Sidee ayeynu ku raadinaa Xalka Dhibaatada Shaqo La’aanta?

Wey yartahay in la qabto Kulano Joogto ah oo lagaga wada tashado Xalka dhibaatada shaqo la,aanta Jirta ee Wadankeena.Carwadii Shaqada ee Mansoorna Sida loo buunbuuniyey iyo Natiijada ka soo baxdey maaha mid isku dhigma,lagumana kalsoonaan karo Fikrad Mashruuc lagu fulinaayo hase ahaate aan aheyn in Xal rasmi ah loo helo sida lagu Yareyn karo shaqo l,aanta.Ardey badan oo Dhigata Jaamacadaha ayaa qaba werwer la xidhiidha Helida shaqo iyo Fursado banaan.Maskaxda Da,yar badan oo reer somaliland ah ayey ku weyn tahay Shaqo iyo Fursad dhaqaale ama nolol maalmeed lagula soo bixi karaa.

Murugada heysata dad badan raba in uu Sawir ka bixiyo,waase Mawduuc ana ugu talo galay in aan Xal ugu raadino Dhibaatadan shaqo l,aanta ee wadanka ka taagan sida lagu Yareyn karo.in 4,000 qof soo Codsadeen 45 boos ayaana ah mid dhab ahaantii dareen dad badan gelisey la xidhiiidha shaqo la,aanta wadanka.waa tan Xalku

1. Ugu horeyn horta aan ogaano in Maanta meelo badan aduunka Shaqo la,aanta dadka ahi i ay sii badanayaan,USA iyo Qaarada yurub iyo Afrika intaba.Arinta shaqo la,aantuna maaha mid somaliland ku gaar ah,waase ala odhan karaa waa Meelaha Afrika iyo Aduunkaba ugu danbeeya uguna shaqo helida yar.

2. Waxaad ogaataa in Tirada dadka soo baxaya ee Reer somaliland ah ay intii hore ka soo badanayaan,Wadanka iyo fursadaha iyo Tirada Dhalinyarta wadanka ah oo ah 70% ayaa kala badan,oo xitaa markasta ka badan fursadaha iyo boosaska shaqo ee diyaarka ah,Dhinaca kale Dad soo galooti ah iyo dad ajahnib ah oo nabada iyo horumarka wadanka ka socda soo eeganaya ayaa Tartan culus ku haya muwaadiniinta wadanka oo ay tahay in loo fiirsado lana hirgeliyo warqado aqoonsi iyo dhalasho shaqada lagu raadsado.

3. Muranka la xidhiidha in Dawladu ka masuul tahay shaqo la,aanta wadanka ama dadka oo dhami ay dawlada wax ka sugayaana aan yareyno.Dawladaha aduunka oo dhan ayaan awoodin in ay shaqo siiyaan Dadkooda,Dawladeenuna weli wey taagdaran tahay,weyse dedaaleysaa.In aan inagu isku tashno oo aan Xoogeena iyo caqligeena wax ku raadsano oo kula soo baxno,Dawladana Taageero ka rajeynyo ayaa la inaga rabaa.Laakiin in aan guryaha iska fadhino oo aan nidhaahno Dawladaan sugeynaa maaha mid ay tahay in aad rumeyso.Ardeyda jaamacadaha ku Jirtaana yaaney Aaminin fikirka ah in ay cid kale u gacan geliyaan Mustaqbalkooda oo ay ka sugaan,waa in aad adigu Nolosha halgankeeda iyo fursadaheeda barataa.

4.Musuq,maasuqa,cadaalad darada iyo Eexada ama qaraabo hiilka meelo badna lagu nacey ama laga sheego iyo in qabyaalad wax lagu qeybsado,dad badana ay shaqo ku waayeen ama kaga hadheen weji iyo garab ama wasteyn  waa in la joojiyaa.Dadka Cadaalada iyo Daacadnimada ku shaqeeyaa,tartanka xaalasha ee xorta ah ayey dhex dhigaan Shaqaalaha.

5.4,000 oo qof ayaa soo codsadey maaha in ay dhamaantooda bilaa shaqo yihiin,Waxa ku jiri kara kuwo meel kale ka shaqeeya oo raba in ay shaqadani uga dalacaan ama gudbaan mida hore.

