“Siillaanyo Sharciga Dalka Maaha Waxna Kama Bedeli Karo, Muuse Biixi, Faysal Iyo Cirro Midna Dastuur Maaha…”Boqor Buurmadoow

(SL.Post) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa sheegay in arinta Doorashada aanay awood u lahayn inay ka hadlaan ama wax ka bedelaan  Madaxweynaha, Axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinku, waxaanu tilmaamay in Maxkamada sare ee Somaliland oo qudhi wax ka bedeli karto, marka loo eego sharci ahaan.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale ka hadlay Abaarta taagan iyo arrimo kale, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya abaaraha dalka ka jira islamarkaana baaqyo u diraya ganacsatada, muwaadiniinta iyo beesha caalamka uu yidhi  “Abaartu waa masiibo ILLAAHAY baana inaga saari kara, xaaladuna waxay gashay wakhtigii ugu adkaa, oo marxalad aad iyo aad u qadhaadh ayeynu ku jirnaa, oo dhammaanteen dhexda ayeynu ka xidhanahay, oo sidii dadka reer Somaliland wax loogu qaban lahaa ayaa lagu wada hawlan yahay, haddii aanu anagu nahay madax-dhaqameedkana si gaar ah ayaanu ugu sii hawlan nahay, marka dadka reer Somaliland ee qurbaha jooga, kuwa guddaha jooga iyo Ganacsataduna iyagoo waxba hagran, oo mar walba dhexda ka xidhan haddana waxaan leeyahay dadaalka halkaas ka sii wada, beesha caalamkana waxaanu leenahay xaalada maanta taagan waa xaalad xun ee waxaanu ka codsanaynaa in inta aanay ka sii darin in si deg deg ah wax uga qabtaan, oo dadka baahan ee dhibaataysan wax ha lala soo gaadho, ILLAAHAYNA waxaanu ka baryeynaa inuu abaarta inaga soo jabiyo”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko inay Doorashadu wakhtigeeda ku dhici karto madaama abaaro ba’ani jiraan, wuxuu ku jawaabay “Doorashada ma la gali karaa iyo lama gali karo waxa ka horeeya in dadka loo gurmado, oo inagu waxaynu ku jirnaa gurmad, oo waxaynu muhimada kowaad siinaynaa gurmadka, laakiin inagu waxaynu leenahay Dastuur, qaanuun baynu leenahay, waxa baynu dajisanay, markii ugu dambaysay Doorashada waxa wax ka badashay Maxkamada, Maxkamad baa la isla galay, Dastuurkeena Maxkamadaa ugu sareeysa oo go’aan Maxkamadeed baa dhacay, oo ku dhacay in Doorashada la qabto xilligaas, oo xukun Maxkamadeed baa dhacay, cidda qudha ee wax ka bedeli kartaa waa Maxkamada sare, Axmed Siillaanyo sharciga dalka maaha, waxna kama bedeli karo, Xisbiyada Qarankuna Muuse Biixi, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro midna Dastuur maaha, oo iyagu sharciga gacanta kuma hayaan, sharci baynu leenahay, ma bedeli karaan, arintaa Maxkamad baa xukuntay, Maxkamada ayaana wax ka bedeli karta, Komishankuna waxba kama bedeli karo, kordhin haddii ay tahayna Guurtida ayaa kordhin karta, marka waxaad mooda arimahan ay maalmahan ka shirayaan ee ay ka dhawaajiyeen in aanay xaq u lahayn inay kordhiyaan iyo inay wax ku daraan, Xisbiyada iyo Madaxweynuhu midna in aanu xaq u lahayn ayaan anigu u arkaa, waxa weeye in sharciga iyo qanuunka u hoggaansano oo Madaxweynena aanu ku xad gudbin oo Xisbiyo aanay ku xad gudbin”.

Mar uu ka hadlaayey khilaafkaadkii Xisbiyada ee ay dhammeeyeen ayaa yidhi “Hawshaasi arin masiibo ah ayey ahayd, caytan, aflagaado, yoon-yootan, colaad iyo xaalad abuur ayaa ka dhex jirtay Xisbiyad tiina wax baanu ka qabanay weyna nala qaateen, weyna ku mahadsan yihiin, waana ku hambaliyeynayaa, waxaana jecel nahay inay sidaas ku shaqeeyaan”.

Boqor Cismaan Buurmadaw oo la weydiiyay sida uu u arko in warbixintii uu xoghayaha guud ee Qaramada Midobay u gudbiyay golaha ammaanka lagu daro hadal uu saaafadda ugu hanjabay kal hore, Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi, wuxuu yidhi  “Aniga taasi ima muuqato anigu waxaan u arkaa inay Xukuumaddu u dul badan tahay Saxaafadda, Saxaafaddu waxay leedahay laba qaybood, waa Seef laba af leh, Saxaafadda waxa jira dad badan oo aan khibrad lahayn oo tababarnayn, dadka noocaas ah waxaan qabaa inay Xukuumaddu u dul badan tahay, Xukuumaddu wey ku hagaagsan tahay xoriyatul qawlka, maxaa yeelay maalin walba waxaynu aragnaa Madaxweynaha oo la caayayo, oo wax laga sheegayo, waxaana odhan karaa dalkeena waxa ka jirta Dimuqraadiyad taam ah iyo Saxaafad madax banaan, Ban Ki Moon marka uu sidaas u hadlayo xaaladeena hoos wax ugama hayo. Markaas  anigu waxaan qabaa inay Xukuumaddu u dul badan tahay Saxaafadda, hub ka dhigista loo jeedo anigu sidaan qabo waa in dadka khibrad lahayn ee qoriga saxaafadda ka dhigtay la jiheeyo, Saxaafadduna waa hub waana qori markaas in la jiheeyo hubkooda ayey  u baahan tahay, aniguna sidaan u arko sidaas weeye”

 

Somalilandpost.net