Sidee looga Soo Qaybgallay Aaska Qaran ee AHN Wariye Cawke Loogu Sameeyay Magaalo Xuduudeedka Wajaale?

 

 

Hargeysa(SLpost) – Alle ha u naxariistee wariyihii ruug caddaaga ahaa ee Axmed Xasan Cawke, ayaa aas qaran loogu sameeyay duleedka magaalada Wajaale ee dhinaca Ethiopia. Madaxweynaha dawlad degaanka Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, xubno ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa goob joog ka ahaa Aaska Marxuum Cawke.

 

Dhinaca Somaliland waxaa aaska ka qayb galay madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha waddani iyo wakiillada Cabdiraxmaan Cirro, xubno golaha wasiirada ka tirsan, hogaanka guddida doorashada, bahda wariyeyaasha Somaliland iyo dadweyne kale.

 

Madaxda dawladdaha Ethiopia iyo Somalilad ka socday iyo wariyeyaasha ruug caddaaga ah ee ay soo wada shaqeeyeen Marxuum Cawke sida Yoonis Cali Nuur, Axmed Siciid Cige, Cabdisalaan Hereri, Siciid Cali Muuse iyo xubno kale ayaa ku dheeraaday  hawlaha uu ka soo qabtay saxaafadda Soomaalida, iyagoo ka tacsiyeeyay dadweynaha Soomaalida.