Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 15a aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe‏

Deeley Dareenley

Rag Allow Madooxaa

Ma Dilaaciyaa Nabar

 ‘Waa markhaati Ma doon iyo Muran-reeb, waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno, waa manfac aynu leenay haddana aynu moog nahey, ee bal aan miidda iyo Micnaha u daadego…

Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.

 

Si aanu ula dagaalano musuqmaasuqa waxaanu khasnada dhexe ee dowlada ku shubnay dhamaan dakhligii ilaha dhaqaalaha oo ay ka midyihiin Maxsharka, Haamaha shidaalka, Kirooyinka bakhaarada, Madaarada, Warfaafinta, Xanaanada xoolaha, iyo kii Dekada Berbera.Xukuumadayadu waxay xoog saaridoontaa sidii ay wax ugu qaban laheyd Mujaahidiintii SNM iyo agoomihii ay ka tageen waxaanu sanadkan hirgalinaynaa isku xidhka isgaadhsiinta kala qoqoban ee Somaliland iyo waxyaabo badan uu sanadkaa labaad inuu qabanaayo balanqaadey.

Aynu ugu horeyno Wasaarada warfaafinta ilaa hada waad ogtihiin waxa ka socda ilaa maalintii  la keeney maamulka cusub waa  markii ay imaadeenba shaqaalihii masaakiinta ahaa la dhexgaley wax yaabo aan lafileyn oo isugu jira hanjabaad iyo cago jugleyn miyaaney horta isba weydiin shaqaalahani waa warfaafin ee xisbigii udub maaha ee waa shaqaale waxaa la yaab ah dhaqanka ay la yimaadeen madaxdaa cusubi oo bishii 10/2011 bilaabey waxyaabihii uu Siilaanyo qudbadiisa ku soo qaatey waxaaney sameeyeen wax ay ku tilmaameen Imtixaan balse aheyd halkii laga bilaabey mixnadii bulshada iyo soo nooleyntii qabyaalada waxaa dhacdey in shaqaaluhu ufadhiistaan imtixaankaas balse lagu jeedinaayey indhaha shacbi weynaha reer Somaliland waxaana la qaatey intii ay doonayeen oo ay ku xusheen qabyaalad iyo nin nin lagaga baqaayo , mid suldaan lagaga leexanaayo  iyo mid qoyska talada haya lagaga leexanaayo waxa uu ahaa halkii ay ka bilaabantey cadaaladdarada hada socota.

HALKEE LAGA SOO GALAY WASAARADDA WARFAAFINTA? GOORMAA SE MUSUQMAASUQA REGAADIYEY LA KOWSADAY?

Waxay ku balan qaadeen in ay Idaacad dalka wada gaadha keenaan waxa loogu lacag sameynaayey wiilal yaryar oo ka soo jeeda madaxtooyada waxa lagu bixiyey idaacadaa 2 milyan oo dolar manay aheyn qiimaha idaacadu intaa ee waxay aheyd  $600,000 dolar waxaa lagu lunsadey 1.4 milyan dolar maxaa leysku waydiin waayey laba nin ayaana lunsadey oo kala ah (Mijir Qaadi iyo Axmed salebaan wayne) ku darso oo mr.Mijir waxa uu ahaa ninkii markii uu siilaanyo SNM ka ahaa gudoomiyaa u ahaa Xirsigii xiligaa mee musuqmaasuqii uu sheegey inaanay xukuumadiisu ku dhaqmeyn waxba kama jiraan ayaad arkeysaa Akhriste bal aynu yara jaleecno waxa wasaarada warfaafinta ka bilaabmay oo lamida wax yaabihii uu ka gabyey Ismaciil mire murtidiisii oo soo laba kacleysey oo ay lamaida tii ka dhacdey wasaarada warfaafinta waxaanu yidhi:

Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne

Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay

Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye

Kashib dhaha Adoomahoow naftii kii ladnaa gadaye.

Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne

Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay

Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye

Kashib dhaha Adoomahoow naftii kii ladnaa gadaye.

 

