Sidee U fekeraan Tuugtu? (Cilmi-Nafsiga Musuq-Maasuqayaasha) – Qaybta 1aad

khaalidHordhac
Hanti-lunsi, xattooyo, wax-isdaba marin, iyo laaluush waa qaar kamid ah ereyo lala xidhiidhiyo mararka qaarna leh macne u dhow ama u dhigma ereyga (Musuq-Masuq) waana ereyo micne taban leh oo xumo ku caan-baxay. Musuqu waa wax liddi ku ah horumarka, waa aafo koboca dhaqaale ragaadisa, waa soo-if-bax caadiga ka baxsan, waa saqajaannimo ku dhex fidi karta bulshooyinka, waa balaayo sahayatay dhaqaalayaal, hab nololeedyo bulsho iyo kaaga daranka dalal dhan taas oo sababtay dagaallo, iska hor imaadyo beeleed iyo markay ugu darraydna qarxisay kacdoonno dadwayne. Dagaallo, rabshado iyo qalaanqallo siyaasadeed oo galaafatay qaybo badan oo kamida ah dalalka koonfurta qaaradda America (Latin America) Yurubta bari, Afrika, bariga dhexe  iyo meelo kaleba waxa loo tiriyaa in musuqqa iyo xattoyadda hantida qaran ay qayb wayn ka qaadatay.

Musuqqa waxa lagu tilmaamay inuu yahay leexasho wanaagga laga leexdo oo xumaha loo leexdo.Sidoo kale falalka wax-isdabamarinta ah waxa lagu qeexay in ay yihiin xeer-jabin ay keentay danaysi aan tudhid lahayn (danaysi shaqsi) (Sen, 1999). Isaga oo ereyadiisa adeegsanaya (Nye, 1967) J. S. NYE waxa uu ku qeexay:

“Dabeecad ama hab-dhaqan buriya xeerarka u daggan maamulka hantida taas oo ka dhalata danaysi gaar ah, danaysi qoys, mid qabiil ama mid urur oo la xidhiidha hanti lunsi ama mansab helid.”

Caqliyadda Musuq-maasuqayaasha iyo tuugta waxa ay aqoonyahanada cilmi-nafsigu u tixgaliyaan nooc khalkhal ah oo ku dhaca qofnimada (personality disorder) taas oo ah mid ay daawayn karaan xeel-dheerayaasha cilmi nafsiga gaar ahaan kuwooda ku takhasusay qofnimada iyo dabeecadaha aadanaha.

Dunida daafeheeda inta badan agaasimayaasha iyo saraakiisha kale ee maamulkuba waxa ay geed dheer iyo mid gaabanba uu fuulaan sidii ay usii joogi lahaayeen xafiis ama bar yar oo maamul halkaas oo marka ay qandaraas bixiyaan ama ay liisan sharciyeeyaan ay ugu heli karaan laaluush (Mauro, 1997). dalkeenana waxaaba loola magac baxay “Dhaameel” oo marka qof maamul haya ay asaxaabtiisu waydiinayaan in meesha wax-la musuqi karo in kale waxaabay ku yidhaahaan; “waar meeshu dhacdhac iyo dhaameel ma leedahay?”

Soyaalka iyo Bar-Bilawgii Aafada Musuqqa 

Taniyo ilaa xaawa iyo aadan musuqu waxa uu ahaa soo jireen ka soo bilawday xeer-jabin ay aadan iyo xaawa ku keceen taas oo ay buriyeen xeerkii uu ilaahay u dhigay oo ahaa in aanay cunin hal geed oo kamid ah geedaha jannada ka baxa  (Quraan, 2:35). (Markii dambe aadan iyo xaawa waxay ilaahay ka baryeen dambi-dhaaf waana loo dhaafay).

Sheekada ku saabsan xaawa iyo aadan iyo gafkii musuq ee ugu horreeyay ee aadane galo waa taariikh wax ku qaadasho mudan isla markaana ay dhigayaan dhamman diimaha cirka-imaadka ah sida diinta Islaamka tan masiixiga iyo waliba ta yuhuudda oo dhammaan ku abtirsada diintii nabi ibraahin (inkastoo islaamka mooye inta kale ay yihiin diimo la leexshay).

Taariikhyahanadu waxa ay tilaamaan in qaar badan oo kamid ah boqortooyooyinkii dunida Islaamka soo maray ay u burbureen musuq baahay oo qoyska boqorka iyo inta ka ag dhaw ay afka u dhigteen dhaqaalihii ummada taas oo markii dambe dhalisay kacdoonno galaaftay jiritaankoodii (Ibn Khaldun, Muqaddimah).

Dhinaca reer-galbeedka waxa ay taariikhyahanadu hoosta ka xarriiqeen in balaayadii ugu wayneed ee sahayatay boqor luwiis-kii lix iyo tobnaad [Louis XVI] iyo boqortooyadiisii sanadkii 1789 [miilaadiga] isla markaana dhalisay kacaankii faransiiska ay ahayd musuq maasuqii iyo sadd-bursigii dabaqada sare taas oo soo afmeertay habkii dhaqaale ee dhul-goosiga ahaa kadib markii dabaqaddii hoose dhugatay buugaagtii qoraayahanadii waagii baraaruga (François Furet, 1989).

