Siduu Noqon Doonaa Saamiga Kuraasta Goballada ee Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee doorkan? – W/Q: Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi (Bacaluul)

BacaluulWaxay ahayd 29kii September, 2005tii , markii shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ay si xor ah ugu soo baxeen, una doorteen wakiiladii ay ku yeelan lahaayeen dawlada. Waxay ahayd markii ugu horaysay ee Doorasho wakiilo laga hirgaliyo dhulkay Soomalidu degto, intii ka dambaysay 1969kii [i]. Sidoo kalana waxay ahayd ammaantii ugu waynayd ee Somaliland beesha caalamka ka hesho, kuwaasi oo ku tilmaamay inay codbixintaasi ahayd tallaabadii ugu weynayd ee aynu kaga dhabaynnay hirgalinta hanaan dawladeed oo ku salaysan dimuqraadiyad iyo sharci ( Yusuf, Kibble, Brudbury) [ii]

Marka laga yimaado, aragtidii aduunweynuhu ka qabay codbixintan, waxa xusid mudan inay hirgalinteedu soo martay maraaxil adag oo isugu jiray caqabado maamul iyo sharciba. Saamiqaybsiga Gobaladu ku kala yeelan doonaan 82ka xubnood ee uu ka koobanyaha Golaha Wakiiladu ayaa noqday caqabaddii ugu weynay ee la isku mari waayay. Sidoo kala kala xadaynta gobol-doorasheedyada ayaa iyana qayb ka ahayd caqabadihii jiray. Waxaanay arrimahani muddo laba sannadood ah, hortaaganayeen sidii loo curin lahaa Xeerkii Doorashada ee Golaha wakiilada. In ka badan laba jeerna waxay dib u dhigeen doorashadii Golaha ee xilligaasi.

Doorashadii Golaha wakiiladu waxay ahayd mid ka duwan kuwii ka horreeyay, markaad eegto sidii shacabku ugu heellanaa iyo xamaasadii uu lahaa olalaheeguba. Taasina waxa marag ka ah,doorashadani waxay ahayd tii ay usoo baxeen codbixiyayaashii ugu badanaa oo ay tiradoodu kor u dhaaftay, 600,000 qof. Halka ay doorashadii Golaha Deegaanka ee ka horraysay ay usoo baxeen, 440,062 qof, tii madaxtooyaduna ahayd, 488,039 codbixiye.

In kastooy guul ahayd in la is-afgarto lana qabto doorashadaasi, hadana saamiqaybsiga kuraasta Wakiiladu ee dadweynaha kala degan goballadu, waa caqabad aan wali xal loo helin, isla markaana ina hortaagan. Waxa si ku meel gaadha ah oo aan ku salaysnayn formula saamiyeed oo ka tarjumaysa tirada dadweynaha ku kala nool Gobol, loogu qeybiyay lixdii gobol ee distooriga ahaa . Taasi oo ay goballadu kuraastii Golaha Wakiilada Sidan loogu kala qoondeeyay:

Gobolka                      Tirada kuraasta

  1. Maroodi jeex             20 kursi.
  2. Awdal                       13 Kursi.
  3. Saaxil                       10 kursi
  4. Togdheer                  15 kursi.
  5. Sanaag                     12 Kursi.
  6. Sool                          12 Kursi.

Saamiqaybintaasi ku dhisnayd mala-awaalka, ee waqtigaasi lagu hawl-galayna, may ahayn mid loogu talo-galay inay sii jirto . Balse waxay ahayd mid ku meel gaadh ah, sida ku cad, qodobka 12aad ee Xeerka Doorashada Golaha wakiilada, xeer lr 20-2/2005 . Qodobkaasi oo dhigaya in saamiga kuraaasta ee aynu xagga sare kusoo xusnay, yihiin kuwo ku koobnaa doorashadii hore. Halka doorashooyinka dambana la isla qaatay, in uu saamiga gobbaladu uu noqon doono, arrin si cilmiyaysan loo sameeyo, oo ku salaysan formula cad oo ku jaango’an xaqiiqada juqraafiyeed ee dalka ka jirta. Taasina illaa maanta, lama soo hadal qaadin, lamana gudo-gelin doodeedii, iyadoo waliba xilligan lagu wado inay doorashada golaha wakiilada iyo madaxtooyada oo isa-saaran la wada qabto.

Iyadoo aanu jirin tirikoob ama diiwaangalin rasmiya oo caddaynaysa tirada dadweynaha reer Soomaliland ee ku kala nool gobollada, hadana, xaqiiqada ah, in boqolkiiba lixdan (60%), codbixiyayaashii doorashadii Golaha wakiiladee hore, ay deganayaan Goballada Maroodijeex, Awdal iyo Saaxil, waxay ku tusaysa sida ay cufnaanta tirada dadweynuhu ugu badantahay Gobolladaasi. Walaw ay jiraan duruufo deegaan, jidad-xumo iyo xaalado amni oo xilligaasi la xusi karo, hadana arrimahaasi maaha kuwo loo wada aanayn karo tiro yaraanta codbixiyaashii deganaa goballada kale.

