Sideen U Noqon Karaa Qof guulaysta?

 

Dad farabadan ayaa jecel ama doonaya in ay guulaystaan,laakiin sida loo yidhaahdaa waa ay fududay sida loofuliyaana way adagtay,waxaana ku gadaaman dhibaatooyin kahoryimaada marka uu qofku doono in uu hiigsi ama yool kadhabeeyo,si awgeed waa in aad maskaxda ku haysaa arimaa aan hooskusheeginoono si aad jaanis iyo fursado ugu hesho yoolkaaga ama kuusahli kara in aad u dhawaato hadabfkaaga.

1)      Balqiyaas in aad guulaysatay.(imagine)

Dadka aqoonta u saaxiiba waxay sheegaan in qiyaasidu(imagination)ay ka muhiimsantay aqoonta,imagine iyo qiyaasta aad samaysaa in ay kuu iftiimiso kuuna kordhiso ifafaalahaaga guushaada,waxaanay kuu fududaynaysaa  dariiqa inta ka hadhay waxa aad qabanayso,sidookale engineeradu markay dhisayaan marka hore way qiyaasaan(imagine)kadibna waxay guda galaan dhismaa ay wadaan.sidookale adna waa in aad engineer unoqotaa naftaada sidii ay uguulaysan lahayd.

  • wakhti daqiiqado yar oo kooban sii maalin walba in aad qiyaasto(imagine)guushaada iyo hadafkaaga,qiyaas qorshaa aad rabto in aad ku guulaysato,iswaydii maxaa lagu qabanayaa qorshahan? Iswaydii guushaadu side ayaa ay noqon doontaa?uri dareenka guushaada usamee naftaada dhiirigalin.
  • Kafilo qiyaastaada filasho kuu hogaamisa guusa guusha,waayo dhamaan dadka guulaystaa waxay aaminsanyiin naftooda iyo hadafka ay leeyihiin.iskuday in aanad cidna ku xinin oo aanad ku waxyeelayn hadafkaaga oo aanad odhan hebal ku xumee.,fahan in uu qofka kale udoonaayo sida aad udoonayso in aad guulaysato.

2)       Hel hadafka nololeed ee aad kaleedahay yoolkaaga.

Cadee shayga aad jeceshay in aad waxkaqabato ee ay naftaadu ku  kalsoontahay,marka aad cadayso shayga aad jeceshay,si aad u ogaato yoolka iyo ujeedada aad kaleeday noloshaas raac qodobadan soosocda.

  • Helitaanka shayga aad jeceshay waxa uu kugu dhiirigaliyaa in aad siiwado qorshahaaga,imaajingarayntu waxay kugu riixdaa in aad gaadho rool muhiim ah taasi oo kadhigta hamigaaga mid guulaysta,hadaba sikasta oo ay u adkaato,qiyaas inta aad ku gaadhi karto guurshaada,hadii uu noqdo hadbkaagu mid aad xiisaysay waxa aad noqolaysaa midsiiwada kuna dhawaada guusha uu rabo.
  • Sidee ayaad uxisaabin kartaa ama aad marikartaa oo aad usoo bandhigikartaa hadafka iyo ukeedada nololeed ee aad kaleeday? Waa ay ku adagtay qofkasta lakiin waxaad raaci kartaa diriiqoonin kuu fududeeya .
  •  in aad hesho qof xirfad iyo aqoon uleh hawshaad ama lataliye yaqaana falsafada,
  • Isku day in aad urursato khibrado kaladuwan,waxaad sidookale xusuusnaayaa in aad karaadiso khibradaa xataa shaqooyinka aad ku qancin adiga waayo hadafkaagu waa in aad khibrad hesho.
  • Karaadi oo kabaadh dadka aad jeceshay in aad aqoon karaadiso haba ahaadaan qaar xun waayo adigu waxaad jeceshay in aad gaadho guushaada.

3)      Qeex macnaa guusha aad aragtay.

Maguulaysan kartid hadii aanad ogay macnaa ay adigu kuuleeday,dadku waxay u arkaan guusha wajiyo kaladuwan ,dadka qaar ayaa uqaba in ay guushu tahay in aad cunto qado  qofkale,oo uu rabo in alagu jeclaado laakiin laakiin hanoqoto hadafkaagu mid dhaba oo xaqiiqa ah.