Waxa la keeney Idaacad waxaana ka Eng. ahaa niman ka soo jeeda dalka Chana waa ninmankii oo idaacad iskaraab ah oo ururis ah laga soo iibiyey waxaana xadhiga ka jarey mr.Siilaanyo  Lix bilood iyo lix iyo toban cisho ayaa laga joogay xiligii xadhiga uu madaxweynuhu ka jarey idaacadii aheyd 100 kw ee la sheegey in dunida ay gaadheyso waxaana ay idaacadii cusbayd si toos uga baxdey hawada waxaa dhacedey in wax hagaajiya lawaayey ileyn waa idaacad ururisee  . Taasi waa mid seegtey madaxwaynahu iyo dadkan uu xigaal ahaan ama reer ahaan meesha ukeeney amaba magaca mujaahid ee kulmiye ee qaar lagu shaqo siiyey aflagaado walow ay kaba mid ahaayeen magac ku ciyaarka mujaahidiinta madaxweynuhu uu abaal gud ku gudoonsiiyey markii ay soo qabteen inay maalin iyo habeen caayaan marwadii sharafta inaga mud neyd ee marwo Huda barkhad aadan oo aheyd xaaskii madaxweynihii sadexaad ee soomaaliland Daahir Riyaale oo darajada ceydii uu caayey lagu darajo siiyey iyadoo waliba waalid u aheyd . Aniga iyo inta ila midka ahba marwooyinkii hore iyo marwadan iyo marwo kastoo timaadaa waxay naga mudan tahey milgo iyo maa muus ay nagu ladeey waxba ku fogaan mayno idaacada waayo maanta ayey ugu aayo xuntey oo wasiirka hormoodka u ahi aanu garaneynba shaqadiisii oo taasi oo aan kuugu cadeynaayo  ayaa wasiir C/laahi Cakuse oo markii uu madaxweynu keeney noqotey wasaarad sakaaraadtul mowdkii hayo oo ay naftu ku wareegeyso markii uu keeney kii nafta ka jirilahaa 07/09/2013 ayaa idaacadu markii sadexaad hawada caalamka si toosa uga baxdey ninkii loo soo direyna maba oga shaqadiisii ee isagu waxa uu ku mashquulsanyey inuu hebelo mucaarida u jawaabo  waa yaab takasii darani waxay aheyd iyadoo ay Sagaal caano maal Idaacadii hawada ka maqantey ayuu ka hadley kahadlaayey Madaarkii ay diyaarada Ethopia Airline oo uu joogo wasiirkii duulista ee ka jawaabi lahaa waana aqoondaro iyo nasiib daradda ku habsatey wasaaradaas warfaafinta oo hada iyana isu bedeshey (wasaarada warxumo faafiska iyo kala tashiilka bulshada).

Akhriste 25/08/2011 waxaa hawada yurub soo galey SLNTV xiligaas oo aan ahaalabadii  shaqsi ee  ugu horeeyey ee ka shaqeeya ama barnaamij ka sameeya tvga  ugana tagay Tvga caalamiga ah ee Somalichannel  oo aan ka howl galaayey mudadii 2009 ilaa 2011 taasi oo ay ugu khasbeen Agaasimihii guud ee xiligaa wasaarada ee Feysal cali sheekh iyo agaasimii tvga Slntv Axmed Dhuxul iyo shaqaalihii aanu soo wada bilowney tvga SLNTV sanadii 2005 runtii ninka labaad ee ila howl galijireyna waxa uu ahaa Ibraahin Sacad oo ahaa agaasimii farsamada ee ugu horeeyey tvga qaranka oo uga imanjirey caawinta tvga magaalada Bristol waxaanu maadaama aanu shaqaale aheyn inaanu ku bilowno shaqada qalab iyo studio aanu tvga qaranku laheyn oo aanu ku helney howlaha iyo khibradayada balse waxaa noo yimi Agaasimii guud waxaanu bilaabey waxaa nala howl galaayey 8 qof oo kale oo intuba ku shaqeynaayey mutadawacnimo balse waxaan anuu ka tagey markii aan arkey qalqalooca ay xukuumadani wado waxaanan gartey inay meeshaas ceeb wayni ka soo socoto markii aan arkey wiilka uu Sodoga u yahey siilaanyo Baashe cawil oo uhanjabaaya wasiiradii iyo agaasimayaashii uu xilka udhiibtey madaxweynu oo dulisaaranyey kana baqaaya ayaan go’aan goostey inaan Feysal Cali sheekh ku idhaa Madaxii barnaamijyada ee aad ii magacowdey cidii aad dooneyso umagacow runtii isagoo ka xun tagidaa maadaama aan ahaa ninkii suura galiyey bilowga Tvga ee waliba warkii ugu horeeyey London ka akhriyey 30/08/2011 waa shan cisho uun kadib markuu hawada yurub soo galaye balse waxaan arkey cadaadiska saaran oo isagiisii loo hanjabaayo wixii aan qabteyna uma qaban xil ama lacag inaan helo ee Qaranka ayaan uqabtey oo xaq igule iyo dhamaanba ninkastoo ay maalintan oo kale la soo gudboonaato.

Tvga SLNTV hawada yurub markuu soo galey waxa laga bixiyey ama hawada miisaanida looga jarey bilkasta hawada yurub oo dowlada laga qaadaa ilaa hada 3MB(Megabayt) Hotbird  lacagteeduna dhantey 24,000 lacagta euro (yuurada ah)  waxaanu kasoo galaayey Frq:11566v oo aaney cidi la wadaagin mudo yar oo 4 bilood kadib ah  waxaa laga dhigey 0.8 MB  oo lactiisu dhantey 11,000 euro waxaa sanadkii markaa dowlada laga qaadaa lacag dhan 288,000 una dhiganta ………..

 

libaan

 

Lasoco…………..