Doodda ah in musuqu yahay aafo saf-mar ah oo si ba’an u wax yeellaysay dawladnimada soomaalida waxa ka marag kacay Dr. Xusseen Cabdilaahi Bulxan oo tibaaxay in musuqu yahay mid kamid ah waxyaalhii ugu darnaa ee dhaliyay burburkii dawladnimadii soomaalida isagoo ereyadiisa adeegasanya waxa uu yidhi Dr. Bulxan:

21-kii oktoobar 1969 af-gambi aan dhiig ku daadan waxa awooddi dalka soomaalida kula wareegay Janaraal maxamed siyaad barre kaas oo dadwaynuhu caleemo qoyan iyo yididiilo ay ku soo dhaweeyeen kaas oo markii dambe si qarracan leh dhaqan uga dhigtay musuqa, ku takrigalka hantidii qaranka, sadd-bursi iyo qabyaalad.”  (Bulxan 2008, p.168).

ARAGTIDA CILMI-NAFSIGA

Qofnimada (Shaqsiyadda)

Soo if-baxa musuqa waxa si gundheer loogu lafaguri karaa iyado laga eegayo xagasha cilmi-nafsiga [Psychoanalysis] isla markaana la adeegasanyo aragtidii dhimir yaqaankii [Sigmund Freud] isaga oo ku dooday in aadanaha ay cariyaan laba dareen oo dabiici ah, labadan dareen ayaa kala ah dareenka geeri-kabaqa iyo kan nolol-jacaylka.

Dareenka nolol-jacaylku waa kan ku cariya aadanaha inuu badbaado kana dheeraado halisaha ku xeeran oo dhan, isla dareenkani waxa uu bani aadanka ku cariyaa in uu falawgeed galo sidii uu uga haqab beeli lahaa baahiyihiisa.

Laakiin dareenka geeri-kabaqa ayaa sidaa si ka gedisan waxa uu ku cariyaa aadanaha inuu wax burburiyo waxana dareenkasi la la xidhiidhiyaa dhamaan inuu gundhig u yahay xumaha bani aadanku sameeyo.

Sida uu ku dooday ku xeeldheerahan dhimir-yaqaanka ahi, dareenadan kor ku xusan waxa ay la xidhiidhaan saddex qaybood oo qaab-dhismeedka qofnimadu abuur ahan ukala baxdo, kuwaas oo uu ku kala sheegay: [Id, Ego iyo Super ego] (Freud, 1933)

1.Qooq        [oo ah rabitaan badhax-tiran]

2.Hawaysi   [oo ah rabitaan ku dabran suurtagalnimada helitaanka]

3.Jamasho   [oo ah rabitaan ku dabran damiirka]

Hadaba saddexdan dareen ayaa qaabeeya shaqsiyadda ama qofnimada aadanaha, qooqa ayaa cariya bani aadanka si baraarug la’aan ah halka hawaysigu uu cariyo qofka isaga oo baraarugsan sidoo kale jamashada ayaa hawlgasha qofka oo qayb ahaan baraargusan [Micnaha ku baraarugsan dareenkan], dhinac kale hadii laga eego Qooqu waxa uu ku cariyaa qofka inuu si baraarug-la’aan ah ugu laab-kaco sidii uu dabar la’aan u haqabtiri lahaa rabitaankiisa isaga oo cidnaba aan dan iyo heelo toonna ka galayn ama aan u tudhayn, halka hawaysigu uu cariyo qofka isaga oo baraarugsan inuu raadsho haqab-tir lakin se waxa dabar kunoqda xeerarka ama waayaha, sidoo kale dareenka jamashada ayaa ku beerma qofka isaga oo qayb-ahaan baraarugsan laakin waxa dabara ama seeteeya damiirka uu ka helay dhaqanka ama diinta tani waa qaybta maxkamadda oo kale ah [Madaxa-dhexdiisa] taas oo shaandhaysa waxa ay tahay inuu qofku sameeyo iyo waxa ay tahay inuu ka joogsado.

[Freud] waxa uu ku dooday in saddexda qaybood ee shaqsiyadda ama qofnimadu xafiltan ama lagdin ay marwalba ku jiraan, waxa uu sheegay ninkan cilmi nagsiga ku xeesha dheeri in qofka qaan-gaadhka ah isla markaana dhimir ahaan caafimaadka qaba ay shaqsiyaddiisu dheeli- tiran tahay taas oo macneheedu yahay in marka uu qooqo qofku qaybta hawaysigu ay dabarto qooqiisa ilaa inta uu ka helayo qaab suuro gal ah oo uu ku qanciyo dareenkiisa, halka damiirku uu isagu ka go’aan gaadho in qaabka dareen qanicneed ee uu jantay qofku yahay mid damiir ahaan la xalaal ah ama inuu yahay booli.

