Sidee ayaad Iskaga Yareyn kartaa Khajilaadda iyo Naxdinta Marka Ad Dad Ka Hor Hadleyso? 2

.

Haddii ad aragto 5 caruur ah oo gaadhi dabada heysta ood u yeedho, ood u khudbadeyso adoo odhanaya, mar danbe ha u noqonina, waxan ad sameyneysaan waa ceeb. Fariido noqda oo wax barta. Markad caruurtaa la hadleyso, ma khajileysid, mana naxnaxeysid.
.

Kawarran haddii lagu yidhaa ka hor hadal 5 macalin oo jaamacadda wax ka dhiga. Dabcan waad naxnaxeysa, woxoogaa dhidid ah ayaa kaa imanaya iyo madaxa oo ad kolba xoqato. Waayo ad 5 ta caruurta ahna ad hadalka uugu dudubisey, 5 ta macalinna ad saliidda iyo biyaha isku dareysa?
.

Qof walbaa waxbuu ka baqdaa. Qaarkeen diyaaradda ayay ka baqaan, qaarkeen markey meel dheer fuulaan, qaarkeen marka ay baranbaro taabato waxa ad moodaa in libaax qaniinay qeylada iyo boodboodka, qaarkeen haasaawaha ayay ka baqaan. Balse, baqashada iyo khajilaadda ka horhadalka dad badan, waa arin laga siman yahay oo qof walbaa soo maro.
.

10 kan qodob ayaa ka mid noqon kara arimaha ad hore uugu marin karto ka hor hadalka dad badan:
.

1. Khajilaadda iyo naxdintu waxa ay ka dhalataa shakiga iyo kalsooni darrada. Marka ad 5 ta caruurta ah la hadleyso, waxa ad rumeysan tahay, in waxa ad u sheegeysaa ka heer sareeyo wax ay caruurtu ka fikireyso, waanad isku kalsoontahay. Balse, markan ad 5 ta macalin la hadleyso, wuxuunbaa ku leh, malaha waxan ad sheegeysaa u ka hooseeyaa waxa lagaa filayo. Amaad is bahdishaa, amaa ad u eekataa qof aqoontiisu hooseyso, amaa ingiriisiga ad ku hadleyso la quudhsadaa. Kalsoonidii ad nafta ku qabtey ayaa la yara gilgiley. KHAJILAADU WAA DAREENKA KA DHASHA, FARQIGA U DHEXEEYA WAXA AD ISLEEDAHAY WAA LAGAA FILAYAA, IYO WAXA AD ISLEEDAHAY WAAD ISLA HEYSAA. Markuu farqiga shakigaasi weynaadaba khajilaadu wey kugusii badaneysaa.
.2. Ma jiro wax kaa bi’in kara khajilaadda. Qof walbaa waa inu soo maraa marxaladahaa wadnuhu xoog kuu boodboodayo, ee la dhididayo, ee ad iskala garanwaayeyso waxa ad ku hadashey iyo wax kale. Waxa keliya ee lagu yareynkaraa naxdinta iyo khajilaaddu waa adoo ku celceliya inad dad ka hor hadasho oo maalinba ay geesinimadu kuu sii korodho. Xataa dadka an u heysano iney yihiin khabiiro aan nixin, hoosta wey ka naxsanyihiin ee waxa ay barteen sida xakameeyo naxdinta.
.3. Wakhti ka hor inta aanad hadal, si fiican maskaxdaada hakuugu sawirnaato oo hakuu cadaato waxa ad isleedahay dheh iyo qasdiga ad ka leedahay hadalkaaga. Haddaad qiiro ku heysa awgeed uun hadalka u gasho, wey kaa kala yaaceysa. Adiga oo sawir wanaagsan ka heysta waxa ad ka hadleyso sida ad hadalka u rogrogeyso, ka bacdi bilow inad fikirkaaga qorto. Isku dey in gadalkaagu yeesho meel ama laba ad culeyska saareyso oo ad rabto in si fiican uugu duxdo dadka ku dhageysanayaa. Mawduucyo badan maalin haka wada hadlin.
.4. Arinka ad dooneyso inaad ka hadasho soo diyaarso, oo si fiican uga soo baraan deg, oo soo qodobeyso. Inta ad keligaa muraayad is hortaagto bal is dhageyso waxa ad ku hadleyso, ama qof saaxiib ad tihiin iga dhageyso dheh. Khudbad ama “Presentaion” qaadanaya 20 miridh isusoo diyaari ugu yaraan 2 maalmood marka ad cusubtahay.
.

5. Hadalkaaga soo diyaarso, meel ku qor, korka ka akhri, balse ugu danbeynta qodobo warqad ku soo qoro oo wixii ad qortey oo dhan dusha haka akhriyin. Hadal qeybo guud u qeybso. Masalan u qeybi, qeyb sheeko ad ku soo qaadato, qeyb ad arinka kaga hadleyso iyo qeyb ad xal ku soo jeedineyso.
.6. Qodobada ad soo qoratey yey noqon hadal dheer ee ha noqdeen kalmado ku xusuusisa waxa ad u jeeddo. Masalan haddad tahriibka ka hadlasho, waxa ad qodobka koowaad ka dhigi karta magic sida IBRAAHIM oo ah sheeko ku dhacdey inan ibraahim la yidhaa. Ileyn waa sheeko ad sii diyaarisee marka ad warqadda eegto eed Ibrahim aragto, hadalka intiisa kale adaa wadanaya oo korkaad ka heysa. Qodobadaadu yey ka badan ama kelmad ama laba.
.7. Marka ad dadka isasoo hortaagto, waxa uugu fiican inad adna iska neefisiso, dadkan soo tigtigan ee ku soo eegayana iska jeediso yey kugu mashquuline. Sheeko yar ku bilow hadalka. Haddaad doonto khajilaadda lafteeda ka bilow, oo waxa ad odhan kartaa “Ilaa xalay ayaan ka fikirayey waxa an idin la hor iman lahaa, balse markaan iminka halkan isasoo taagey, wixiiba wey iga kala yaaceen. Markaa ha la ii dulqaato haddaad aragtaan anoo yara gargariirayaa”. Dadku hadalkaaga wey ku qosli. Wixii lagugu xaman lahaaba waadigan adigii sii dhameeyey ee yidhi waan yara naxnaxsanahay. Adiga laftaada ayaa isku qosli oo woxoogaa wahabku kaa duuli.
.8. Marka ad hadleyso, sidii marawaxadda madaxa ha ciyaarsiin ee kolba qof eeg oo isha cabaar ku hey sidii wax halkaa qof uun la hadlayaa. Marka ad woxoogaa hadashaba. Qof labaad uuga wareeg. Waxa ad eegaa dadka aanad sidaa uuga khajileyn ee ad istaqaanaan, kuwasi uun isha ku hey. Markad xariiska noqoto adaa cid walba indhaha ka dusin.
.9. Adigu waad shakisantahay oo waxa ad ka hadleyso waad is quudhsaneysa waayo intad nooleyd oo dhan ayaad isasoo arkeysey oo ad is maqleysey oo xiiso isuma sameyneysid. Balse aamin iney dadka kale u tahay wax xiiso leh. Marka ad hadleyso is dhageyso oo haku mashquulin waxa ay dadaka kale ka fikirayaan. Adigu is cajabi oo taladaada iyo qiimahaaga haka sugin waxa qofka kale ku odhanayo. Ha iska dhigin qof aanad aheyn oo masalan codka ha weyneyn ama ha yareyn. Hadalka ha dedejin oo ha isku wada daba qaban sidii qof wax uu soo qeybey akhriyaya