Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 21 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe

DEELEY DAREENLEY
RAG ALLOW MADOOXAA
MA DILAACIYAA NABAR
Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .
Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.
Madaxweyne Siilaanyo marka uu is yidhaa Shacbigii xukuumadiisan bilaa karaamada ah way soo fahmayaanba waxa uu bilaabaa sheeko cusub bal ufiirso oo si leysugu meeraysto oo wixii hore laysu waydiinwaayo waxa uu bilaabay markii Shirkii London iyo kuwii Turkigu bilaabmeen ee Shacbigu dhagta taagay Siyaad cusub oo ah tii Raha waxaynu sheeko caruureedii madaddaalada ku maqlijirnay oo laga sheekeynjirey marka rahu xiliga abaarta waxa uu soo raadsadaa amaah markaasuu kula balamaa cidii uu amaahda ka qaatey marka uu roobku da’o ee guga Ayaan bixindoonaa xiligii marka roobku da’o ee la ydhaa amaahdii iska keen waa tanoo nimcadii da’dee waxa uu bilaabaa sheeko ah Waaba Cidii Aad Miyir Qab ugu Timaadaan deedna Harooyinka iyo Baliyada ayuu iska gala umaba joojiyo mar alaala marka ay Abaartii gaadhana Amaahdii ayuu soo doontaa xiligiina waxa uu sheegaa inuu bixinaayo kaa amaahiyeyna Raha kama karo Rahuna Caadadiisa ma daayo. Dhawaanahanba waxa socdey Aroos wadareed bulshada oo dhan laga dhaxeysiiyey laguna ololeeyo sidii ay Arooskaa ugu soo wada bixilaheyd laguna mashquuliyo si aynaan dhaliilaheeda wakhti loogu helinba oo ay shacbigu u mashquulaan bal hada ka soo bilow xiligii aynu xisaabtanka dowlada ku bilaabi laheyn waxaa labilaabey barnaamijyo badan oo taxane ah bal hada eeg Sanadkan 2013 ee ugu dambeeyey waxa uu ahaa kii ugu horeeyey Aroos wadareedyada Qiimee Dadkaaga ,Shirkii Turkiga iyo guulihii mahadhooyinka ahaa ee ay dowladu sheegatey,Shirkii Emaaraatka,Diid madii qayaxneyd ee London,Shirkii mareykan,18 may ,Hctv ka rog oo hadana saar Pro Axmed Ismaciil Samatar ,Ciyaarii gobolada ,Magacaabistii Wasiirada ,Agaasimayaasha Arooskii noqonlahaa arooskii aroosyada ee la rabay in lagu soo xero galiyo ururkii la dulmey ee Xaqsoor oo maanta ah qofkastoo dulmana ahi halka uu ku tiirsado ayaa si been beena war saxaafadeed shirqooleysan loo qabtey kaas oo dadkii la yaab ku noqotey bal ufiirsoo midkastaa markuu sii dhamaanaayo ayaa ka kale la bilaabaa Aroos maxaa ugu dambeeyey kaa la soo galbinaayo oo ahaa Safarkii Turkiga ee lagu Balamaayey bishan 11/2013 ka dhicidoona ee lagu balamaayey
Hadaba aan dib ugu noqonee Qiimee dadkaaga waxaa laguu sheegey 100 kii qof oo hal qof soo qiimeeyey intan ayeynu mudo ku mashquulsaneyn waxaa inoogu xidhey shirkii Turkiga iyo Emaraatka oo aynu mudo kujirnay oo ay hadaladii ka mid ahaayeen sidii laba dowladood ayaanu uwada hadalney iyo meeqaam saraa nalagu qaabiley waxaa inoo xigey kii Engiriiska oo ay ina yidhaahdeen indha haanu ucaseyney iyo diidmo qayaxan iyadoo ina tidhi shirkaa inama khuseeyo oo Somaliya ayaa wax loogu ururinayaa (bal qabsoo shirkan hore Engiriis ayaa gudoo minaayee kii ka yaraa ee ay somaliya gudoomineysey oo uu ka soo dhex mudhey wasiir Hadhimo waa Dr. maxamed C/lahi) oo aynu mudo intaana aynu ku caweyneyney,waxaa inoogu xigey 18 may oo iyadu ah maalinta qaranimada balse ay dowladu dhex eridey ujeeda deedii Aroosyada, Arintii Hctv oo ay iyada xukuumad ahaan qabatey sidii la sheegey isla arooskaana ay xukuumadu kharashka bixisey waxaa maalintaa shaqadii dowlada ay madaxdu ubaajisey galbiska arooskaa misna Siilaanyo shahaada sharaf ayuu halkaa saxaafada kaga gatey oo aynu ogney halka ay saxaafada kala taaganyiin.
Waxaa taa inoo xigtey Pro Samatar waa sax arintani waa muwaadin reer Somaliland ah hadii uu soo guryo noqdey laakiin xafladan iyo lacagta intan leeg iyo diyaaradahan ma uqalmaa iyadoon laga heyn wax ka noqosha ah mabda iisii takaliya ee uu yidhaa waa intii uu xamarba ka odhanjirey ee aheyd Somaliland waxbey qabsatey kuna darsoo ilaa maalintaa dhowr wasiir ayaa agtaagan oo aan qaban shaqadii qaranka,Arintii Ciyaaraaha reeraha oo lagu xoojey tii Pro Samatar .
Markey soo gaba gaboobaayeen labadaa aroos ee samatar Ceerigaabo Gaadhey Ciyaariina Final marayaan ayaa la diyaariyey Arooskii aroosyada waa kii ururka Xaqsoore oo habeen kaa war saxaafadeed shirqooleysan lagu qabtey Guriga Madaxtooyada oo aad arkeysey dagdegii kujirey iyo iyadoon leynoo sheegin wax lagu heshiiyey, hadaba arintani miyaaney u eegeyn arintii raha ee yidhi wixii miyir qababa weydii maah maahdan waa lawada garanayaa ujeedkeeda oo ku noqonmeyno, Xirsi gabeygiisii waxa kujirtey
MARKEY XAAJO KALA DAADATEE
DACALA DHEERAATO
AMA AY DARUURAHA KORTEE
DAAFTA IMANWEYDO
WAXAAN AHEY NINKII LOO DIREE
SOO DHAWEYN KARA
Haddaba waxaan leeyey Xirsow wali diyaarad maad soo fadhiisin wax shimbirka weyn walaa Turki ayaanad guul ka keenin walaa SSC walaa xaqsoor ayaanad ka keeneyn,SSC ayaad tidhi waan keenayaa waxaa kuu soo fuqey Xaglo toosiye oo Suke ah (kaliya)Pro Samatar ayaad doonatey oo isaga iyo mabdi iisii ayaa isa sudhan oo aan kala hadhin oo kuu soo wada go ay, heshiisyo shirar caalami ayaad sheegatoo UN ayaad inakala goysey waxaa taa ugu dambeysey xirsow Xaqsooroo Sumuni ayaa kuu soo go’ay taasi waxay macneheedu tahey shimbir wax ka wayn wali maad fadhiisin . hadaba waa kan arooskii xaqsoor dhiciyee waxaanu sugeynay Arooskii xigay mabuu daahine waxaa inoogu magacaabis wasiirada oo aynu mudo dhex rafaneyney oo aynu rogrogeyney iyo hebelbaa la eryayaa ,hebelbaa halkaa lagaynayaa shacabkii Aroosyadii hore mabay xasuusane kolba arooska ugu dambeeya ayuunbaa leysla dhexqaadayaa Bal ufiirso oo waxaa inoogu xigay kii Agaasimayaasha oo ay inagu Cusbayd doorkan dhalinyaraa lagu darey iyo hambalyooyin ay soo abaabusheen ,
.
Waxaunu bal soo qaadan murtidii alle ha unaxariistee Cabdi Iidaan ee uu lahaa
MAR HADUU NIMAAN GARANAYO
IYO GACANBA NOOLAADEY
GUUL WADE NIN DEEQ YEEY
IN XAQSOOR GALISE MOOYAAN

