Siidh La’aan soo Wejahdey Beerlayda Gobolka Gabiley oo Dabar Ku Noqotay Dalaggii Beeraha

Gabiley (SLpost)- Gobolka gabilley oo ah gobolka ugu beeraha badan guud ahaan dalka jamhuuriyada somaliland isla markaana dadka ku nool 90% ay noloshoodu ku xidhantahay beeraha ayaa waxaa la soo darsay mushkilad xaga abuurka ah ama siidhka ah taasi oo saamayn weyn ku yeeelatay beerlayda gobolka iyo guud ahaan beeralayda wadanka oo dhanba,waxaana mudo bil ah kala go,naa oo laga waayay suuqyada somaliland siidhkii xabxabka iyo tamaandhada kuwaasi oo ah saraca ugu beerista badan dalka waxayna tani sababtay in ilaa hada iyadoo beerihii la rogay roobkiina ku da,ayo inaan wax abuur ah lagu ridin waxayna ka dhursugayaan bal in la helo siidhkii xabxabka iyo tamaandhada

Helista siidhka ama abuurka ayaa waxay tahay mid kamid ah mushkiladaha ugu waawayn ee haysta beeralayda dalka  waxaana wadanka siidhka keena hal dukaan oo kaliya oo hargaysa ku yaala kaasi oo kenya ka keena haduu ka dhamaadana  aanay jirin meel kale oo loo doontaa.

xabxabSiidhkan ayaa waxaa qiimihiisa sarre u sii qaaday beeralayda dalka ayaa waxay caado u leeyihiin inay halmar wax wada beeraan haday tahay beer biyood iyo haday tahay beer rooobaad .

halmar ayaa waxay wada beerayaan xabxab markaasuu suuqu wada xabxab noqonayaa halmarna waxay beerayaan tamaaandho markaasaa tamaandhadii badhayso noqonaysaa tanina waa mushkilad haysata oo ah qorshe la,aanta beeraha dalka  inkastoo ay badanyihiin mashaakilka haysta beeralayda wadanka hadana waxaa ugu daran mashaakilka ka haysta xaga siidhka iyo suuqgaynta saraca beeraha.

Beeralaydan gobolka gabiley oo ah laf-dhabarta dhaqaale ee gobolka isla markaana waxsoosaarka ugu badan dalka soo saara ayaa hadana aanay jirin  wax miisaaniyad ah  ama kaalmo ah oo ay u qorsheeyeen haday noqoto maamulka dawlada hoose iyo haday noqoto  dawlada dhexe iyo wasaarada beeraha somaliland oo haba yaraatee aan ka gargaarin mashaakilka ay la daalaadhacayaan beeralaydu,waxayna kaliya arkaan beeralaydu wax dawlad sheeganaya marka laga rabo cashuurtii beeraha.

Inkastoo dhawaan la rajaynayo in la keeno siidhka xabxabka hadana hadii sidan lagu sii waayo waxay saamayn xoogan ku yeelan doontaa guud ahaan suuqyada khudaarta ee somaliland waxaanu xabxabku suququl noqon doonaa  bisha barakaysan ee ramadaan ee inagu soo foolka leh  maxaa yeelay waxay ku soo beegan tahay wakhtiga la goosan doono  midhaha xabxabka xiligan la beerayo

Weriye Cabdikariim Muxumed Cadde(Qaamuus)

Gabiley, Office