Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 19 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.

Bilowgii sanadkii 2012 ayaan fasax ku tagay caasimada jamuurida Somaliland ee Hargaysa waxaan aad ulayaabay wax  iga dhaadhiciwaayey runtii waa wax laga xumaado.Madaxweyne Siilaanyo waxa uu golaha ugu qudbadeeye in ay caafimaadkii xukuumadiisu kor uqaadeen balse waa layaab marka qudbad sidan loogu soo qorayo miyey dadka soo qoraa waalanyiin mise waa qudbad oo sanadba kuwa agjoogaa midi ku riyoodo bal adba. Faanka Xukuumada iyo qudbadii Siilaanyo waxa ka dhashay dhibaato aad ulayaable waxa dalka la keeney koox layidhi waa dhakhaatiir oo ay tiradoodu ahayd dhowr iyo laabatan waxaanay isugu jireen dhakhaatiir qaliin iyo qaarkaleba waxaana loo qeybiyey cusbitaalada dalka nimankan dhalashadoodu waxay ahayd Ruush miyaa leysweydiiyey waxa loo keenay sababta iyo dalka Ruushka waxa inaga soo galey ee nimankan inoo keeney waa maya.

Maalin maalmaa kamida Ayaa anoo la socda wiil aanu asxaabnahay lagala soo hadlay dhakhtarka waxaana loo sheegay nin ay jaar ahaayeen in loo baahanyey cid Dhiig ushubta runtii waayey ayuu yidhi waanan israacnay markii aanu dhakhtarkii tagnay ayaanu dultagnay ninkii deedna waxaan su’aalay sababta uu waxaanu iisheegay in la qaley oo dhiigu dhabarka kushubmo.

HALYEY YADII LAGU DHUGTAMAY

DHEECAANKOODA LA QUBEY

KUWII DHALANDHOOLKA IYO

DHAXANTA U ADKEYSANJIREY

DHUFEYSYADA CADOWGA IYO

MADHEERA RAGII UDHACEY

DHARAAR CAD KU WII BIRJEEX

SIDII DHIBIC UGU HABSADEY

DHULKAA QIIRADA IFAREY

XUSAASTAA TIDHI BAL DHUGO

DHADHAMI WAAYIHII DORAAD

WIXII DHACEY DIB UGU NOQO

**                                            ***

Ninkani waa ayo?. Hadii aan idiin faahfaahiyo ninkan waxaa layidhaa Muuse Xasan waa dhalinyaradii dalkan uga wadankan usoo halgantey ee naftooda uhurey iyo dhiigooda iyo dheecaankooda waxa Mujaahid Muuse Xasan uu talaabey sanadii 1982 Xiligaas oo uu ahaa ardaydii diiday kaligii taliyii Siyaad Bare waxaa ku dhexjira Jidhkiisa 7 xabadood(Rasaas) markii wadanka la soogaley waxa uu ahaa ragii quriga dhigay ee shicibkooda ka mid noqdey waayo hadafkii uu udagaalamaayey uu gaadhay waxa uu noqdey nin bariiskiisa isku daya inuu xoogsado ,waxa uu bilaabay inuu noqdo Wastaad ama kuwa guryaa dhisa ilaa wakhtigii 1991 ilaa 2011 waxa uu helaa waa nolol maalmeedkiisa waanu ku shugri naqaa maheysto amaba madheera wax uu dhakhtar kutagaa todobada cisho ee usbuuca kamida sadex maalmood marka uu shaqeeyo afarta kale awood uu ku shaqeeyo male waayo RASAASTA awgeed ayaanu ushaqeynkari 3 kamid ahi feedhaha ayey kagajiraan 4 kalena jidhka bal eegoo dadkii ama mujaahidiintii naftood hurayaasha ahaa ayaa manta dib dhib kale ula kulmay

 

