Sidee Qorshaha Ka-bixitaanka Midowga Yurub u galaaftay Theresa May? – WARBIXIN

Ra’iisal wasaarahii labaad ee haweenay ah dalka Britain yeesho, ayaa waxa ugu danbeyntii galaaftay dagaalka muxaafidku la gelayaan Yurub.

 

Laakiin Theresa May waxay u egtahay inaysan ku biirin liiska ay ka mid tahay haweenaydii ka horeysay ee Margaret Thatcher ee taariikh ahaan, calaamad aan la illoobi karin kaga tegey dalkooda.

 

Ugu yaraan ma aha habkii ay rabtey markii ay soo gashay aqalka looga taliyo Britain ee Downing Street bishii July, sannadkii 2016.

Ujeeddo kasta oo ay rabtey, oo uu ka mid ahaa inay gaadho qaybaha la illoobay ee dalkaasi ama wax ka qabato “caddaalad darrada gubaysa” bulshada reer Britain, waxaa dhammaantood galaafatay kelmad keliyaata taas oo ah “Brexit”.

 

Ku dhawaad saddexdii sano ee ay xafiiska joogtay, waxaa guud ahaan lagu qeexay go’aankii Ingiriisku ku doonayey inuu ka go’ midowga yurub iyo dedaalladii murugada lahaa ee ku aaddanaa si u ay u gaadho afti loo qaado.

 

Janaury 2019-kii waxay baarlamaanku qaaddaceen qorshaheedii, iyada oo uu ahaa qorshihii xubnaha ugu badan ka soo horjeetsteen taariikhda dawladda British-ka.

 

May, waxay samaysay dedaallo laba ka badan si ay ugu guulaysato aqbalaadda baarlamaanka. Iyadoo marba wax ka beddelaysay oo saxaysay qorshahaas, laakiin wuu guuldurraysanayey markasta.

 

Dadka ka codeeyey waxay filayeen in qorshahaasi xun yahay, halka safkeeda muxaafadku uu ku dooday inaysan fogeyn inay si buuxda UK uga tagto Midowga Yurub.

 

Isku day ahaa inay ka wada xaajoodan ka bixitaana Ingiriiska ee Yurub oo ay la gashay hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn wuxuu ku soo dhammaaday lix toddobaad oo wadahadallo ah oo aan wax natiijo ah la gaadhin.

 

Xaqiiqdii way walaacday, waxaana May xaqiiqsatay ugu danbayntii inaanay sii wadin shaqadii ay jeclayd iyo muddo xileedkeedii aqalka looga taliyo dalkaasna uu halkaas ku dhammaado.

 

Markii ay ku dhawaaqday go’aankeeda ah in ay ka tagto hoggaamiyaha xisbiga muxaafadka iyo Ra’iisul Wasaarahaha, ayaa codkeedii gaabtay waxayna noqotay mid dareenku ka tanbadiyey

 

Waxay si rasmi ah u sii wadi doontaa illaa iyo 7-da Juun, iyada oo jidka u sii xaadhaysa tartanka xisbiga muxaafadku kaga go’aan gaadhayaan raysalwasaaraha cusub ee xigi doona.

 

Waa tuma Theresa May?

• Taariikhda dhalashada: 1 Oktoober 1956 (da’da 62)

• Shaqooyinka: Xildhibaan Maidenhead tan iyo 1997-kii, haddana waxay noqotay raysalwasaare 2016-kii. kaddib marki ay lixsano ahayd xoghayaha arrimaha gudaha.

• Waxbarashada: badankeeda waxay ka baxday dugsiya dawladda ,dugsiga Hoose ee Wheatley Park, wakhti gaaban oo ay ka baxday dugsi madaxbannaan ,St Hugh’s College, Oxford.

• Qoyska: waxay guursatay Philip May

• Hiwaayaddeeda: Cunto karinta – waxayna sheegtay in ay haysato in ka badan 150 buug oo ku saabsan sida wax loo kariyo. Fasaxyadeeda waxay aaddaa buuraha iyada iyo odaygeeda.

 

XIGASHO: BBCSomali