Sideebuu Guddoomiye Cirro ku qaabilay Go’aanka Golaha Guurtida maanta ku soo Af-jartay Khilaafkii Golaha Wakiillada?

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo khudbad ka jeediyey kulan wada-jir ah oo Baarlamaanka Somaliland ku yeesheen xarunta Golaha Guurtida, kaas oo lagu soo afjaray khilaaf laba garab ukala qayb-galiyey mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa dhinaciisa ka hadlay dareenka uu ku qaabilyo go’aanka golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafkii u dhexeeyay.

Sideebuu Guddoomiye Cirro ku qaabilay Go’aanka Golaha Guurtida maanta ku soo Af-jartay Khilaafkii Golaha Wakiillada?Guddi Golaha Guurtidu u xil-saaray dhex-dhexaadinta Khilaaf Golaha Wakiillada ka soo laba-kacleeyey Sabtidii toddobaadkii hore, ayaa shalay Sabtidii soo saaray go’aamo ay sheegeen inay ku soo afjarayaan Khilaafkaas, isla markaana gaadheen markii ay dhagaysteen dacwadda iyo doodda labada dhinac ee Wakiillada Khilaafku u qaybiyey ee Mucaaradka iyo Muxaafidka.

HALKAN KA DAAWO HADALKA GUDDOOMIYE CIRRO GO’AAMADA KA DIB