1Jaantus1 : Tiradii codadka ee Gobollada JSL, doorashadii G/Wakiilada,2005.

Markaad u fiirsato xog-doorasheedkaasi hore, waxa meesha kaaga soo baxaya, sida ay gobaladani, siiba Gobalka Maroodijeex oo ah kan ugu dadka badani ugu dulmanaa saamiqaybintii kuraasta Golaha Wakiilada. Labaatanka Kursi ee loo qoondeeyay Gobolkani ayaa noqday kuwii ay tiradii ugu badnayd ee Jamhuuriyadda Somaliland ku loolanto. Waxaanay tani keentay in kootad cod ee kursiga Maroodi-jeex legu helayaa, uu noqdo kii ugu sarreeyay. Tusaale ahaan, tiro ka yar codadka uu ku hadhay xildhibaanka gobolkani ayaa soo saaraysay laba xildhibaan oo gobolada kale ah. Tanina, waxay ku tusaysaa caddaalad darrada ku habsatay gobolkani, oo ay ahayd in loo qoondeeyo kuraas u qalanta tirada dadweynaha ee ku nool.

Marka ay sidan wax u dhacaan, ee la yidhaahdo tusaale ahaan 50-ka cod ee Hargaysa ahi,waxay la mid noqanayaan 1 cod oo gobal kale ah, waxay tani meel kaga dhacaysaa mabadi’dii caalamiga ee doorashooyinka. Kuwaasi oo dhigaya in uu rabitaanka codbixiyayaashu lahaado qiimo iyo miisaam is-leeg ( Elections should give each voter’s intentions equal weight). Haddii kale, waxa uu noqonayaa xaqii iyo xorriyaddii ka qayb-qaadashada Siyaasaddu mid aanay muwaadiniintu, u wada sinnayn oo aan dheellitirnayn, madaamo oo aanu codkoodu isku qiimaba ka taagnayn dalka.

Si la iskugu dheelitiro qiimaha, ay warqadda codbixinta ee gobal waliba leedahay, marka la dooranayo xildhibaan, waxa muhiim ah in la soo saaro kootada cod ee kursiga wakiiladu taaganyahay qaran ahaan( national quota for a seat). Kootadaasi oo noqon doonta hooseeyaha,wadarta guud ee codadka wakiilada.Tanina waxay suurtagal noqon kartaa marka laga duulayo tirakoob sugan. Soomalilandna waxay samayn kartaa uun kootadaasi markay dhammaystirto diiwaangalinta madaniga ama tan codbixiyaha.Mana noqonayso, dalkii ugu horreeyay eek u hawlgalay xog-diiwaangalineedyadaasi, balse sida Sida ku cad warbixin la sameey 2005-06dii, waxa la ogaaday in 34% wadamadii la indha-indheeyay ay ku saleeyeen saami-qaysbiga kuraasta baarlamaanka ee Goballadooda tirada codbixiyaasha diiwaangashan. Halka waddanka Belarusna uu adeegsaday diiwaangalintii doorashooyinkii hore.[iii]

Shaki kuma jiro in saamiga kuraasta goballada ee lagu saleeyo xogta diiwaangalinta madaniga ah ama codbixiyayaashu, ay buuq dhalin karto , haddii aan kuraas-dheeri ah (add-on seats) lagu darin 82-ka kursi ee Wakiilada. Sababtoo ah, tani waxay keenaysaa inay gobollada qaar waayaan tiradii hore ay uga haysteen Golaha. Halka kuwo kalana ay u kordhi doonto sida gobalka Maroodijeex. Waxa laga yaabaa inay dadka qaar ku doodaan in aanay xogta diiwaagalinta madaniga ama tan codbixiyuhuba lagu salayn Karin saamiga kuraasta ee goballada, maadaamo oo aanay ahayn tirakoob. Dooddaasi ma noqon karto mid macquul, mar haddii aanay keenayn miqyaas ama halbeeg kale oo si isleeg wax u kala siin kara dadweynaha gobollada Jamhuuriyadda ku kala nool. Tii hore ee muhmalka ahaydna ma shaqayn karto maanta, waayo waxay duudsiday xuquuqdii codbixyaal badan iyo siyaasiyiin badan oo ka soo jeeday gobalka Maroodijeex.

Si aanay hadaba dadweynaha ku nool Gobalka Maroodijeex ugu dhacmin doorashada Golaha Wakiilada ee Soo socota. Waxa muhiim ah inay si ballaadhan uga hawlgalaan sidii aanay labaatankaa kursi markale u kala cidhiidhsan. Halka ay kuwo kale si faalal ah ugu loolamayaan kootadooda.

Dhammaad.

Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

(waddi12@gmail.com)

Tixraac:

[i] www.progressio.org.uk/sites/default/files/Furthersteps-to-democracy.pdf

[ii] Ibid.

[iii] http://aceproject.org/electoral-advice/archive/questions/replies/83319998.