Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 18 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe‏

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.

Mas’uul sameeya cadaalad ama inuu shaqaalaha uu maamulo sida xataa ugu dhow ugu dadaalo inuu ku maamulo waa nin garanaaya xalaasha, xaraanta, diinta islaamka, waajibaadka iyo waxa loo igmadey bal wasaaradii warfaafinta waxa ku habsadey wax aan la filayn oo xataa ah wax laga xishoodo oo ah wiil  uu madaxweynuhu usoo diro wasaarada oo ah jiri,dhuqurjaa ama dhaqankoodii hore ahaa niman aan uba tirsaneyn dadkooda iyo goobta ay joogaan ,imikana waa ba masuuliyiin.

Yaynaan sii fogaane aynu usoo noqono taxanehiinii iyo musuq maasuqa hadheeyey wasaaradii warfaafinta iyo wacyigalinta oon odhanlahaa madaxweynaha hadii aad madaxweyne dooneyso meel aad dad gaara ku xanaaneyso wasaarad cusub oo aad miisaaniyadna usameyso si ay wasaaradaa kale unabadgalaan samee ilay Baarlamaankii waa kuwan noqdey qaar shilimaad qaata oo wax walba qalinka ku duugee oo uu madaxweyne kastoo yimaadaa reerkiisa iyo inta ay ku shaqeysataan lagu guneeyo oo layidhaa (Wasaarada xanaaneynta iyo xigaalka madaxweynaa) .

Agaasimaha guud iyo Agaasimaha farsamada ee wasaarada warfafinta ayaa waxa ay ku talaab sadeen wax yaabo baabiiyey shaqadii wasaaradaa ka socotey iyagoo isticmaalay in ay isku diraan dadka ka shaqeeya wasaaradaa ee walaalaha ah kaas oo ay isku dhufanayeaan modooyinka u danbeeyey iyagoo soo galiyey qabyaalad aad u xun oo aan loo dul qaadan karin taasoo shaqadii wasaarada ka dhigtey mid la kala baqo sidii Siyaad bare ay dadkiisii ay u talin jireen markii uu dalka haystey waxaana ku cad in uu agaasimaha farsamada uu ku talaabsadey wax yaabo aad u xun taasoo uu la og yahay agaasimaha guud iyo Maareeyaha SLNTV .

Waa dameer iyo labadiisii daane Maareeyaha SLNTV waxa uu soorogay lacag dhan 150$(boqol iyo konton dollar) oo aanay baarlamaankuna ansaxin khasnad dawladeedna ku dhicin una xisaab sanayn dawlada oo uu khasab kaga dhigay inay wariyeyaahsu soo ururiyaan oo ay kasoo qaadaan adaka . Ma danyartaa la dhacayaa mise wariyayaashu way baadhasho tagayaan oo ganacsatada ayey dhacayaan qofkastaa jawaabteeda isagaa heysta taa macno iigama baahnidin si kastaba ha ahaatee waxaa la hirgaliyey 150$ (boqol iyo kontankaa dollar) waxaanay jeebadiisa ku dhacaan maareeyaha Khadar Cali Gaas .

Musuq maasuqan uu bilaabey miyaanu aheyn kii uu shaley nin aan waxba geysan ku wanjalaayey ee uu madaxtooyada ka dhex ooyey waxa la cunaa miisaaniyadii ka dibna odhadka loo soo direy wasaarada oo aan cid is hiifta wax qabyaalad ku dhaqma ama is xulufeysi ka jirin isagu miyaanu ka sii darneyn markuu yidhi dadkii shacbiga ahaa ee tvgu inuu u adeego loogu talo galey inuu yidhaa halaga soo qaado 150$ .

Taasi waxaa ka sii daran Qolka yar ee aan waxaba lagu qaban ee sidii Qol nasasho loo soo nasasho tagee leydin yidhi Studio ayaa London ka furan isna hadii jaaliyada reer Somaliland ubaahato in ay xataa iska daa wax kaloo ay sameeyaan in meel ama wado ama goob la dhisaayo wax u ururiyaan waxa la weydiiyaa waxaa loo duubaayo Kharash dhan( 700 pound) una dhigata $1000 (kun doolar)oo qasab lagaga dhigey markaa bal eeg cid maanta u yeedhataa ma jirto oo qofkastaa waxa uu ku odhanayaa miyaanu waalaney haday lacagtaa xadigaa leeg noo tahey waxaanu geysaneynaa Tvyada la daawado.Bal iswaydiiya meeday miisaaniyada lagu qaataa qolalkan waa yaab!.Miisaaniyadii loo qorey sanadkan waa 17 bilyan ,hadiiba aynu soo qaadno tii ka horeysey 15 bilyan meel ay martay iyo wax lagu bixiyey miyaa cidi iswaydiisey shaqaalahu meelkastaba hajoogaane inyar oo basaasiin ah mooyee xataa mushahar caadi ah ma helaan sanadka dhan 15 bilyan ma isticmaalaan xataa 2 bilyan .Xagee ayey martey waa lacagaa loo baahanyey in leyswaydiiyo.

Hadda sanadkii hore waxaa wasaarada ku dhacay wixii ugu xumaa oo ahaa musuqmaasuq iyo kala fogeynta shaqaalaa waxaa jirta in shaqaalaa qaar manta musha har badan ku qaataan basaasnimo iyagoon waxba qaban waliba lacag xad dhaafa qaar shaqada hayaana aanay waxba ukordhin waxaana sanadkan ay ku heshiiyiin nimankii madaxtooyada laga soo dirijirey inay musuqmaasuqaan miisaaniyda wasaarada hawgu horeeyaan wasiir Cakuse iyo Khadar Gaas.Sida xaqiiqda ahna Khadar Cali Gaas sanadkaa uu ahaa maareeyaa tvga waxa uu musuqmaasuq hanti uu qaranku leeyey oo ay cadeyn utahay Guri uu dhawaan ka iibsadey magaalada London ee cariga Engiriiska gurigaas oo qiimihiisu yahay (328,000 poun) waa lacag udhiganta $510,000 miyaanay ahayn musuq maasuqii ugu waynaa .Hadda wasaaradii warfaafinta waa ay udhamaatay maadaama uu wasiir ka yahay mr. Cakuse way dhimatay balse waxaa lays waydiinayaa xabaalihii lagu aasi lahaa oo aan wali laysku afgaran waxaanay lamid tahay((Jigjigaay meydkaaga sido).

Intaa haddii aynu kaga guubno wasaarada warxumo tashiilka usoo noqo wasaarada caafimaadka waxa uu madaxweyne siilaanyo golaha ugu qudbadeeyey in ay caafimaadkii wax ka badaleen oo ay kor uqaadeen ,maxaa labadaley ma faa ido mise dhib .

Liibaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lasoco………………………….