Waxaa la keenay dalka Niman layidhi waa  Dhakhaatiir sanadii 2011 oo aan aheyn dhakhaatiir balse laga qaatey lacag si ay dadkeena ugu bartaan Qalinka waana kuwa qaley Mujaahid Muuse Xasan waxaana la sheegay inay Ruush ahaayeen xagee ayeynu iska soo galney ruushka ama kacaankiisii ,Markaan mujaahidkan lakulmay ee aan ogaadey arintan kama hadhin oo dabogal balaadhan ayaan kusameeyey  waxaanay ka qaleen Mujaahid Muuse Xasan Rasaas feedhaa dhexdooda kaga jirtay oo uu sheegay ta uu gacanta midig ka dhaqaajinla’yey inaytahay waxaana dhacday in ay xidid Halbowle ah jaraan oo ay joojinkariwaayeen dhiiga ilaa aan utagay kii qalin maalin maalmaa kamida oo aan idhi waa maxay sababta uu dhiigu ujoogsanwaayey waxaanu yidhi waxaa lagu joojinkaraa KINIIN .Xagaynu ku aragnay kiniin wax joojinaaya waa aqoondarada dhakhaatiirtaa waxaanu aakhirkii ninkaasi intaan la saaxiibay iisheegay in ay dalka u yimaadeen inay Tabobar ku qaataan oo jaamacadoodu soo dirtid waxaana aan kayaaboo uu iigu sii darey markaan waydiiyey maxaad dalkiina ugu qaadan waydiin in ay fursad uwaayeen xataa maydka Ruushka in ay ku tabo-bartaan,bal ufiirso oo dowladii aynu dooranayna dadkeedii ayey tidhi ku barta oo jaamacadiina ku qaata kaaga siidarane Kuwii nabadan iyo calankan aynu hoosjoogno inoo dhaliyey ,miyeynaan ina damqaneyn  Mujaahid Muuse Xasan DHIIGA waa lagu shubaa waxaanu ka baxaa xididka furan waxa uu dhabarkiisu noqdey  sidii Qof xambaarsan qofkale oo halkaas ayuu dhiigii galayaa waxa uu kuqabay dhib oo cuncun waxaan isku dayey inaan utago dhakhaatiirta Hargaysa ee qaliinka waxba magacaabimaayee waad ogtiin midkastaa in uu xataa Qof dhimanaaya ilaa ladul dhigo lacag aanu dawayn ,xukuumadii Siilaanyana waataa iyadu lacagta qaadaneysa ee dadkeedii nolosha ku iibisay dan kamalaha kani waa Mujaahid Muuse Xasan oo kaliya ee qaarkaloo badan ayaa Iyana jira oo intaa iyo inkabadanba qaba.

HADAAN DHEEL DHEELIYOO

DHABARKA IYO SEEDIHIYO

DHANTAAL BEENA AWOODYIHIIN

CALANKAAD DHIDIBTEEN HADEER

RAGII DHALIYAAN AHAA

NAFTANA UDHIGAAN AHAA

DHAMACDA UMARAAN AHAA

DHUUNIGA NACEYBAAN AHAA

DHADHAMI WAAYIHII DORAAD

WIXII DHACEY DIB UGU NOQO (Erayadii Cali Seenyo)

**                                             **

Bal ufiirsa oo waxa iyana layaable  10/2013 horaanteedii Masuuliyin ka Tirsan Xukumada Oo Uu Hogaminayay Wasiirka Madaxtoyada Xirsi Cali isla markaasna ay Xubno ka Yihiin Wasiirka Cafimadka Dr: Saleban Xagl-Toosiye.Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir ayaa Bixitankii Hayadaasi ka dib mar ay Booqasho ku Yimadeen Cisbitalkaasi waxay shegeen inay Xukumada Kafayn-doonto Dhamaanba Adeegyadii ay Qaban jirtay Haayada MSF isla markaasna adeegyadii ay Hayadaasi Hore Bilaa Lacagta uga Dhigtay ay ahaan-donaan kuwo bilaash ah.MSF la-aantiina Uu Dhakhtarku sii Socon-doono.
Balanqadyadaasi ay shaciyeen Masuliyintaasi ka tirsan Xukumada ayaa iyagu noqday hal bacaad lagu lisay isla markaasna waxay Masuliyinta Cisbitalkaasi ay wakhtigani ka dhigeen dhamaanba adeegyadii kuwo lacag ah. isla markaasna dadka danyarta ee la soo dhigo Dhakhtarkaasi la waydiiyo kharash aanay qaadi karayn iyadoo aanay hore uga baran Cisbitalka waxaa la yaable ” Xukumadii Madaxwayne Riyaale Waxay ka Xishotay Inay Lacag ka Qaado Waadhka Caruurta.Maantana Xukumada Silanyo Lacag ayay ku Soo Rogtay.Waa Guul-Daro Ummada Usoo Hoyatay “.Mee caafimaadkii uu ku qudbadeynaayey ma inuu Shacbiga qaarna laga iibiyo gaalo ku Tabobarataa qaarna sidaa loogalo intaa ayaa inoogu filan Caafimaadka inaynu ku qaadano tusaale .