  • Hadaba sidee ayaad ku ogaan kartaa in aad gaadhay yoolkaagii?heerarka aad marayso waa in aad tirinkartaa,ama aad sidookale waa in aad noloshaada oo dhan daba gashaa cadaynta yoolka,
  • Tusaale ahaan aan nidhaahno waxaad doonaysaa in aad ku fiicnaato shaqodaada,waxaad heshay diirigalin waxaanad kor usiiqaaday dadalkii,laakiin wali hadafkaagii maad gaadhin sababta oo ah waxaad markaste wax uqabanaasay si wanaagsan oo saxa,markasta waxaad heshaa dalacsii ama diirigalin,ama waxaad samaysaa lacagfarobadan,laakin waxa kasto oo aad heshaa kuguma filnaanayaan.
  • Ilaayood saayso bartilmaameed ah ‘’hadafkaygu waa in aan kordhiyo waxsoosaarkayga ilaa 30% ee aan noqdo ka kaliya ee kuhabsaama shaqada shanjeer sanadkiiba ugu badnaan,waxaa jira hadafyo aad tiring karto marka aad gaadho yooka,taasina waxay kuu sheegaysaa ku qanacsanaanta iyo dhamaystirka yoolkaaga,waxayna kuu samabtaa guul iyo kasooni.

4)      Xul waxyaabaa ay kalsoonidaadu ku hoosayso.

Sifiican u arag ama udaras waxyaabaa aad ay kalsoonidaadu  ama aad ku xuntay,run ahaantii ahadii aad rabto in ganacsigaaga ama qorsha haaga aad ka hesho kalsooni  saraysa horta hel halka aad ku liidato,sida ay dadbadani aaminsanyihiin hadii aad leeday ama aad hesho meel kalsoonida hoose aad ka haysato in ay kuu horseedi karto guul,sababahan hoosku qoran awgood.

  • Kasoonidaada oo hoosaysaa waxay ku siisaa in aad dareenbadan iyo masiirka wanaagsan, sidookale waxay kugu caawisaa in aad hesho waxa nafta umuhiima cadii aad tahay qofiku kalsoon ilaahay waxa uu hadiyad kuu siiyay ingineernimo,sida saxda ahna waxaad heli doontaa masiir .
  • Kalsoonida hoose eed qaadataa waxay keentaa in aad aad ushaqayso oo aad diyaariso wax badan
  •  Isla kasoonidaadu  hadii waxay hoos udhigtaa isla hanwaynaantaada.dadka aadn hanwaynayn waa dadka shaqada iyo ganacsiga u saaxiiba,dadka shaqada usaaxiibana waa dadka iska faraxsan oo gaadha guush iyo yoolkooda,wax siri kuma jirto in ay qadarinku keento guul,

5)      Cayin wakhtiga aad doonayso in aad hadafkaaga ama ujeedadaada gaadho.

Hadii aanad cayimin ujeedadaada way adagtay  in aad ogaato in aad guulaysankarto iyo ina aad guuldaraysan karto,ha adkaato laakiin naftaada sii wakhti xadidan,

6)      Cayin shayada/xirfada/agabka aad ku gaadhayso ujeedadaada.

Hadii aad doonayso in aad noqoto qof codkara,waa in aad heshaa kalmado farabadan,waa in aad taqaan oo aad aqoon uleeday mawduuca aad ka hadlayso,waa in aad taqan qoraaka iyo hadalka ,waa inaad leeday cod hufan,  taasi waxay kuu sahlaysaa in aad hadaf dheer aad ku gaadho waakhti yar.

7)      Shayga aad qabanaysaa waa in uu kaa go’anyahay.

Qofka hadii aanay kasooguin in qabto ama gaadho hadafkaa uu rabo waxay noqotaa wixiisu hidis uun oo aan laga midho dhalin,doonida iyo ka gonaanku waxay kuu sahashaa in aad samayso ikhtiraac,  hafakuna waxa uu wanaagsanyay marka uu leeyay hiigsi meel,

8)      Cadee waxyaabaa lagaaga baahanyay in aad ku afayso ama aad ku jadiidiso hadfkaaga.

Aduunyada waxwalba waa faro ku hayn,hafkaaga markaad gaadho waxaa muhiim ah in aad hesho wax aad kusii cusboonaysiiso siaanu nusqaan ugu iman,

Kalasoco habab kale qaybaa dambe.

Mubarig Farhan Farah.

Mubarig06@hotmail.com