Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 23 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe (Gabagabo)

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.

Bal qabsoo Madaxwaynahaasi ma ahayn mid shicibku soo doorteen waa marxuun Cigaale (beelo ayaa soo doortay), baarlamaanka sidaa wax u wadayna waxa uu ahaa mid qabaliya oo intooda badani aqoon dugsiyeed aan lahayn. Ku darsoo saxaafad sidan wax u daba gashaana ma ay jirin.

Maanta oo intaa badalkeedii aynu hayno haday tahay habka doorasho, aqoonta xildhibaanada iyo warbaahinta oo aan la xakamay karin, ayaa dowladeenii ku dhiiranaysaa in aynu si yar u aqbalno wax ay naan rumaysnayn. taana waxa u sahlaya qaybsanaanta, laaluushka xad-dhaafka ah ee la caadaystay.

 

Wasiirka cusub ee Arimaha Dibada Maxamed Biixi waxa uu inoo shagey markii uu London kula kulmay Shirkadii Shidaalka in dhibaatada ay sheegteen ay aheyd waraaqo hanjabaad ah oo mucaaridka iyo qurbo joogo uqoreen ,bal ku yara noqo markii uu xilka lawareegayey waxa uu yidhi anuu lacag uma soo doonan ee inaan dalka ushaqeeyo Ayaan uga imi UN kii aan ka shaqeynaayey waynu ogney Qof iimaankiisu qalalanyey inaaney lacagi Qoynin oo waydinkaa arkaya in taajiriintu iyagoo haysta ubadkoodu waxay dhalaan kuway sii dhalaan wax kabadan in ay hadana wadaan in sii kordhiyaan oo waa qalbi ooman waxna uma tarto taasna ka rumaysanmayno iyo daacada oo isaga keen dhigay .

 

BARO Maxamed Biixi Yoonis (BIIXI SOO LUGO’AY)

 Akhriste waxaan  jecelahay inay ila wadaagaan inta muxaafidka ah ee xukuumada uheysata inay sax santey , waxanan leeyahay; Wallaalayaal waxaynu ku kala aragti duwan nahay Siyaasada  oo waxaynu kala raacsanahay shakhsiyaad  Qoraaga iyo Saxaafaduna waxay soo bandhigaan runta iyo wixii jira waxase hubaal ah in aynu mid ka nahay Jiritaanka iyo Gooni isu taaga Somaliland. Mar hadii ay sidaas tahay aynu ku ilaalino hadba cidii joogta inay ka turjunto mawqifka aynu ka midaysanahay. Reer Somalilanow idinka oo aan muxaafid iyo mucaarid u eegin bal maankiina la kaashada dhacdooyinkan idin hor yaala.     

  Hal waddan laba safaaradood kuma lahaan karo waddan. Somaaliya marki ay dib u so noolaatay ayay safaarad ka furatay south Sudan, south Africa iyo meelo kale dabeeto kuwii Somaliland waa la so xidhay waxaana soo xidhey madaxweyne Siilaanyo 2010 golihiisii wasiirada ee ugu horeeyey waxa uu la magacaabay Hal safiir waxaanu Albaabada usoo xidhay 12 safaaradood oo aynu badankooda ku laheyn Africa oo ay ka mid ahaayeen kuwa galbeedka Qaarada Africa.

Xafiiskii UNka ee Hargaysa boodhkiisii magucu ku yaalay waa laga badalay oo waxa lagu qoray Regional office.

Qaado ama ha qaadan, xafiiska hawada waxa laga maamulayaa Muqdisho, Ciilmoogana kama gaban inuu baarlamaankooda hor yimaado oo uu u sheego hawada Somaaliya inaanay gorgortan gali karin oo uu isagu maamulayo, ku darsoo teenu waxba kamay odhan markuu sidaa lahaa– miyayse wax ka odhan karaan waa wixii ay isku ogaayeen oo aan midh lagu darin e

 

Wasiirka macdanta ee Somaliya Cabdirisaq Cumar Maxamed, isaga oo bishan 10/2013 horaanteedii  ka hadlaya munaasabad lagu soo casumay kambaniyada betroolka oo ka dhacday magaalada London, ayaa waxa u dib ugu yeedhay dhamaan cambaniyadii batrolka ee ka howlgali jiray waddanka Somaaliya wakhtigii ka hooreeyay 1990. Isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay waxa u ugu yeedhay  Heshiisyada maamul goboleedyada. waxa u intaa ku daray in ay la so xidhiidho dowlada fadaraalka cidii ay dani ka hayso qoditaanka khayraadka dalka.

Somalia’s federal government, seeking to reassert control over the war-ravaged country, said oil exploration licenses issued by regional governments in the Somaliland and Puntland regions of country are invalid.

Genel Energy Plc (GENL)Africa Oil Corp. (AOI) and Ophir Energy have won licenses to search in Somalia’s semi-autonomous regions,

  “Any contract that was given or awarded by a federal member state is not valid,” National Resources Minister Abdirizak Omar Mohamed said today at a conference in London. Companies holding those licenses “should start negotiations with the federal government.”