 

Waxa uu ku qudbadeeyey ama Ololihii ku galey ama Shacbiga ubalan qaaday inuu Mujaahidiintii naafada SNM iyo Hooyooyinkii iyo Agoontoodii ay Xukuumadiisu daryeelidoonto waad arkeysaan naafidii iyo Mujaahidiintii Waxaa soo hadhay Hooyooyinkii iyo Agoomii ay ka tageen waxa ay uyimaadeen sanad markuu dalka Siilaanyo ka madaxweyne ahaa iyagoo baahan waxaa kamid ahaa Xaasaskii mujaahidiintii Maxamed Cali,Jiibabaa Iman iyo qaarkale oo badan waa uu lahadliwaayey way iska noqdeen markii uu uu hadana haystay Sadexsono dhawaan ayaey uyimaadeen iskadaa inuu waxtaree waxaabuu ugu darey inuu Xabsiga utaxaabo .Miyaanay aheyn dadkii dalkan iyaga iyo inta kaleba ay u agoomoobeen wadanka miyaanay aheyn kuwii shaley codka siiyey miyaanay ahayn kuwii intaa Samraayey ma Agoomihii SNM ayuu uquudhay inuu Xabsiga utaxaabo Siilaanyo Sidaa ku garo shaleyna dhibtan midka badan ayuu mujaahidiinta ku hayey maalintuu ku biiray ilaa uu yidhi Isdhiiba Ragii ka diidayna waa ay noolyiin waxaa taaba ka sii daran Agoontii uu shaley Xidhay ee uu Xabsiga utaxaabay intuu Burco ugu tagay ayaa layidhi wuu idiin Cadhoonayaa waa yaab iyo amakaage intuu dhaafey ayuu tagay Xabaalihii Mujaahidiinta SNM oo uu Soo booqdey muxuu ukordhinyaa iyagu manta ALLAHOOD ayey agjoogaan xaqbaanay ku dhinteen ee maxaa udiiday inuu Agoomaha siwanaagsan ula hadlo oo uu daryeelo ilayn baahi ayaa ukeentee

SOMALILAND INAY XOROWDO

DHIBTA IYO KEYMAA UJOOGEEN

IYAGOON GAADHIN SAMIHII

SOCDAALKII KU GEERIYOODEY

INUU RAABI SALAAMAD YEELO

KA SAAMAXO JIDKII SIRAADKA

SU’AASHII LAGUMARAAYEY

FARDOWSA ABAAL USIIYO

JANADII SAHAL LAGU GEEYO

DUCAYNU SADBUGA DHIGAYNAA

INTAYNU SACABAD HOOS DHIGANO

CODKEENANA SARE UQAADNO

ILLAAHEY ILAAHEY AYNU UWADA SUJUUDNO

HALGANKII SARANSEER MA NOQONIN

MANUU SOOFDARAN HABAABIN

SIRAADKII LAMA BAKHTIINI

SIDIINA LEYDINKUMA ILAAWIN.(Erayadii Khadar Maxamed Yaasiin)

liibaan

 

 

Lasoco……………………………