Markale (Freud, 1964) khabiirkani waxa uu daraasad ku ogaaday in dhibaatooyinka dhimirka ee shaqsiyadda ama khalkhal ku yimaadda qofnimada ay soo if-baxdo marka saddexdan dareen ay kala dheeliyaan ama ay is dhaafaan, iyada oo taas laga duulayo waxa lagu doodi karaa in qofku uu wax musuqo ama uu wax-isdaba mariyo marka uu dareenka qooqu ka awood badiyo damiirka, qofkani cidna dan iyo heello kama galo dantiisa gaarka ah mooyee.

Jaranjarta Baahida

Tan iyo ilaa markii aadan iyo xaawa ay gafeen oo ay jabiyeen xeerkii eebbe u dhigay kuna xad-gudbeen waxa ciqaab looga dhigay in jannadii laga soo tuuro oo dhulkii markii hore laga keenay dib loogu soo celiyo (Quraan 20:55). Taas waxay dhaxalsiisay in ay waayaan noloshii hore ee ay haysteen ee [Janada] oo uu ilaahay ku yidhi:

Waxa kuu sugnaaday [aadanaw] in aanad ku dhex gaajjoon kuna dhex arradin”(Quraan 20:118).

Soomaalida ayaa waxay tidhaa “Aduunyadu waa sagaal oo toban ma noqoto”  iyaadoo baahidu tahay wax aadanaha ku abuuran si uu nolol wanagsan ugu noolaado hadana baahidu ma dhamaato oo marka hal rabitaan la daboolaba qaar kale ayaa soo baxa.

Ku xeeldheerayaasha cilmi-nafsiga ayaa si xeel dheer u darsay una lafa guray baahiyaha aadanaha iyo jaadadka kala duwan ee ay ukala baxaan.

Waxay ahayd 1954-tii markii [Abraham Maslow] uu hindisay fikraddii  jaranjarta kala sarraynta baahiyaha oo uu si wayn ugaga baaraandagay baahiyaha iyo rabitaanada kala duwan ee aadanaha, waxa uu sheegay in marka qofku qanciyo mid ka mid ah rabitaanadiisa uu u gudbo hadana inuu falawgeed galo siduu uu baahida ka sarraysa u qancin lahaa (Maslow, A. H. 1967)

khaalid2Hadaba iyadoo oo aynu taas madaxa ku hayno waxa aynu ku doodi karnaa in xaddi badan oo wax isdaba-marin ah ay sal u tahay baahiyaha lagama maarmaan ka u ah nolosha qofka oo kala dhantaalan siiba dalalka saboolka ah.

Intaa haddaynu ka nimaad cilmi nafsiga bal hadda aynu jalleecno sida ay aragtida cilmiga bulshadu [Sociology] u aragto musuqa.

Aragtida Cilmiga-Bulshada 

Khabiirkii cilmiga bulshada ee [Albert Bandura] ayaa waxa uu soo bandhigay aragtidiisii tusaale qaadashada iyo barashada bulsheed (Bandura, 1977), khabiirkan ku xeesha dheer arrimaha bulshadu waxa uu ku dooday inta ugu badan falalka iyo dhaqamada aynu samayno inta aynu noolnahay aynu kaga tusaale qaadanay kana baranay dadka kale ee bulshada ka mid ah, isla markaana aynu samayno inaga oo jilayna dad kaasi.

Hadaba aragtida [Bandura] ee tusaale qaadashada, barashada iyo jiliddu siday uga turjumi kartaa faafidda musuq-maasuqa iyo xattooyada?

Sida waaya aragnimadu ina tusayso wanaagga waa lakala bartaa xumaanta sidoo kale waa lakala bartaa oo way fiddaa sidaa si lamid ah musuqqa oo ah wax-xun waa la kala bartaa oo sida soomaaliduba hore ugu maahmaahday “Baruurbaa baruuryo qudhmisa”  haddi hal qof oo tuug ahi uu ku dhexjiro dadka intiisa aan waayo aragnimada lahayn ama aqoonta ama sidoodaba u nugul xumo raacu way kaga tusaale qaadanyaan.

Tabobarashadaasi waxa ay sii xoogaysataa marka maan-gaabku uu marag u noqdo tuuggii oo aanay cidina waxba odhan oo aan la ciqaabin isla markaana ka faa’iday xoolihii uu soo xaday oo guryo waawayn ka dhistay baabuur cad-cadna ka iibsaday wuu laab-kacaa qofka maan gaabkii isagoo ku taama inuu tubta tuugaasi maray uu ka daba maro waligiina ma barto inuu fahmo in uu qaddariyo caddaalada iyo danta guud in ay dadka ka dhaxayso.

 

 

Lasoco Qaybta dambe……..

 

Waa Qalinkii Khalid Mohamoud Abdilahi (Ibn Khaldun)