“Siilaanyo Fariid-buu Wax U Dhiibaa, Waxaana Markhaati U Ah Inuu Hoggaamiyeyaashii Somaliland Muuse Biixi Kala Soo Baxay”

London (SL.Post) Kanadiid Cabdiraxmaan oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee UK , khudbad uu ka jeediyay kulan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna musharraxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi la yeesheen Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska, ayaa sharaxay astaamaha hoggaamiyeed ee uu ku sifoobay Guddoomiye Muuse Biixi.

thumb

“Madaxweynaha Nin kale oo geesi ah baa dhinciisa fadhiya, Cabdiraxmaan Cirro iyo Jamaal Cali Xuseen wey inga maqan yihiin cida kula joogta uun-baan hadal hayaa, waxaan halkan ka odhanayaa Muuse Biixi (Guddoomiyaha KULMIYE), Muuse waxa igu horaysay markii uu UK yimi ee aan nolashayada salaamo, shaashadahaan ka daawan jiray oo waxaan odhan jiray ALLOW Ninkaa ha noo keenin.”

 

Mr. Kanadiid, waxa uu intaas ku daray “Laakiin waxaan odhanayaa Siilaanyo Nin aanu garanayn wax uma dhiibo ee Fariid-buu wax u dhiibaa, waxa taa iga markhaati ah hoggaamiyeyaashii Somaliland markuu Muuse Biixi kala soo baxay.”

 

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net