Sideebay Beesha Caalamku uga fal-celisay Isku-dayga Afgembi ee ka socda Dalka Turkiga?

Ankara (SLpost)- Iyadoo ilaa Immika ay qansan tahay xaaladda dalka Turkiga, isla markaana uu socdo Isku-day Inqilaab Milatari oo ay ka dambeeyeen Saraakiil ka tirsan Milatari dalkaasi, shaaracyada magaalooyinka waaweyna ay isugu soo baxeen dadweyne ka soo horjeeda afgembiga, waxa xaaladda dalkaas ka hadlay madaxda reer Galbeedka.

turkeyMadaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa ku baaqay in dhammaan Xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka Turkigu taageeraan Dowladda shacabku soo doortay, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Aqalka Cad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry oo booqasho ku jooga dalka Ruushka, ayaa sheegay inuu khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga, isla markaana uu ku adkeeyey in taageero buuxda lala garab-joogsado dowladda shacabku doortay. Sidoo kale, waxa xaaladda ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov waxaanu ku baaqay in loo hoggaansamo dastuurka dalkaas.

eee“Turkigu waa awood muhiim ah oo gobolka ka tirsan. Dabcan deggenaanshaha Turkiga iyo xaaladda ka jirtaaba saamayn ayay ku leedahay xaaladda gobolka,” ayuu yidhi Mr Lavrov.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda dalka Turkiga, sida uu sheegay afhayeen u hadlay QM. “Xoghayaha Guud waxa uu si dhow ula socdaa xaaladaha ka soo cusboonaaday Turkiga. Wuu ka war-hayaa isku-dayga Afgembi ee ka dalka ka socda,” ayuu yidhi afhayeen Farhan Haq.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan, Mohammad Javad Zarif ayaa ka hadlay xaaladda Turkiga. “Deggenaanshaha, dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada shacabka Turkigu muhiimad ayay noo leedahay,” ayuu yidih Mr Javad Zarif.

Sidoo kale, waxa xaaladda ka hadlay dalka Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo ku baaqay in la ixtiraamo nidaamka dimuqraadiyadeed iyo Dastuurka dalka Turkiga.

SOMALILANDPOST.NET