29/09/2011 Ninkii uu lahaa Cali waran cadow Musuqmaasuqii aad gaeysateen umadu way idinku garatey anana waanu idin saamaxney laye waaba Wasiirka Arimaha Gudaa iyadoo aynaan aroos wadareedkan ka bixin ayaa hadan laba usbuuc ka dib Agaasimaal la isku badaley iyo qaar la eryey iyo qaar lamagacaabayba aynu arag markaasaa waliba layidhi koox ay soo samaysteen Madaxweynaa waanu ku hambalyeyneynaa Ninka dhalinyarada ah ee uu u magacaabay Agaasimaa W/Howlaa guud iyo Guryeynta . Anigu lafteydu waan ku taageersanay dhalinyadu inay xukuumada ka hesho saamigeeda balse arinkan waxaa watay shaqsiyaad uu ka mid yahey Wiilka Baashe Cawil iyo Khadar cali gaas oo kaligiiba may wadane waxa kaloo ay wateen Maareeye ku xigeenka SLNTV oo isna ahaa iska jeedinta bulshada oo laynooga dhigay in ay dhalinyardii wax uqabteen ku darsa oo waa maalmii ay dhalinyadu sida xad dhaafka ah uga soo Haajireen Somaliland.

liibaan

Lasoco………………………..