Sidee Ku Noqon Kartaa Qof Guulaysta! – W/Q: Mukhtaar Bulshaawi

Qoraa Mukhtaar Cabdi Sheekh (bulshaawi)

Akhriste, ma misaami kartaa caqligaaga iyo maskaxdaada inta cilmi ah ee  ku jirta, waa muhiim inaad ogaatid naftaada, awoodada iyo kartidaadu intay tahay, ha ku koobin maskaxdaada shay ama laba ama xataa saddex, ka faa’iidee maskaxda iyo caqliga Alle ku siyay oo waxbadan uga faa’iidayso, waxaana aad isku daydaa inaad ku guulaysato arimahaaga khaaska ah adigoo khaashanaaya Alle swt.

  • Illahay waxa uu yidhi (swt): ( Allah Ma Badalo Qoom na Ilaa Ay Ayagu Badalaan Nafahooda)

Isku day inaad fahanto Aayadan Quraanka kariimka ah, waxay kaa cawin doontaa wax badan.

  • Ma jiraan goobo aad ku badan tahay wakhtigaaga, ama aad ku qaadato wakhtigaaga intiisa badan, waxa aan hore u soo sheegnay in laga dheraado maqaaxiyaha iyo marfashyada lagu hadal hayo waxyaabo aan guul inoo horseedayn, hadaba,  la xidhiidh macalinkaaga iskuulka ama jaamacada ama goobkale oo aad waxka baratid, waa muhiim inaad ka qaadato talooyin iyo tusaalayaal badan, badanaa waxa jira hadalo aad u dhex mushaaxa badwaynta hadalka ee soomaalida ama goobaha shaqada oo qofka markaba niyad jabinaaya ama dacifinaaya awoodiisa isagoon is tijaabin, aan kuu sheego saddex kamid ah manta ayaan ka hadli doona inta kalena qaybaha danbe ayaan idin soo qori doona.
  • Ma awoodo, Ma Samayn karo, Way igu adag tahay: kalmadahan maalin walba waad adeegsataa, ma og tahay in carabku waxa uu ku badan yahay caadaysto, mase og tahay in hadaad ku celceliso ay dhaqan kaa noqonayso, side ayanad u awoodin inaad wax qabatid, nafta daciif haka dhigin waxa aad haysataa awoob badan oo aad waxwalba oo aad doontid ku qaban kartid, Ma Samayn karo, badanaa dadka oo isku leh ayaad aragtaa ama adiguba aad qof ku leedahay waxaas ma samayn karo ee iga daa, lakiin maxaad u diidaysaa inaad isku daydo tijaabi horta, markaad tijaabiso eeg inaad samayn kartid iyo in kale waxa aan kugu dhiiri galinaya inaad waxwalba samayn kartid, Way igu adag tahay, waa kalmad kamida kalmadaha afkeena inta ugu badan ka soo baxa ama wakhti walba aan hadal hayno hadaynu soomaali nahay, waxa aan la kulmay Abwaan Hadraawi isagoo aniga iyo dhalinyaro kale la dardaarmaya wuxuu nagu yidhi kalmadan’ Try Again’ isagoo waliba tusaalayaal na siinaya, niyad jabka iyo is dhiibida naftaada kala dagaalan ha is dhibin waligaa, hadaad is dhiibto waad guuldaraysatay.
  • Waxa jira in qof waliba leyahay khaldaad u gaar ah, aan ku xasuusiyee Qof caalamka manta la nool yahay wada saxsan oo dhamaytiran ma jiro oo qof waliba khalad iyo goldaloolooyin ayuu leyahay Qof wada saxsan oo dhamaystiran aduunka korkiisa waxa ugu danbeyay Nabi Muxamed (salalaahu calayhi wasalam), markaa isku day inaad khaladkaaga baadho oo aad ogaatid waxyaabaha aanad ku wanaagsanayn, iyo sidii aad khaladkaaga sax ugu badali lahayd taas oo ku horseedaysa wadada Guusha lagu gaadho, lakiin haka dhaadhicin in naftaadu aanay wax khalad ah lahayn, waxa tahay bini’aadmi wanad khaldami kartaa, lakiin dadka guulaystaa khaladkooda ayay sax u badalaan, guuldaradoodana guul ayay u badalaan, waana dad samir badan oo ehlu cilmi ah ama Diini ama Maadi.
  • Waxaad bilawdaa sidii aad u daawayn lahayd wax walba oo aad ku fashilanto ha ka hadhin waa lagama maarmaan qofkastaa in uu ogaado waxay naftiisu qaban karto iyo waxayna qaban karin waxay ku xuntahay iyo waxay ku wanaagsantahay waxay ku fashilantay iyo waxay ku gulaysatay waa in aad qortaa kadibna iska daawaysaa oo aad u doonto daawo aduunka wax aan daawo lahayni ma jirto, waxuunbaa ugu daran qofka ceebihiisa iska indha qabta iyo tay u sheegaan macalimiinta, asxaabtisu, ee gees intuu iska mariyo isagu qumane isla noqda, qofkaasi ma gulaysto waligii.
  • Waxaad ogataa waxa aad u nooshahay ee aad u socotaa in ay tahay naftada oo aad wanaajiso iyo iyadoo aad ogaato meelaha dhamaan ay daciifka ka tahay iyo in aad ogaato dhamaan meelaha aad ku guulaysato ee aad ogtahay naftaadu inay ka adag tahay, Maah maah ayaa waxay tidhaa ( Waxaad Sixidiisa Bilowdaa Dhamaadkiisuna Wuu Saxmaa)

Waxaad ogaatay naftaadii waxyaabihi ay ku fashilmaysay iyo waxyaabahay ku guulaysanaysay waadna saxday waxii qaldanaa.

