Siilaanyo: “Weliba Sh. Samaale Aad Iigu Salaan Alla Muxuu Ninkaasi I Amaanay” Xirsi: “Laakiin Madaxweyne Beeshu Ma Muuse Biixi Oo Keliyaa……

 

 

 

Xirsi:      Kii Maxamuud Xaashi  baa i soo wacaye in yar i suga,  hallow, Salaamu calaykum.

Maxamuud Xaashii:  Xirsi waa walaal waa Maxamuud Xaashiye, odaygii baa raba inuu kula hadlo ee ma cidbaa kula joogta.

Xirsi:  Dibadaan  ula baxaye soo daa!.

Axmed Silaanyo:    Xirsiyow, anagu waa fiicanahay dawladiina waad maqashey in jagooyinkii aad iska casisheen la buuxiyay, laakiin aniga waxba imaad hanbayn abaal iyo toliimo midna maad eegin, waanan kugu tacab khasaaray ee sidaa ogow.

Xirsi:      Adeer waan ogay inaan la waayaynin cid kuraasida buuxisa  oo dadku waa kuwii Madaxtooyada hor tubnaa, aniguna abaal iyo toliimaba waan gaaranaya, abaalkaagiina waan guday oo intii aan kula joogayba waan shaqaynayay adigaana ka markhaatiya inaan shaqo badan qaban jiray, oo aan meel walba dhegta ilalin jiray, xumaan iiga kaa imanaysaa ma jirto mana ogoli cid ku xumaysa never ever.

Axmed Silaanyo:              Hadii aad abaal iyo tolliimo garanayso Xirsow maad raacdeen rag doonaya inay aniga i fashiliyaan, waxaanad iga yeeli lahayd wixii raga kale ee tolkeena ahi iga yeelan ee aan ku taliyay anigoo odaygiina ah.

Xirsi:      Adeer Mudane Madaxweyne, ma raacin rag ku fashilnayay, waxaan raacay ragii kula soo shaqeeyay ee daacada ku ahaa, waxaan diiday inaan raaco kuwii intaad xilka haysaba doonayay inay ku fashiliyaan. Taa aad tidhi rag tolka ah baa iga yeelayna waxaan ka leeyay, anigu waan fahmi  karaa anigaa sharaxan eemar labaad ila shaqeeya oo i taageera, laakiin Hebel la shaqeeya adeer taas Mustaqbal siyaasadeed ayaan leeyahay, halka aan adiga dabadaa marayo iyo cidda aan la shaqaynayana anigaa xaq u leh inaan go`aamiyo. Tolkaa ku yeelayna laga yaabee inaan anigu ka saxsanaa.!!!!!

Axmed Silaanyo:              Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga sidaad ogtahay waqtiigiisii buu dhacayaa, ma kula tahay inaad ragaa kala jebiso oo aad qaarkiin shirkaa ka soo qeyb gashaan si loo badbaadiyo karaamada Xisbiga.

Xirsi:      Adeer Mudane Madaxweyne, anigu rag muwaadiniin ah oo xaq u leh inay tartamaan oo  aan cadow ahayn ma soo kala jabin karo, mana haboona in arinta meel xun laga galo, aniga waxay ila tahay in shirka si cadaalada loo maamulo, oo qoladan Askarta ah ee Xisbigii Afduubtay aad ku qanciso inay arinta ka daayaan jujuubka iyo khasabka. Waxba adeer labadeena inooma kala qarsoona waad ogtahay inta  goor ee Muse Bixii kugu haddiday ama kugu dirqiyay inaad siduu doonayo u yeesho, arintiina waxay kaa timid adigoo nin weyna oo is yidhi ninkaa iskaga reeb waxa uu doonayo. Laakiin dadku adigoo miidhan ma aha rag baa jira damac iyo han siyaasadeed leh oo aan yeelaynin inuu Muse Biixi indhaha faraha ka geliyo.

Ahmed Silaanyo:              Xirsow maxaad sidaa u odhanaysa sow ma ogid in beesha Muse Bihi codka i siisay oo ragani abaal inagu leeyhiin, ma waxaad doonaysaa in beesheenu noqoto qaar aan abaalka celin?.

Xirsi:      Mudane M/Weyne, laakiin beeshasi ma Muse Biixi oo keliyaa, kuwan aan anigu raacay ee sida fiican kuula soo shaqaynayay miyaanay Beesha ahayn.. Hadii beel beel la eegayo inaga beesheenu xaq uma laha iney go`aamiso cida hogaanka qabanaysa ee Beeshaas lafteeda ayay u taalaa inay Sidii aynu Garadag u tagnay oo kale u tagaan Agabar ama Gabiley oo nin isku soo raacaan. teeda kale Beesha Kijaandhe lafteedu abaal weyn oo fog fog oo fogaan dhaafay ayay inagu leeyihiin, weliba labada beelood tan Muse biixi ayaad dawladnimada ka dhergisay ee Beesha Kijaandhe kuwa kale ee aad qadisay ayey la kal tirsaneyeen. Calaashan Parkingka ayaad ku ilowday.

Ahmed Silaanyo:              haa,  way jirtaa in beesha Kijaandhe abaal inagu lahayd oo waatii Gabaygii Dhako ee guusheena ay ku  jirtay (Arabkii guntaday iyo ma Ayuub Galbeedbaa)  ee waxan oo abaala ayaa garanaaya oo ka dhamaanaya, mida kale maxaa calancastan ilaa Qaaxo igu maray, weliba intii kale oo dhan waa kii Ina Cigaal rawaxiyey ee Labadan iyo Jamac Shabeel yaa igu soo reebay.  Waar dhiiga ha igu kicin anigu waaban gaboobay ee dalka sidaad doontaan ugu taliya.

Xirsi        Adeer, miyaan kulaba rabay inuu dhiigu kugu kaco, waxaan doonayay inaad tidhaa Muse Biixow waa lagula tartamayaaye lambarkaaga xejiso, wixii aad cadaalad ku hesho ayaad leedahaye.

Ahmed Silaanyo               : Waar nabad gelyo igu salaan raggaa aad raacday, rag wax badan i taray ayay ahaayeene, weliba Sheikh Samaale, (Maxamed Dabadii) aad iigu salaan . Alla muxuu ninkaasi isagoo i aamanaya aayado iyo axaadiis soo daliishaday. Kaasna ma kala dhimaney yeelkeede, Imisa mujaahid oo Kulmiye ahaa ayaanu kala dhimana, Wixii kala dhimanaya ha kala dhintaan, mar hadaanaan Aniga iyo islaantaydu kala dhimanin.

 

Qalinkii: Cismaan Cumar Dool

Oslo, Norway.