 

Dowlada Somaliland jawaabo ka ma bixiso arrimaha noocan ah, ee waxay isku daydaa in ay shaki sii dhex dhigto shicibka masaakiinta ah waxanay eeda oo dhan saartaa mucaaridka ayaa ka dambeeyay shirkadii Genel inay waddanka ka baxdo. Waxaynu leenahay Kulmiye hortii  shacabka Ceel uma Qodnayn balse Cid baa u Maqnayd; Maanta Ceelna uma Qodna Cidina uma Maqna.

Halkan link kuuyaal faahfaahinta ka bogo

http://www.bloomberg.com/news/print/2013-10-07/somalia-s-federal-government-says-regional-oil-permits-invalid.html

Bal eegoo Biixi Soo lugo’ay muxuu ku falayaa waxaas oo beena ilayn Xukuumada uu ka tirsanyahey ayaa xilkeedii gabto oo shacbigana ku mada daalinaysa riwaayado Caanteyn ah waxaad arkeyseen mr,Biixi in uu safar maalmahan ugu dambeeyey ku joogey dalka Masar ma masar baa ogol Somaliland gooni isutaageeda waa taynu ogeyn oo geed dheer iyo midgaaban ba way ufuushaa inaan leyna citiraafine  markaa sow kuuguma filna inaad barato Biixi oo aad ogaato in uu siyaada Siilaanyo ee Qaranka lagu mijo xaabiyey la socdo waana waxyaabaa leynooga dhigaayo in Siyaasadii Arimaa Dibada nin khabiira la keenay .Khabiirkuna xaguu joogaa waaba kaa beenta sheegaayee .

Hadaba waxaan leeyey Shacbiga reer Somaliland Hadaanu nahay Saxaafadii,Qoraayadii, Siyaasiyiintii iyo qofkastoo jacel Jiritaanka qaranimada Somaliland haday qeylo dhaantey ,haday qalintahey iyo waxkastoo aanu soo bandhignay oo waliba aanu xataa Af shimbireed idinku darney waxaad ka door bideen in waxkastoo Siilaanyo iyo Xukuumadiisu wataan aad ka hadliwaydaan waana sidaas oo abada ah oo Madaxweyne kastoo yimaada waa in aan laga hadlin oo lagu ixtiraamo xeerna ay noqotey Sidan maanta oo kale oo aan laga hadal madaxweynaha imandoonaa hadii uu wato ( Xirsigiisa,Cumaanigiisa,Moorgankiisa iyo inta ay tani wadato oo kale ee boobaya hantida qaranka ee jabinaaya sharciga iyo cadaalada) waana mid aynu xukuumadan ka yeelnay kuwa dambena kuma qabsaneyno.

GABO GABDA

Waxaan leeyey Siilaanyo waanu kula garanay Siyaasada iyo aad rabto in aad markale isa soo sharaxdo waanu ka dharagsaney in aad rabto in sheekada Xisbiga  Kulmiye balse ay runtu tahey oo marka ay doorashada gaadho oo aad rabto in laguu kordhiyo oo aad kaga xooriso 3 sadex sano tana waa lagaa hayaa oo hal maalin ah laguugu darimaayo haddii aad Musharax tahayna iswaydii yaad Codka markale ka dooneysaa ma umadan aad ka deeday ee aad manfac iyo maal waxay lahaayeen Boobtay Baaqigiina ay shakhsiyaadku Musuqmaasuqeen waxaan ku odhanlahaa Siilaanyo haku soo lugu’ine maantana shaley hamoodin da’aan kugu dooraanaa kuuma hadhin waliba waxaanu Baarlamaanka dambe codka ku siinaynaa in ay dastuurka ku daraan maadaama 40 jir nin kayari madaxtinimo isku sharixikarin in 65jir nin ka waynina aanu madaxweyne isku sharixi Karin Sidaa darteed waxaa kuu banaan umada intaa barasho iyo been ugu filan ee  kaliya waa (GUURTIDA) Umana baahnid xiligan XIL ee XANAANO ayaad ubaahantey.

Gunaanadku waa gabaygii aynu qormooyinkeena ku bilaabijirnay sadexda sader ee ugu horeeya waana murtidii  Alle ha unaxariistee Abwaan Cabdi Iidaan

Deelleey dareenleey
Rag Alloow ma dooxaa
Ma dillaaciyaa nabar
Daboow duur galoo olol
Adiguna Digooy gubo
Danba maw idhaahdaa

Habartii docdeediyo
degelkay ku noolayd
Daruuruhu ku hooreen
dadka wada hel mooddoo
Daad-wararac bay tidhi
misna talada kuma darin
inu duud abaariyo
Degel lagu harraadiyo
Gobol lagu darleefiyo
darxumooyin muuqdaan
Dirqi-ku-nool u badan tahay
danyartiyo shaqaaluu
daasad garawa goyn karin
Inuu Duhur-Dalawgii
Debedaha u suudalay
dibjirkii ku maqan yahay
Waase Dumare yeelkeed

