

Yaabkii ku shaanbee!

Shirkan ay abwaanadu

Shiinlay ka curiyeen

Ninba maankiis shiilyoo

Shookaanta maansada

Hadba meel ku shiishye

Waa su’aale sheekhow

Shakibaabay igalisee

Dowladnimo ma shaadhbaa?

Suudh iyo shaxaadbaa?

Danyaraha shiddeeyoo

Shaanshadooda loogba?

Wankii shilisba waayadan

Sheekhii bireeyee

Badhidiyo shariiryaha

Subagiisa shiilee

Haamaha ku shubaya

Ma siyaasi sheegbaa?

Waa maxay sharkani dhacay?

Ee shishe la eegayn!

 

Cabdi Aadan

 

duulka aan sharmooye

lagu sheegin kheyrke

wanka shilis shaley qaley.

cidna shilinka uga tegin

cirka gudhan shanta sano.

ka shaqeysanaya

ma shaydaan tahriibo

shixnadu sideenba?

ma shisheeye cadawo

dalka shaleyta yimido

shaaliyo khamiis la?

 

 

Raganimo Omar

 

Murtideeni shiilayd

Sharafteedu way nayd

Sharaxaada maansada

Sharka lagu cadayn jiray

Hadii lagu shaxaatamo

Shaadh madaxda loo xidho

Sheekh male warkeeduye

Abwaanadan shiraayoow

Shaacaba ka qadoo

Sharcigana ha dhaafina

Sheedaad ka aragtee

Sharaftana u meel daya

Shicibkana ha shashayn

Madaxdana ha shaaabadin

Sheeg sheegtay xumahee

Wanagana bal shaandheeya..

 

Siciid ibraahin Dool

 

Wali sheeko wa bilaw

shaxda jeexan ee dhigan

hawmalayn shantaradii

wa shiish abawaan sugay

wa shabag badwayn yaaal

wa ceel shan baac qodan

wana laba shub mansadu