Sidee ayaanu u Aamini Karnaa In Shirkad Macaash Doon ah Lagu wareejiyo Adeegyo Xasaasi ah?

Waxa dhawaan la shaaciyay war naxdin leh oo hoos u dhigaya kalsoonidii lagu qabay haybadda dawladnimadda, taasi oo ah in shirkad gaar loo leeyahay la siiyay oo lagu wareejiyay liisammadda gaadiidka dalka oo ay hore wasaaradda hawlaha guud gacanta ugu haysay isla markaana ay daabici jirtay madbacadda qaranka oo ah Ha’yadda dukumantiga dawladda oo dhan sharcigu jidaynayo inay daabacdo.

In shirkad gaar ahi ay daabacato oo ay maamusho liisammaddu ay fool xumo ku tahay xukuumadda iyo magaca dawladnimadda labada, waxaanay arrintaasi meesha ka saaraysaa kalsoonidii iyo xafidnaantii adeegaas dawladeed ee gacmaha aaminka ah ku jiray, waxa arrintaasi hadii aanay dawladdu ka noqon ay noqon doontaa fadeexad baaxad leh oo saamayn fool xun ku yeelata Hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo.

Sida aan ka akhriyay wargeyska Geeska Afrika waxay tallaabadan Wasiirka Hawlaha guud ku wareejiyay liisamadii shirkad gaar loo leeyahay ay ka hor imanaysaa wareegto madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo soo saaray dabo-yaaqadii sanadkii 2010-kii taasi oo ahayd inaan meel aan madbacadda qaranka ahayn laga soo daabici Karin dukumantiyadda dawladda, ha noqoto buugaagta cashuuraha noocyadooda kala duwan, liisamadda gaadiidka iyo wixii dukumanti ah ee ay xukuumadu ku shaqaynayso, oo madbacadda qaranku ugu filan tahay. Inay adeegaasi u daboosho xukuumadda.

Wareegtada madaxweynuhu xiligaasi soo saaray waxay u qornayd sidan “Mudaneyaal iyo Marwooyin, Aniga oo ka duulaya waajibaadka ay madbacada qaranku u xil saaran tahay, waxaan farayaa Wasaaradaha Dawlada iyo Ha’yadaha Dawlada in laga bilaabo taariikhda wareegtadan wax kasta oo ay daabacanayaan ay ka daabacdaan Madbacada qaranka, waxa reeban in meel kale wax laga soo daabacdo.”

Waxa la soo weriyay in Amarkan Madaxweyne Siilaanyo uu  horeeyay laba digreeto oo ay madaxweynayaashii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ku mamnuuceen in meel aan madbacada qaranka ahayn lagu daabici karin dhukumentiyada dawladda.

Haddaba haddii aanu nahay shacbigii dalkan ma garan karo sida aanu ku aamini karno shirkad macaash doon ah oo adeeg xasaasi ah oo aanay shaqo ku lahayn dusha loo saaray, waxase aan rajaynayaa in dawladdu ay dib iskugu noqon doonto oo ay shirkaddan haddii ay maslaxad gaar ah ka leedahay ay ku wareejin doonto adeeg kale oo aan xasaasi ahayn isla markaana aan taabanayn dakhli soo saarka dalka iyo shuruucda qaranimadda labadaba.

Waxaan dhawr jeer ooh ore masuuliyiinta madbacadda qaranku bayaamiyeen inay ku filan yihiin oo ay daabici karaan adeeg kasta  wax kasta oo dawladdu daabacayso xukuumad dhexe iyo mid hooseba, markaa  waxaan garan la’ahay halka sheegadu iska qabsan  la’dahay ee loo ixtiraami waayay digreetadaas maan-galka ahayd ee madaxweynuhu soo saaray.

 

Cabdi  Kayse Axmed

Hargeysa/Somaliland