6. Waxa wadanka ka jirta in aan lagu shaqeyn nidaamka hawlgabka ah ee dadka waaweyn.90 Jir ayaa weli talinaya ama xafiiska fadhiya 20% odayaal gaboobey oo da,dii hawlgabka xitaa dhaafey ayaa shaqeeya markaa sidii laga yeeli lahaa boosaskoodana dhalinyar loogu baneyn lahaa lagama fekiro.

7. Da’ yar badan oo aan laheyn Aqoon tayo leh,iyo Shakhsiyad dhab ah oo shaqeyn karta oo xitaa qaarkood aaney garaneynin sida CV loo qorto ayaa meelkasta buuxa oo leh shaqaan rabnaa,Markaa da,yartuna horta ha isku noqdaan oo Tayo qof shaqeyn kara oo iibsami kara ha iska dhigaan.

8. Hala tirakoobo dadka Shaqaalaha cusub ee sannadkii la qaato,si loo ogaado 2014 inta qof ee wadanka shaqo ka helay.

Ugu danbeynta waxaan anigu talo u arkaa in Laba Arimood oo kale ay yihiin kuwa ugu waaweyn ee sababaya Dhibaatada la xidhiidha Shaqo la,aanta.

1.waxa aynu u baahanahay in aynu kor u qaadno nidaamka Waxbarashada wadanka lagu hago,si aynu u soo  saarno dad tayo leh keliya oo kooban.Waana in laga baxaa in markasta Ardeyga liita iyo ka hooseya ay weli fasal ku wada socdaan,500 oo ardey oo Jaamacada wada bilaabey ayaa haddana mar wada Qalin jebinaaya oo aan kala hadhin waa Yaab.Manhajka waxbarashada waa in markasta isha lagu hayaa lagana warhayaa sida looga siman yahay iyo sida loo Adeegsado intaba.Xifradaha aasaasiga ah iyo Dugsiyada farsamada waa in la kobciyaa dadkuna ay aaminaan in keliya aan shaqo lagu helin Shahaado jaamacadeed iyo In laga fekiro Xafiis la fadhiisto.Dawlada ayeyna tahay in ay jiheyso gaar ahaan wasaarada waxbarashada in loo qoondeeyo Dadka sida waxbarashada loo helaayo.Haddiise dhaqaale iyo lacag la raaco lagana fekiro keliya in Fasalku ahaado 60 qof oo lacag laga shubtey,muddo yar oo gaaban ayaa haddana 60kaasi shahaado aanu u qalmina la iska siin doonaa.

2.Waxa kale oo aynu u baahanahay in aynu Shacab iyo dawladba ka fekirno halka dalabka iyo Fursadaha banaani ka jiraa nee Shaqo looga baahan yahay ama loo qaadan karo.Dalabka shaqo doon ayaa yar waxaase badan dadka shaqo raadiska ah.Dugsiyada 20,000 in ka badan ayaa wax ka dhiganeysa oo soo baxeysa ,Shaqooyinka banaana waa waxaan 100 boos gaadhin,sidee ayaad ugu qeybin kartaa.Shaqo abuurid,Dedaal,Ganacsi yagleelid,Warshadeyn,Beeraha iyo xoolaha nool,Farsamada gacanta iyo guud ahaa dhinac kasta waa in aynu ka dedaalnaa si aynu ugu helno nasiib iyo shaqooyin 3,000 ee Ardey ee sannadkasta jaamacadaha wadanka guud ahaan ka soo qalin Jebiya.

Ugu danbeyntana waxaan ugu talo galay in aan ku soo koobo,Qofka shaqo raadiska ah ee aan laheyn tayadii aqooneed ee shaqadiisa iyo Midka Shahaado Private ku galay Jaamacad,Midka leh Khibrad iyo waayo araganimo ama Waxbarasho xidhiidha Helayba waxa ay ku socdaan qadar.Nasiibku waa halkiisa,tayo daro,Aqoondaro,Luqada oo aan laga dhisneyn,Samir yari,Qabyaalad iyo reernimo oday la daba socdo oo aan shahaado waxba tarina waa Mid kale.Waana ta keentay in xitaa Ardeydii lagu sasabo Wey tahriibayaana Imtixaanada inaga wada baasiya si ay wadanka u joogaan.Markaad sasabto Saaqidkasta,Saaqidkastaa wuxuu ku socdaa in uu Aqoonyahan sheegto mustaqbalka.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com