  • Waa in aad ahaato qof dagan ahna la saaxiib dad daganaansho u dhashay taasi waxay kaa caawinaysaa in aad ku gulaysato wax walba hadii aad naftaada ilaaliso oo aad wax walba ku dhamayso daganaansho naftaada aad ka saxdo wax walba oo daciifnimo iyo xumaan ah, aadna la saaxiibto qof wanaagsan oo dagan oo kugu dhiiri galiya mar walba hami sare iyo hiigsi dheer waxaad noqonaysaa qof naftiisa wax tara, dadkiisa wax tara, dalkiisa wax tara, waalid noqon kara, umadna bad baadin kara, waxaad noqonaysaa shakhsiyad aad u saraysa oo umada islaamka iyo qoyskiisa iyo qaraabadiisa ka muuqda oo ka magacaaban Insha allah,
  • Hadii aad nolosha noqon mid mar walba hamiya oo hadaf leh oo masuuliyad isa saara oo mar ka faiidaysan khaladaadkiisa oo aan naftiisa aqoon ceebteeda iyo manfaceedaba, waxaad tahay sida ilmaha yar ee aan waxba kala garanahayn noloshiisuna waa uun iska noole.

  • Waa in aad noqoto qof mar walba ka shaqaysiiya naftiisa iyo maskaxdiisa oo isticmaala maskaxda uu rabi ina siiyay oo baaxad wayn leh oo aynaan qiyaasi karin wax tarkeeda waa in aad ahaato qof mustaqbalka ka fikira oo ay ku jirto hami sare iyo horumar gaadh.
  • Waxa aad badsataa Ducada RABI, adoo ka baryaaya inuu kugu guuleeyo baahidaada guusha ee If iyo Aakhiro, adiguna dadaalka fara badi, ha is dhigan hana yaraysan naftaada waxan ku ahay dhiirigaliye noloshaada Aakhiro iyo aduunba ah.
  • Waa in aad xariijin hoos dhigto oo aad goobo galiso hadafkaaga, aadna hor dhigtaa wajigaaga, Waa in uu noqdo hamigaagu mid sareeya, tusaale ahaan waa in aan noqdo Dhakhtar, dadaalkeedi iyo inaad sayniska ku wanaagasan tahay ayaa laga rabaa, waa in aan noqdo mid hawshuu galaayo oo uu noqdo dadka hawshaas haya midka ugu fiican oo uu ka soo baxo hawshiisa, markaasna waxa laga rabaa daacadnimo iyo dadaal, karti aad hawsha ku wajahdo.

1 – Waxyaabaha aad guul ku gaadhi karin waxaa ka mid ah iyadoo aad waydo wax kugu dhiiri galiya horu socodka oo niyada lagaa dilo oo lagu yidhaa waxba ma qaban kartid waxaa tahay qof aan waxba samayn karin oo lagu yaraysto lagu dulaysto taas waxay keentaa in uuna qofku difaac badan naftiisa heli karin oo dadka kugu xeeran in aad hore u socoto kaalin aad u wayn ayay ku leeyihiin.

Sidee baad u adkayn kartaa kartidaada?

  • Iyadoo aad ku qanacsantahay waxaad qabanayso
  • Naftaada oo aad kalsooni buuxda ku qabto in ay waxan qaban karto
  •  Jidh ahaan oo aad u caafimaad qabto iyo nafsad ahaanba
  •  Naftaada oo aad u nadaamiso waxay qabanayso oo wax walba aad meeshiisa dhigto wakhtigiisana siiso
  •  Horu socod aan kala joog lahayn
  •  Ka jar naftaada waxyaabaha xun ee ay la qabsatay, waad awoodaa
  •  Badal caadooyinka xun xun kuna badal wanaag, waad awooda
  • La saaxiib dad horu socodka iyo guusha jecel oo ku xidhnoow

Gabagabdii, waxa i soo gadhaaya fariimo qof waliba uu leyahay dhinaca uu rabo inuu ku guulaysto ka hadal, insha allah inta karaankayga ah waan isku dayi doona inaan idin soo gaadhsiiyo, waxa aan idinkaga tagayaa oo balanteenu tahay Cibaadada Alle iyo Dhawrsoonan si aan u gaadho hadaf wal oo aynu leenahay iyo Guul walba oo aynu ku hamiyayno.

Tilmaan Iyo Tixraac

Dhagayso Muxaadirada Sheekh Maxamed C Dirir ee Dhalinyarada uu kaga hadlaayo, sidoo kale Muxaadirada Sheekh Almis X Yahye ee uu kaga hadlaayo Guusha Dhabta ah, Alle waxan uga baryaaya Dhamaantood inuu khayr ka siiyo waa dad Ehlu Cilmi, inagana inaga yeelo kuwa Garta hadafka ay u nool yihiin amiin amiin.

Akhriso Qoraalka ay walaasheen kaga hadlayso Guusha iyo sida lagu gaadhi karo, in badan ayay iga caawisay maqaalkani, Dr Farduus A.rahman Ibraahim, Illahay khayr badan haka siiyo, amiin amiin.

Qoraa Mukhtaar Cabdi Sheekh Bulshaawi

Mukho4me@hotmail.com