Dibigii Xareeddiyo
Dooxadu u buuxdee
Dinaahyeeyey ee ciyey
Isagiyo dibbiradii
Duuluulka Karantiyo
Dayrtiyo Jidhaamaha
Dareenkiisu kama foga
Lo’eey dabargo’aagii
Dabadheer abaartii
dariiqyada wadhnaantii
Dawyada tubnaantii
Dabadeed dhulka u dhow
Duunyada u tabar-daran
Dumar seben barwaaqa ah
Subag kaa dudduuciyo
Nacasbaan ku deynine
Kaa durug nin fiicani

Afartaa dheh deelley
Dadkaa lagu habaaraa
Ducona waa u dhawdahay
Alla Ku Doori waa maxay

Daad kor u socdaa jira
Durdur oomay baa jira
Dabar waashay baa jira
Dameeraaba Weyl dhalay
Sacab timo ma laga deyey
Duqdi nirigti kama gudhin
Isku dununuc reentee
Daawad Gorofka yaw culay
Suaashaasi dawga ah
Danyar cabashadeeda ah
Dulmanaha warkiisa ah
Kacaankana Dansheegiyo
Dawya u tilmaanka ah
Duqu yidhi abwaannada
Dareenkiina soo dhiga
Diqsi ururay baad tiin
Nin deggani ma odhan karo
Duuflaalse mooyaan
Dirxiguba dantiisuu
Qudhunka u dabbaashaa
Waxa taa la derejo ah
ninka soorta duufka ah
dadku nacay isagu cunay
dardarsaday Fandhaallada
Anigaa dushaydiyo
warma danana iyo seef
Dunjigayga lala dhacay
Doofaarka ficil li’i
Naar loogu daayimi
Horta maan dagaallamo
Duqa yidhi ma maqasheen

Dul-ka-muummin baa tahay
Uur-ka-Daallin baa tahay
Dibno Kacaana baa tahay
Isha bidixna kuu daban
Dalba-Juuqahaaguna
Wax la dedo ka xeel dheer
Allow yaa ku dooxoo
Haddana aan ku dilinoo
Waxaad damacsantee kale
Debedda ula soo baxa

Afartaa dheh Deelleey
Dabray oo ka jeedladay
waxan uga danlee yahay
Dadka reer Jaboutee
Dawladnimada tooda ah
Cidna aan iskaga darin
Waa deris walaalkaya
Dugsi weeye gacalnimo
Anigu waan ku diirsaday
Lama dira-diraalayn
Ha daardaarin waa gobe
Aniguna ma diidani
Dugaagbaa ku shiray meel
Daawana way lahaayeen
Hal dubaaxa buu helay
Waraabii dedaalkiyo
Duqa weyn isaga buri
Darribtii u wada dhigay
Waa kii Dawrigii Aar
Ku dellaley dharbaxada
Inuu dilose ma ahayn
Wuxu yidhi Dayooy hee
Adna Dogob qaroomee
Isku wada darsay tidhi
Wuxu yidhi Dayooy yaa
Daacadnimada kuu dhigay
Dacawadi waxay tidhi
isha Cali ninkii deyey
Digniin wawgu filan tahay
Dibna leef shariir hoo
Dufan jecel dheryaha kari
Diktoor beena sheegtiyo
Afarrey ku daahiyo
Mid Ammaana doontiyo
Dir-cunnooy ha kala tegin
Adiguna Dameeroow
Dawankaaga qaadoo
Higso faraska Doolaal
Dani seeto weeyee
Daba soco ma gaadhide

Haddii gabayadii Dura
Salfudaydka lagu daray
Degdegsiinyo weeyee
Mid ka daran ma sheegnaa
Darbanoow Astaadkii
Seyidkii Daraawiish
Kula diriray gaalada
Dar Allee habaarkii
Labaduu is daba dhigay
Dalka yidhi idiin tali
bal darmay ahaayeen
Anuu daaha kama rogin
dadkuse waa yaqaannaa

Dabbaal barad caruuriyo
Dhalinyaradu daashaye
kolka daan-cirrooliyo
Raga madaxu Deeb yahay
Dirirta isu soo hadho
Warku daaqsin geel tago
Ninba maaxdi haw dego

Mahadnaq

 

“Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ii fududeysay baahinta qormooyinkan la’aantoodna aanan dadka gaadheen waxaan kaloo umahadnaqayaa dhamaan Akhristayaashii Lasocdey Qormooyinkan mar labaad iyo mar sadexaadba waad mahadsantiin.

Qormooyinkan aynu ugu magacdarney(Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir) ayuunbaa dhamaadey balse waa inoo iyo qormooyin kale oo xiiso badan”

 

 

Liibaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DHAMAAD

 

 

GUUL ALLA