Sidee ayaynu ula dhaqannaa Da’yarteenna? – W/Q: C/raxmaan C/laahi Warsame

CabdiraxmaanDhaqannada ku salaysan tarbiyadda caruurta ee aynu leennahay haddaynu soomaali nahay, ayaa waxa ka mid ah in ilmaha aan loo oggolayn in uu dareemo in uu weynaaday, mar walbana madaxa lagaga taagnaado, xataa haddii uu gaadhay da’da diinta islaamku u xadaysay in ay tahay qaan-qaadh.

Arrintaa aynu  kor ku xusnay waxa ay u dhacda laba siyaabood.

  1. In ilmaha aan  marka hore loo diyaarin in uu dhaqaale ahaan madax bannaanaado. Sidaa daraadeed ay taasi keento in uu jeeb ahaan ku sii xidhnaado waalidkiisa, macneheeduna yahay in uu wali caruur yahay
  2. Qaabka ilmaha looga saxo qaladka uu nolosha ka galo oo aan ahayn qaab waxtar u leh mustaqbalkiisa  iyo in uu hadhow kalidii samayn karo  wax sax ah oo bulshada, diinta iyo qaanuunka guudba oggolyihiin.

Haddii aynu qodobka koowaad yara dul istaagno. Ilmeheenna  waxa aynu jecelnahay in aynu ka ilaalinno lacagta, haddii kale waa uu ku walfayaa, kuna xumaanayaa. Waa ay fiicantahay in ilmaha laga ilaaliyo lacagta la iska siinayo , waayo waxa uu ka qaadanayaa dareen ah in ay si fudud u soo gashay, ka dibna si fudud ayuu u saarayaa. Haddaa maxaa xal ah? Su’aashaa awaabteeda  halka danbe ayaynu ugu tagaynnaa.

Ilmeheenna waxa aynu ka dhawrraa wax alla wixii mas’uuliyad ah, innaga oo ka baqaynna in uu dayaco amma sidii aynu doonaynnay uga soo bixi waayo. Mas’uuliyad ma qaadi karo ayaa dhagaha loogu ridaa. Taasina waa ta keentay in rabshad iyo qalaanqal uun ay u taagnaadaan iyaga oo muujinaya in ay weynaadeen oo ay tahay in la arko oo la aqoonsado.

Haddaba waa maxay tanna xalkeedu?

Ilmahaaga in aad lacag u diido maaha, laakiin waa in aad u siisaa qaab ka duwan iska bixi.

Bal sheekadan dhugo. “ nin oday ahaa oo maal badan lahaa ayaa ka baqay in haddii uu dhinto, inankiisa kaliya ee uu dhalay ku fashilmi doono maamulka iyo ilaalinta xoolihiisaa faraha badan.         Kadib waxa uu doonay in  uu inankiisa tiaabiyo. Inta uu oinankiisii u yedhay buu ku yidhi ( aabo waxa aan doonayaa in aan xoolaha innoo kala qaybiyo, si aad intaada ugu shaqaysato, oo aynaan isku soo noqon. Sidiibuu odaygii yeelay.

Inankiisii waxa uu odaygii ugu furay macdaarweyn. Waa ku kaas ayuu ku yidhi , aabo shaqayso oo nin noqo. Inankii dhallinyarta ahaa asxaabtiisii ayaa macdaarkii soo buuxisay, oo kolba meel cusub baa dalxiis loo tagaa. Kolba hudheel cusub oo la fura baa bun iyo shaah loodoontaa, oo waa la iska soo taxtaxaashaa inta fatuurad noocii u danbeeyay ah la kaxaysto. Inankii wax uu sidii ku jiraba, meheraddii ayaa bilo yar gudahood aad hoos ugu dhacday, odaygiina dusha ayuu kala socdaa, umase yimaaddo, mana canaanto. Marka ay guriga ama meel kale ku kulmaanna waxa uu dhagta ugu ridaa “aabo waan ku ogahay in aad meheraddii sifiican u waddo oo ay iska wanaagsantahay.

Maalintii danbe ayay meheraddii albaabada isku garaacday, kii yaraana fara madhnaan soo istaagay. Illayn odaygii waa kuwii kala baxay oo wax iskugu hadhsani ma jiraane, marka uu guriga yimaaddo, inta uu aabihii iska qariyo oo uu afka wax ku dhufto ayuu degdeg uga baxaa guriga. Mudoo markii uu sidaa ku jiray ee saaxiibbadiina ka kala yaaceen, ee luunku ku wareegay ayaa inta uu aabihii u yeedhay ku wareejiyay furayaashii maalkiisa oo dhan isaga oo immika  u aaminay in uu wax dhiqi karayo”

Inanka isaga oo aan xataa qaan gaadhin in masuuliyad dusha laga saaraa waxa ay keensanaysa in uu ka helo waayo aragnimo uu hadhow  noloshiisa ku maareeyo

Nabi Maxamed (SCW). Intii aanu dhiman waxa uu u magacaabay Usaama bin sayd “ oo uu dhalay asxaabiga kaliya ee Ilaahay magiciisa quraanka ku sheegay, sayd bin xaaritha” in uu hoggaamiyo ciidan loo dirayay dhulka shaam, siiba Urdun iyo agagaarkeeda. Usaama maalintaa waxa uu ahaa18 jir. Bal qiyaas ciidanka waxa ku jiray Abu bakar, Cumar bin khaddaab iyo asxaabtii kale ee Qaar ka mid ah Nabigu SCW jannada ugu bishaareeyay. Ciidankii oo madiina dusheeda jooga ayaa loo sheegay geeridii nabiga SCW. Kadibna waa iska ooleen. Asxaab u badnayn ansaar ayaa u faray Abibakar in uu casilo Usaama maadaama oo uu nin dhallinyar ah yahay, Abu bakar inta uu aad u xanaaqay ayuu yidhi “ ninNabigii Ilaahay SCW. Magacaabay ayaad I leedihiin casil”.   La soco qaybta labaad iyo qodobka labaad

Cabdiraxmaan   C/laahi Warsame

cbdrxmngeni@yahoo.com

Hargeisa, Somaliland